Author Topic: Alarjiga Halista Ah (Anaphylaxis)  (Read 11224 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3622
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Alarjiga Halista Ah (Anaphylaxis)
« on: August 29, 2009, 11:57:39 AM »


Alarjiyada halista ah (waxaa kaloo lagu magacaabaa anaphylactic shock) waa alerjiyo aad u daran oo dhimasho keeni karto. Waxay alarjiyada aad u xun tahay jawaabta uu habka iska caabinta jirkaada ku samaynaayo maaddo uusan aqoonin (tusaale ahaan cunto ama maaddo) tasoo ku khaldamaayo inuu halis yahay. Jirkaaga oo dhan ayuu wax-yeeleynaaya, caadi ahaan daqiiqado gudahood markii uu taabto waxa keeno alarjiyada, laakin mar-mar waxay ku qaadan kartaa dhowr saacadood. Cadaadiska dhiigga ayaa si kadis ah hoos u dhici karo waxaana ciriiri noqonaayo neef-mareenada.

Waxaa alarjiyada keeni karo cuntooyin baaxad wayn leh iyo curyiyaal kale (agents). Kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah lawska, lafaha miraha, sisinta, kalluunka, qashaashada, badeecada ka samaysan caanaha, ukunta iyo strawberries. Waxaa kale oo alarjiyada aad u xun keeni karaan xuunka ama qaniiyada shinnida, cinjirka dabiiciga ah (bambiirada) iyo daawooyinka qaarkood sida antibiyootikada benesilliinka.

Calaamadaha
Calaamadahaan ayaa dhici karo markii la taabto maaddo alarjiyo keenta (allergen):

Calaamadaha way kala duwanaan karaan, waxayna noqon karaan kuwo qafiif u ah jirka ama kuwo halis gelinayso nolosha.
Waxaa calaamadaha lagu garto ka mid ah wajiga, faruuraha iyo dhuunta oo barraraan, cun-cun ama afka oo yeesho dhe-dhen macdan ah ama kaar, indhaha oo casaan iyo cun-cun yeeshaan. Waxaad kale oo aad dareemi kartaa in cadaadiska dhiigga hoos u dhaco iyo isbedeelo ku yimaado garaacista wadnaha. Waxaa kale oo dhib kugu noqon karo neefsashada iyo hadalka sababtoo ah neef-mareenada ayaa ciriiri gelaayo.

Calaamadaha kale ee lagu garto waxaa ka mid ah jir cun-cun ama midda lagu magacaabo nettle-rash (firiricyo), suuxdin, ama miir-beelid oo uu sababay yaraanta cadaadiska dhiigga.
Waxaa suurto gal ah inaad xummad yeelatid, calool-qabad, matagid ama shuban. Haddii alarjiyada uu noqdo mid sababay qaniinyada xasharaadka, waxaa dhici karto in aagga qaniinyada ay ka sii bararsanaato meesha la qaniinay.
Waxaa astaamaha u sii badan dareemid kadis ah ee wel-wel ama cabsi.

Anaphylactic shock waxuu keeni karaa dhimasho sababta oo ah waxaa kugu dhegi karo neefta ama dhiigga ayaa aad hoos u dhaci karo.

Sababaha
Anaphylactic shock waxaa sababo habka iska caabinta jirkaaga kaasoo si aad u xun uga jawaabaayo badeecada alarjiyada keento oo aad horey u soo qaadatey, tusaale ahaan ukumaha.
Markii ay maaddada alarjiyada gasho dareeridda dhiiggaaga, jirkaada ayaa sii daynaayo tiro aad u badan oo histamine iyo kimikooyin kale.
Waxaa ballaranayo halbowlayaasha dhiigga, kuwaaso keenaayo inuu dhiigga hoos u dhaco iyo inay yaraadaan neefmareenada sambabaha.

Maxay dadka qaar ugu nugul yihiin alarjiga noocaan?
Isku abuuris ma ahan dadka, qaar ayaa jirkooda u arko cunnooyinka ama curiyeyaasha qaar in ay halis ku yihiin sidaas daraateed difaac ayuu jirka uga jiraa oo wuxuu soo deynayaa waxyaabo kiimiko ah oo lagula dagaallamayo waxaad qofka uu cunay, neefsaday ama uu liqay, kiimikadaas jirka uu isku difaacay ayaa waxaa halis galinaya qofka noloshiisa, dadkane way ku kala duwan yihiin difaaca jirkooda heerka uu gaarsiisan yahay.
Alarjiga noocaan wuxuu aad ugu badan yahay wadamada hormaray, sababta ay cilmibaarayaasha sheegaan ayaa waxay tahay in nadaafada iyo jeermis dilidda badan ay keento in jirka uusan aqoon u lahayn waxyaabaha qaar ma difaac uusan u lahayn, maadaama qofka marka uu yar yahay oo uu korayo uu difaaca xasaasiyada jirkiisa ay ku xiran tahay waxyaabaha soo maro noloshiisa, sidaa awgeed waxaa la yiraahdaa qofkii ku soo noolaaday wadamada Africa ama wadamo nadaafadooda liidato inuu ka badbaado badanaa xasaasiyada noocaan ah, taasoo oo la ogaaday baaritaano kadib, gooryaanada qaar ee caruurta ku dhaco in jirka ay dulqaad u siiyaan alarjiyada, tan oo ku boorisay cilmibaarayaasha qaar in caruurta ku dhalatay wadama yurub iyo maraykanka in jirkooda lagu beero gooryaano la jeermis dilay si ay xasaasiyada uga badbaadaan markii ay waynaadaan, tani waa fikrad cusub oo hada ay cilmibaarayaasha isla dhex marayaan!!.
Ilaah ayaa og sababta saxda ah ee ka dambaysa in dadka qaar ay halistaan khatar ugu jiraan meesha dadka qaar ay caadi u tahay.

Baaritaanka
Waxaa la ogaadaa inaad qabtid alarjiyada aad u xun markii la arko calamadahaada iyo taariikhdaada caafimaad. Waxaa natiijada baaritaanka lagu xaqiijinayaa tijaabo habboon ee lagu samaynaayo korkaaga ama dhiiggaaga. Waxay tijaabooyinka caawinaad u yihiin maaraynta mustaqbalka ee alarjiyada.

Daawaynta
Haddii uu qof si aad u daran u xanuunsado ama suuxo ka dib markii xasharaadka qaniino, ama u cuno cunto gaar ah ama uu qaato daawo, waa in lagula dhaqmaa si qof u baahan daawayn gurmad ah (deg-degga ah). Waa in si toos ah loo wacaa ambulansada bacdamaa uu dhiman karo haddii si deg-deg ah loo helin daawayn.

Waa in la siiyaa cirbadaynta andrenaline (epinephrine) sida lagu taliyay, isla markiiba la ogaaday inuu yahay alarjiyo aad xun. Haddii aysan ku fiicnaanin 5-10 daqiiqo gudahood waxaa loo baahan yahay in mar labaad la cirbadeeyo. Waxay andrenaline kor u qaadeysa cadaadiska dhiigga, kaaso fiicnaynaayo dhibaatooyinka neefsashada hoosna u dhigaayo bararka. Haddii neefsashada ama wadnaha istaago, waa in lagu sameeyaa dib u shqaysiinta wadnaha iyo sambabaha (CPR).

Waxaa dhici karto in lagu jiifiyo isbitaal si laguu eego 24 saac, bacdamaa ay mar-mar astaamaha soo noqon karaan saacado ka dib. Waxaa markaa lagugu samayn karaa cirbadaynta antihistamine ama cortisteroid, ama waxaa lagugu siin karaa ayadoo ku jirto faleebada lagu xiro xididka gacanta.

Waxaa laguu qorayaa epinephrine si aad iska iskugu cirbadaysid siringada horay loo soo buuxiyay. Waxaa talosiin ah inaad sidatid kaar ama jijin oo ay ku qoran tahay inaad alarjiyo qabtid sidii aad dadka kale u ogaysiiso.

Akhriso qoraal ku saabsan Xanuunka xiiqda ama Neefta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html

Wixii su'aalo caafimaadka ku saabsan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Alarjiga Halista Ah (Anaphylaxis)
« on: August 29, 2009, 11:57:39 AM »

 

Halista Daawooyinka lagu daro Cillaanka

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 7615
Last post April 17, 2016, 10:19:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Halista Dhalmada Badan?

Started by KuluuBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 6071
Last post September 15, 2009, 11:36:03 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxa keeno alarjiga?

Started by BibaayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 405
Last post February 02, 2016, 01:56:01 PM
by SomaliDoc