Author Topic: Buruq Naaseed (Breast Lump)  (Read 52734 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Buruq Naaseed (Breast Lump)
« on: August 29, 2009, 11:57:53 AM »


Waa maxay Buruq Naas?
Inuu naaskaaga kuus ka soo baxo way dhacdaa. Hase-yeeshee, inta badan bararyada naaska (80%) waa nooca aan xumayn (ma ahan kansar).
Waxaa jiraan noocyo badan ee bararyada naaska oo aan xumayn iyo sababo badan oo ay ku soo baxaan.

Waxuu cudurka naaska lagu magacaabo fibrocystic (fibrodenosis) yahay buruq ka soo bax aan xumayn ee naaska. Waxuu caadi u yahay dumarka uu xeesha (caadada) ka istaagi rabo, waxuuna u keenayaa barar iyo xanuun yar naaskooda.

Waxu fibroadenoma yahay buro yar oo aan xumayn (ka soo bax) ee naaska.

Waxuu ka soo baxaa dumarka dhallinyarada ah, laakin waxuu ka soo bixi karaa dumar oo da' kasto ah. Ma lahan dhibaato iyo kuuma kordhinaayo halista inaad kansarka naaska qaado.

Dhulaxa naaska (kuus oo dhacaan ka buuxo "Cyst") waxuu caadi u yahay oo ku dhacaa dumarka uu ka istaagi rabo caadada, oo ay da'dooda tahay 40-55, iyo kuwa qaato daawada hormoonka oo da' kasto leh.

Buruqda Baruurta "Lipoma" waa barar adag e aan caadi ahayn, waxaana keeno dhaawac gaarey naaska. Iskooda ayay u libraan waxuuna lipoma-ha yahay baruur ka soo bax oo keeno barar sababo inuu is-beddelo ku dhaco qaabka naaska. Ma u baahno in la daaweeyo.

Calaamadaha
Cudurka fibrocystic ee naaska (fibroadenosis) waa kooxo xaalado aan xumayn ee ku dhaco naaska. Waxay keeni karaan naas waynaan, xanuun, iyo inuu barar ka soo baxo naaska, gaar ahaan ka hor ama markii ay soconayso caadada. Hal ama labada naasood ayuu waxyeelayn karaa, waxayna calaamadaha sida caadiga ah dhammaanayaan caadadaada ka dib.

Waxuu fibroadenoma yahay barar kuusan (kansar aan ahayn), oo ka soo baxo ibta caanaha ka soo baxaan. Waxay ka kooban yahiin unugyo qanjir ka samaysan, oo sida goomaha u jilacsan, iyo si fudud u dhaqaaqo markii la taabto.

Mar-mar fibroadenoma iskiisa ayuu u libraa, laakin wuu adag yahay inuu iska baaba'o wuuna sii ballaaran karaa, gaar ahaan marka uurka la lee-yahay.
Waxuu dhulaxa naaska yahay meel yar oo dhacaan ku jira oo ka soo baxo unugyada naaska. Ballacooda wuu kala duwanaan karaa, waxay noqon karaan kuwo aad u yar, ama waxuu ballacooda u kori karaa ilaa iyo dhoowr sentiimitir. Dhulaxa caadi ahaan ma lahan astaamo, laakin dumaro qaarkood waxay kala kulmi karaan xanuun, gaar ahaan haddii uu dhulaxa sii waynaado intii la qabo caadada.

Sababaha
Is-beddelada hormoon-ka ee ku imaanayo jirka dumarka waxay sida caadiga ah yahiin sababta caanka ah ee keeno bararyada naaska aan dhibaatada lahayn.
Waxaa is-beddelka hormoonka imaan karaa xilliga qaangaarnimada ama markii ay caadada istaagto, laakin waxay gaar ahaan xiriir la leeyihiin caadada.
Xanuunka naaska aan xiriir la lahayn caadada waxaa mar-mar lagu yaqaana "xanuunka aan caadada xiriir la lehayn"

Sababaha kale ee keni karo barar ka soo baxa naaska aan xumayn waxaa ka mid ah, hurka naaska (mastitis), ibta naaska oo dhacaan ka soo baxo, bararka ibta naaska, xanuunka naaska oo sabab u ah dhaawac ama nabar ka gaarey qalliin horey la sameeyay.

Baaritaanka
waxaa muhiim ah inaad si joogto ah uga baartid naasaha waxii is-beddelo ah.
Haddii aad dareento barar, u soo sheeg Takhtarkaaga Guud (GP) sida ugu deg-degsan ee suurto gal ah. Waxay iyada/isaga baarayaan bararka waxayna kuu gudbin karaan baaritaan dheeraad ah.

Waxuu mammogram-ka yahay raajada naaska. Waxaa naaskaaga la saarayaa inta u dhexayso saxan macdan ah iyo saxan balaastik ah sidii wax yar loo fidiyo.
Waxaa la dareemi karaa raaxo la'aan yar, laakin hab-socodka waxuu qaadanayaa oo keliya dhoowr daqiiqado, waana mid aad waxtar u leh in lagu ogaado waxii is-beddelo ah.

Haddii barar laga helo naaskaaga, waxaa la isticmaali karaa qalabka (ultrasound-ka) si loo helo sawir faah-faahsan. Waxaa habkaan loo isticmaalaa dumarka da'da yar, oo ka yar 35 jir.

Haddii sababta bararka naaska aan lagu ogaan karin mammogram-ka ama qalabka dhawaqa dheer (ultrasound) waxaa la samayn karaa biopsy-ga naaska.
Waxaa la isticmaalayaa cirbad dhuuban sidii bararka laga soo saaro unugyo kuwaaso lagu baaraayo microscope (qalabka wax-wayneeyo) si loo xaqiijiyo natiijada baritaanka.

Daawaynta
Qubays qandacan, go'yaal kulul, ama baakadaha barafka (oo shukumaan ku duuban) waxay kaa cawini karaan inuu yaraado xanuunka naaskaada.
Daliigista (duugidda) naasahaaga iyada oo loo isticmaalaayo saliid la barxay waxuu naaska ka saarayaa wixii dhacaan dheeraad ah, waxayna kaa caawini karaan inay je-jebiyaan buruqyada "fibroadenomas". Kareemyada xanuun-dilayaasha iyo lotions-ka waxay iyagana kaa caawini karaan inay yareeyaan xanuunka naaska, laakin waa in la isticmaalin haddii uur la leeyahay ama la naasnuujinayo.

Daawooyin badan ayaa lagu heli karaa rijeetata takhtarka sidii loo daaweeyo xanuunka naaska. Waxaa ka mid ah danzol, gestinane, goserelin, iyo tamxifen. Si kastaba ha noqtee, waxay intooda badan keeni karaan wax-yeelayn xun. Waa inaad kani kala hadashaa Takhtarkaaga Guud (GP).

Haddii bararka naaskaaga la ogaado inuu yahay mid aan xumayn, waa layska dhaafi karaa. Si kastaba ha noqtee, waxay dumarka qaarkood go'aansadaan inay iska qalaan bararka fibroadenoma, gaar ahaan haddii uu wayn yahay.
Waxii dhulaxyo ee naaska, waxaa loo isticmaalaa mar-mar cirbad yar iyo siriingo si looga soo bixiyo dhacaanka. Ka dib markii laga soo saaro dhacaanka dhulaxa,
bararka caadi ahaan waa iska libraayaa. Waxaa dhacaanka loo dirayaa shaybaarka si loogu eego microscope-ka.
 
Ka hortagga
Haddii aad si joogto ah uga baarto naasahaaga bararyada wuxuu awood kuu siinaysaa inaad isla markiiba la socotid waqti hore waxii is-beddelo ah. Haddii aad dareento barar, waa inuu sida ugu deg-degsan ee suurto gal ah ula tagtaa Takhtarkaaga Guud (GP) sidii u baaro.

La socodka joogtada ah ee naaska ee dumarka waayeelka ah aad ayuu muhiim u yahay bacdaama awood u yeelaayo in lala socdo waxii is-beddelo yar-yar ah ka hor intii aadan yeelan astaamo ama calaamado. Waxaa dhammaan dumarka ay da'dooda tahay inta u dhexayso 50 iyo 70 lagu casumayaa si otomaatik ah baaritaanka naaska (mammogram) seddaxdii sanaba mar.
Haddii aad ka wayn tahay 70 jir, waxaa laguugu la talinayaa inaad sii wadid samaynta mammogram-ka seddaxdii sanaba mar.

Haddii aad faahfaahin u baahantahay halkaan ka sii weydii


http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Combination of a new oral Vinorelbine pluz Trastuzumab 4 anti breast cancer

Started by AbdicadeBoard Pre-Pharmacy and Pharmacy

Replies: 1
Views: 24349
Last post April 25, 2009, 07:21:16 AM
by hanad_1987
Daawo Filin: Baraarujinta Kaankarada Naaska (Breast Cancer Awareness)

Started by AdminBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 2
Views: 40521
Last post May 28, 2015, 10:04:42 PM
by SomaliDoc
3-D Mammography Adds New Dimension to Breast Cancer Screening

Started by MankayBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 8422
Last post January 02, 2008, 11:19:47 PM
by Mankay
a strange fatwa from al azhar!!!breast feeding between the colleagues

Started by YaxyaBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 4811
Last post March 04, 2008, 03:26:52 PM
by Yaxya
VIDEO: Somali Breast Cancer Awareness Part I

Started by AdminBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 7062
Last post December 31, 2010, 12:20:36 AM
by Admin