Author Topic: cudur ka waqti kawaqti soo laba kaclaynaya  (Read 10452 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Usame

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
cudur ka waqti kawaqti soo laba kaclaynaya
« on: October 04, 2009, 09:33:24 PM »
Somalidoc waad salaamantihiin,dabadeed haddii aan gudo galo su'aashayda ayaa ah sidatan.
waxaa jira cudurkaan oo runti aanan xaqiiqsan waxuu yahay malo maahee.
waxaan isku arkaa muddo kamuddo oo soonqaadkii hadda ahaa imoogay waxayna tahay cudurkaas markii uu igusoo fool leeyahay cudurkaan ayaan dareemayaa koow isha midig geeskeeda midig ayaa waxaan ku arkayaa waxaad moodid bidhaan dhaan dabangaalo camaloo kale al yacni waxaad moodo biriq biriq oo kale wax yar kadibne waxay isku badalayaan wax aadan runti is dhihi karin waa madax wareer ee ka daran taasoo kugu kalifaysa inaadan is dhaqaajin oo haddaad madaxa kor uqaadid aad moodayso in haraga iyo lafuhuba is haysanin oo isleedahay kuba soo dhac madaxii xannuunkuu hayana warkiisaba daa waxaa intaa sii dheer goortuu madax xannuukaa ku qabanayo ayaa kuu raacaysa matag.
hadaba walaalaha qaaligaa maadaama aad xagga health ga iiga ogaal badantihiin waxaan idinka doonayaa inaad si fiican iiga haqabtirtaan wax allaale waxaad igula talisaane yeele hadduu alle idmo.
illaa iyo haatane wax dhakhtara uma aan tagin oo markii aan dareemo xanuunkaa inuu iguso fool hayo ayaan kaniin neerbiyoona laqaa anoo naf kaga dayaya balse tan iigu habboonoo aan sameeyaa ah inaan jiifado ayadoo runti markaa igu dhibah jiifka yaa isku adkeeyaa saasna sameeyaa marka say wax ujiraan bal itafaasiila somalidoc.
waxana waxaan niyadda iska dhahaa waa neerfo balse ma xaqiiqasanin oo waxaan dhakhtar la'aadi waayo ayaa ah cudurkaano aan joogto kugu ahayn ee ah mid xoogaa muddo ah udhaxaysa runti muddadaasna maahan mid cayyiman ee waa mid hadba si ah sand.bil 5 bilood kolba suu alle  ka dhigo, waxaan idinkaga fadhiyo ayaa ah walaalahayga qaaligaayoow xallinta cudurkaas iyo waxii talo kusaabsan ah.
waad mahadsantihiin dhammaan walaalaha somalidoc, iyo macaamiisheeda sharafta mudan.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: cudur ka waqti kawaqti soo laba kaclaynaya
« Reply #1 on: October 06, 2009, 11:14:09 PM »
Goonjab ama dhafoor-xanuunka (Migraine) waxaa keena bararka marinnada dhiigga ee maskaxda ku jira.
Waxyaabaha laga yaabo in ay kiciyaan madax xanuunkaan daran waxaa ka mid ah:
• Iftiin aad u birqaya ama biligleynaya, dhawaaq sare ama ur xooggan
• Cuntooyinka qaarkood ama cabitaannada sida:
  ─ Farmaajo adag
  ─ Hilibka qasacadaha ku jira
  ─ Rootiga qamadiga ama miraha leh gluten
  ─ Waxyaabaha cuntada lagu daro sida macaaneeyeyaasha macmalka ah
  ─ Kafeyiinta ku jirta qaxwada, shaaha, cabitaannada fudud, iyo shukulaatada
• Isbeddellada ku yimaada cimilada ama cadaadiska hawada
• Indhaha oo aad u daala
• Hormone haweenka jidhkooda isku dhex beddela sida waqtiga caadada bishiiba marka ah
• Daawooyinka sida kaniinyada dhalmada lagu koontaroolo
• Hurdo xad dhaaf ah ama hurdo kugu filan waayidda
• Ka boodidda cuntooyin ama cunto cunid la’aanta waqti dheer
• Sigaar cabidda ama la joogidda qof sigaar cabba
• Diiqada

Goonjab wuxuu keenaa xanuun daran, isbeddel aragga ku yimaada, iyo lalabbo ama matagid. Ileys, buuq ama urta qaarkeed ayaa uga sii dari kara calaamadahaan. Xanuunku waxaa laga yaabaa in uu ka billowdo isha dhinacyadeeda ama dhafoorrada wuxuuna u badan yahay hal dhinac oo madaxa ah, laakiin waxana laga yaabaa inuu faafo.
Waxaa jira kara calaamado digniin ah oo ka horreeya dhafoor-xanuunka oo loo yaqaanno (Aura).
Calaamadaha digniinta waxaa ka mid noqon kara:
• Daal lama filaan ah ama halaaqyo ama hamaansasho is daba joog ah
• Isbeddel arag sida meelo mugdi kaa gala, in aad aragto ileys aad u ifaya, xarriijimo ama waxyaabo kale oo aan jirin, ama aragti cawlan
• Gacan ama lug ku xat-xatoota

Labada Nooc ee Dawooyinka Dhafoor-xanuunka:
• Dawooyinka Nafisaaddu waxay kaa gargaaraan maamulidda xanuunka dhafoor-xanuunka ama maskaxfaradka/goonjabka ka dib marka uu bilaabmo.
• Dawooyinka ka-hortaggu waxay kaa gargaaraan in aan dhafoor-xanuunku bilaabmin.
Waxa laga yaabaa in aad u baahan tahay mid ama labada nooc ee dawooyinka.

Dawooyinka Nafisaadda
• Waxa la qaataa marka la dareemo calaamadaha ugu horeeya xanuunka dhafoor-xanuunka.
• Waxay kaa gargaaraan maamulida xanuunka dhafoor-xanuunka ka dib marka uu bilaabmo.
• Waxay u shaqeeyaan dhakhso si ay kaaga gargaaraan xanuunka dhafoor-xanuunka.
• Waxa laga yaabaa inay kaa gargaaraan lallabada ama calaamado kale.
• Waxa lagu helaa kiniin ahaan ama qaabab kale.

Dawooyinka Ka-hortagga
• Waxa la qaataa maalin kasta, xiitaa marka aanad qabin madax-xanuun.
• Waxay gargaar ka geystaan in aan dhafoor-xanuunku bilaabmin.
• Waxa laga yaabaa inay kaa gargaaraan in ay kaa yaraato tirada dhafoor-xanuunka kugu dhici jiray.
• Waxay shaqeeyaan kaliya marka la qaato maalin kasta.
• Badanaa waxa lagu helaa qaab kiniin.

Talo: utag dhakhtar si laguu baaro loona hubiyo cudurkaaga maadama ay dhici karto in calaamadahaan ay keeneen cudurro kale oo aan aheyn maskax-faradka.

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Baaritaanka dhiiga malagu ogaan karaa cudur kasta?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9130
Last post October 19, 2016, 07:18:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudurka ilka dawacadu ma cudur jiraa mise?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 17800
Last post May 20, 2012, 01:27:19 PM
by SomaliDoc
Isbitaal Banaadir oo la gaarsiiyay dad uu soo ritay cudur Shubanbiyoodka....

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 6834
Last post April 27, 2011, 06:03:54 PM
by Drkheyre
Su'aal: Ma is dhihi karnaa dhareerka waa cudur xun mase wa wax caadi ah?

Started by BuraaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8496
Last post April 30, 2011, 08:18:50 PM
by SomaliDoc
Dhan-qalal / Faalig (Stroke) - Cudur Halis Ah

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 3
Views: 56002
Last post June 30, 2018, 08:20:49 AM
by Abdikadir abdi jama