Goonjab ama dhafoor-xanuunka (Migraine) waxaa keena bararka marinnada dhiigga ee maskaxda ku jira.
Waxyaabaha laga yaabo in ay kiciyaan madax xanuunkaan daran waxaa ka mid ah:
• Iftiin aad u birqaya ama biligleynaya, dhawaaq sare ama ur xooggan
• Cuntooyinka qaarkood ama cabitaannada sida:
─ Farmaajo adag
─ Hilibka qasacadaha ku jira
─ Rootiga qamadiga ama miraha leh gluten
─ Waxyaabaha cuntada lagu daro sida macaaneeyeyaasha macmalka ah
─ Kafeyiinta ku jirta qaxwada, shaaha, cabitaannada fudud, iyo shukulaatada
• Isbeddellada ku yimaada cimilada ama cadaadiska hawada
• Indhaha oo aad u daala
• Hormone haweenka jidhkooda isku dhex beddela sida waqtiga caadada bishiiba marka ah
• Daawooyinka sida kaniinyada dhalmada lagu koontaroolo
• Hurdo xad dhaaf ah ama hurdo kugu filan waayidda
• Ka boodidda cuntooyin ama cunto cunid laaanta waqti dheer
• Sigaar cabidda ama la joogidda qof sigaar cabba
• Diiqada
Goonjab wuxuu keenaa xanuun daran, isbeddel aragga ku yimaada, iyo lalabbo ama matagid. Ileys, buuq ama urta qaarkeed ayaa uga sii dari kara calaamadahaan. Xanuunku waxaa laga yaabaa in uu ka billowdo isha dhinacyadeeda ama dhafoorrada wuxuuna u badan yahay hal dhinac oo madaxa ah, laakiin waxana laga yaabaa inuu faafo.
Waxaa jira kara calaamado digniin ah oo ka horreeya dhafoor-xanuunka oo loo yaqaanno (Aura).
Calaamadaha digniinta waxaa ka mid noqon kara:
• Daal lama filaan ah ama halaaqyo ama hamaansasho is daba joog ah
• Isbeddel arag sida meelo mugdi kaa gala, in aad aragto ileys aad u ifaya, xarriijimo ama waxyaabo kale oo aan jirin, ama aragti cawlan
• Gacan ama lug ku xat-xatoota
Labada Nooc ee Dawooyinka Dhafoor-xanuunka:
• Dawooyinka Nafisaaddu waxay kaa gargaaraan maamulidda xanuunka dhafoor-xanuunka ama maskaxfaradka/goonjabka ka dib marka uu bilaabmo.
• Dawooyinka ka-hortaggu waxay kaa gargaaraan in aan dhafoor-xanuunku bilaabmin.
Waxa laga yaabaa in aad u baahan tahay mid ama labada nooc ee dawooyinka.
Dawooyinka Nafisaadda
• Waxa la qaataa marka la dareemo calaamadaha ugu horeeya xanuunka dhafoor-xanuunka.
• Waxay kaa gargaaraan maamulida xanuunka dhafoor-xanuunka ka dib marka uu bilaabmo.
• Waxay u shaqeeyaan dhakhso si ay kaaga gargaaraan xanuunka dhafoor-xanuunka.
• Waxa laga yaabaa inay kaa gargaaraan lallabada ama calaamado kale.
• Waxa lagu helaa kiniin ahaan ama qaabab kale.
Dawooyinka Ka-hortagga
• Waxa la qaataa maalin kasta, xiitaa marka aanad qabin madax-xanuun.
• Waxay gargaar ka geystaan in aan dhafoor-xanuunku bilaabmin.
• Waxa laga yaabaa inay kaa gargaaraan in ay kaa yaraato tirada dhafoor-xanuunka kugu dhici jiray.
• Waxay shaqeeyaan kaliya marka la qaato maalin kasta.
• Badanaa waxa lagu helaa qaab kiniin.
Talo: utag dhakhtar si laguu baaro loona hubiyo cudurkaaga maadama ay dhici karto in calaamadahaan ay keeneen cudurro kale oo aan aheyn maskax-faradka.
SomaliDoc