Author Topic: Qallalka (Epilepsy)  (Read 13087 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3884
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Qallalka (Epilepsy)
« on: September 09, 2009, 11:45:17 AM »


Qallal / Suuxdin
Dad badan ayaa rumeysan qallalku inuu yahay wax aad ku dhalatay.
Taasi waa hal sabab oo ah midda laguugu sheegay inaad qabtid qallal adigoo qof weyn ah taasoo noqon karta mid laga naxo.
Waxaa laga yaabaa inaad si lama filaan ah u dareentid inaad aad dadka uga duwan tahay aadna rumeysatid inaadan garaneynin qof kale oo qallal qaba.
Laga yaabee dadka qaarkood ee mujtamacaaga ku jira iney qallalka u arkaan wax aan fiicneyn.

Xaqiiqa ahaantii qallalku waa xaalad caafimaad oo caam ah.

Dadka qallalka qaba badankoodu waa suuragal iney u horseeddo nolol fir-fircoon oo buuxda, oo abaal marin leh.
Tani waa dib u xaqiijinta in la ogaado maxaa yeelay mararka qaarkood warka keliya ee la bixiyey waa taxane walxo ah oo ay tahay in dadka qallalka qaba aysan sameynin. Dhab ahaantii, waxaa jira xaddidaadyo yar isla markaana kuwaani waa ku meel gaar oo keliya.

Qoraalkaan waxaa loola jeedaa inuu ahaado hordhac kooban oo ku saabsan qallalka.

Yaa qallal qabi kara?
Guud ahaan qof kasta! Waxba maahan intaan jirno, waxa uu midabkeennu yahay ama meesha aan ku noolnahay, haddii aan ahaan lahayn lab ama dheddig, qani ama faqri – dadka qallalka qaba waxay ka kala yimaadaan qaybaha nolosha oo dhan.

Dad badan oo caan ah ayaa taariikhdu intay jirtay qallal qabay. Maanta, waxaa jira dad qallal qaba oo ah hoggaamiyeyaal bulsho iyo kuwo diineed, dhakhaatiir, qareenno, jilayaal iyo muusikaaley, dad cayaartoy ah, macallimiin, kalkaaliyeyaal, shaqaale xafiis iyo warshadeed, iyo kuwo kale oo fara badan.

Xoogaa xaqiiqooyin iyo tirooyin ah
• Waxaa jira 40 malyuun oo dad ah oo qallal qaba oo adduunka ku dhaqan
• Qallalku wuxuu ku dhacaa mid ka mid ah 131-dii dad ahba
• Madax xanuun badan ka dib, waa xaaladda ugu caamsan ee xididdada (xididdada waxaa loola jeedaa habkeenna xididdada ee dhexe)
• Ereyga `epileptic’ wuxuu sharraxayaa oo keliya hawlgab, ee maahan qofka qallalka qaba.

Waa maxay qallal?
Qallalku waa liicashada lahaanshada hawlgab soo noq-noqota (mararka qaarkood loo yaqaanno hawlgab maskax oo lama filaan ah).
Markaas lahaanshada hal hawlgab caadi ahaan macnihiisu maahan inaad qallal qabtid. Hawlgab ay ababtay hawlo koronto oo xad dhaaf ah oo si lama filaan ah ugu soo booda maskaxda.Tan waxay keentaa in dhambaallada maskaxdu si ku meel gaar ah ay u istaagaan ama isugu qasmaan.
Maxaa yeelay maskaxdu waxay koontarooshaa jirka, tan waxay sii keentaa jirka oo dhaca, ama jarayn aan la koontarooli karaynin, ama noqda mid istaaga, tusaale ahaan. Hawlgabyada maskaxdu waxay badanaa ku
dhammaadaan inta u dhexeysa dhowr il biriqsi iyo daqiiqado badan; haddii hawlgabka maskaxdu ay ku dhammaato in ka badan taas, dhakhtar ama ambalaas waa in loo wacaa.

Maxaa qallalka sababa?
Xaaladaha badankooda ma jirto sabab la yaqaanno (idiopathic epilepsy). Xaalado kale ayaa qallalka waxaa sababa dhaawac ku yimaada maskaxda (symptomatic epilepsy). Dhaawucu wuxuu ku dhici karaa isagoo natiijo ka ah jug madaxa ku dhacday, tusaale ahaan shil waddo ka dhacay. Dhaawucu wuxuu sidoo kale ku
dhici karaa isagoo natiijo ka ah cudurro sida cudurka maskaxda gala ee mininjiitis. Markay dadku sii eynaadaanba, suuragalnimooyinka kale waa wadne joogsi iyo dhibaatooyin wareegga dhiigga.

Sidee baaritaanka loo sameeyaa
Ma jiro hal baaritaan oo wax ka ogaan kara qallalka inkastoo ay jiraan qaar caawino ka geysan kara.Warka ugu muhiimsan ee uu dhakhtarku u isticmaali doono go’aan ka gaaridda haddii uu qof qallal qabo waa astaamaha waxa ay la kulmi jireen. Baaritaannada isbitaalka ee sidoo kale inta badan la isticmaalo waa
baaridda dhiigga, EEG (electroencephalogram), a CT (computer tomography) ama sawirka MRI (magnetic resonance imaging).

Noocyada hawlgabka maskaxda
Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo hawlgabka maskaxda ee qallalka ah.
Hawlgabyada maskaxda qaarkood waxay saameeyaan maskaxda oo dhan (hawlgab guud) qaarna waxay saameeyaan qayb ka mid ah maskaxda (hawlgab qayb ahaaneed).

Hawl joogsiga maskaxdu wuxuu mar-mar ka faafaa qayb ka mid ah maskaxda kuna faafaa inta soo hartay maskaxda (hawlgabyada guud ee sare). Hawlgabyadu waxay dhici karaan marka qof uu soo jeedo ama hurdo isla markaana dadka qaarkood wuxuu hawlgabku ku dhacaa oo keliya waqtiga ay hurdaan.

Waxyaabaha kiciya
Waxaa jira waxyaabo dhowr ah oo si caam ah u kiciya hawlgabyada maskaxda.
Tusaalooyinku waa ciriiri nafsadeed, caajis fara badan, hurdada oo la iska arbusho, aalkolo xad dhaaf ah, cunto seegid, iyo qaadasho la’aanta daawada qallalka loo qoray. Hawlgabyada maskaxda ee uu kiciyey nal biligleynaya, (ee loo yaqaaanno u nuglaanta ileyska), ayaa ah kuwo dhif ah, iyagoo saameynaya oo keliya boqolkiiba 5 ee dadka qallalka qaba.

Daaweynta qallalka
Habka ugu weyn ee qallalku waa ku daaweynta daawada qallalka lidka ku ah.
Iyadoo ay la dooranayo daawada la helayo, ayey suuragal u tahay dad badan in hawlgabkooda maskaxda si buuxda loo koontaroolo, marka ay helaan daawada ugu wanaagsan iyo qaadashada saxda ah. Dadka uusan arrinku sidaas ahayn, waxaa jira doorashooyin kale oo ay ka fiirsan karaan. Kuwaan waxaa ku jira
qalliin maskaxeed iyo dareen gelin xidid vagus. Daaweyn is dhammeystirta, sida aromatherapy, ayaa sidoo kale caawin karta.

Gargaarka Deg-degga ah ee Aasaasiga ah

Samee:
• Qofka ka dhowr dhaawac (ka saar walxaha waxyeellada leh meelaha u dhwo)
• Madaxa barkimmo u geli
• Ka raadi aqoonsi qallal qabid/aqoonsi isku qurxin leh
• Ku kaalmee neefsashada adigoo si fudud qofka ugu dhigaya booska soo kabashada marka uu hawlgabka maskaxdu dhammaado (sawirka fiiri)
• La joog ilaa soo kabashadu ay ka dhammeystiranto
• Ahow mid si xasilloon dib ugu xaqiinaya soo kabasho

Ha sameynin:
• Ha xannibin qofka hawlgabka maskaxdu ku dhacay
• Waxna afka ha u gelin
• Ha isku dayin inaad dhaqaajiso iney khatar ku jiraan mooyaane
• Ha siinnin qofka wax la cuno ama la cabbo ilaa ay si buuxda uga soo kabtaan
• Ha isku dayin inaad meesha keento

Haweenka qallalka qaba
Waxaa jira arrimo dhowr ah oo gaar u ah haweenka qallalka qaba oo u baahan in laga fiirsado. Kuwaan waxaa ka mid ah uur ka hortag, uureysi iyo caado joojin.

Nolosha Bulshada

1-Baabuur wadid:
Baaridda qallalka macnaheedu waa waayidda oggolaanshadii wadidda baabuurka ugu yaraan 12 bilood. Meesha baabuur wadiddu ay lagama maarmaanka uga tahay shaqada aysanna jirin wax kale oo lagu beddesho, waxaa laga yaabaa iney suuragal noqoto in la helo caawino camali ah oo loo marayo Xarunta Shaqada.

2-Cayaaraha iyo tamashlaha:
Hawlaha intooda badan waa suuragal inkastoo feejignaan dheeraad ah laga yaabo iney caqligal tahay. Hawl kasta iyo qof kasta waa in tixgelin la siiyaa.

3-Aalkolada iyo mukhaadaraadka:
Ka fogow cabidda mukhaadaraadka iyo aalkoloda.

4-Ammaanka:
Hawlaha badankooda waxaa ku jira wax uun khatar ah, haddii uu qofku qallal qabi lahaa iyo haddii kaleba. Waxaa wanaagsan, qallalku inuusan noloshaada qabsan uusanna kaa joojin sameynta waxa aad dooneysid. Tallaabooyin ammaan oo dheeraad ah ayaa laga yaabaa iney ku habboon yihiin meelaha qaar.
Tusaalooyinku waxay yihiin ilaaliyeyaal cunto kariye iyo shucaac bixiye iyo kala go’ gaar ah oo loogu talogalay gawaarida carruurta lagu riixo.

Aqoonsiyada Kaararka
Kuwaan waxaa loo helaa si ay dadka kale ugu sheegaan qallalkaaga marka ay xaalad deg deg ah dhacdo.

Haddii aad qabto suáalo dheeraad ah, halkaan ka weydii
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

 

Su'aal: Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya Nerves & Epilepsy?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2978
Last post August 10, 2011, 05:29:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudurka Epilepsy muxuu yahay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2378
Last post August 08, 2011, 09:05:32 PM
by SomaliDoc
Epilepsy 'is a global health problem'

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 2328
Last post September 30, 2012, 10:34:41 AM
by Drkheyre
Su'aal: Waxaa haya xanuunkaas epilepsy?

Started by ShosmankaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 691
Last post April 29, 2016, 09:40:00 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Epilepsy Nooc kale ah?

Started by MrshaafacBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 514
Last post May 06, 2016, 08:29:37 PM
by SomaliDoc