Medical Student Forums > I want to Study Medicine

Study Medicine in Somalia

(1/2) > >>

Admin:
Members studying or working in Somalia are requested to give any useful information to our members whom are willing to join them.
Any information you give here, will be helpful to your brother.
Regards
Dr.Mahdi

Dr.abu_mucaad:
Salaam to all brothers and sisters.
intaas ka dib waxaad mahadleh alle kaas oo noo suurta galiye in ay dhaqatiirata somaliyeed website kaan ku xiriiraan.
hadii aan u gudo galo aniga waxaan MB BS ka soo dhigtay muddo gareyso 2 sano jamacada benadir university oo kutaala Mogadisho waana ka soo tagay waayo dalkii oo amni daro ba'an ka taagan owgiisa waxaan jamacada dhigan jiray arday gareysay ilaa iyo 300 ugu badnaan,,,,, sidoo kale waxaa jirto jamacada camuud oo kutaala carisgaas wuqooyiga soomaalia amaba s.land loo yaqaan waxeyna ku taalaa magaalada Borama, ardayda dhiganta waxaa lagu qiyasaa ilaa iyo 450 oo somaliyeed ka kala timid dalka gudihiisa.
intaas waxa aan ka aqaano jamacada medical ka ah ee dalka ku yaalo weeye

Dr.abu_mucaad:
http://www.benadiruniversity.net
http://www.amouduniversity.net/

Moha:
well i dont think there are any qualified doctors to be able to train young Somalis to pursue medical career... i m from Xamar and go back there every year...the doctors are not up to date and most of them graduated with only diplomas...so the depth is not there...and when u cant cover all that its not good to tell young people they gonna become doctors under the guidance of unprofessionals!...  no textbooks,lack of manpower,economic hardships, utter lack of medical facilities and equipments all make these medical universities just one of those NGOs where few people make a living from the hard earned money of innocent Somalis!!!

Jalaaludiin:
Assalaamu calaykum waraxmatullaahi
waxaan ahay arday kamid ah ardayda kulliyada caafimaadka ee jaamacadda benaadir dufcadda 3aad sanadka 4aad
waxaa laasaasay jaamacadda benaadir gaar ahaan kulliyadda caafimaadka sanadkii 2002 waxaana aasaasay ururka dhaqaatiirta somaaliyeed itixaadkooda iyo hay'ada somaliya aad looga yaqaanoo oo ku caanbaxaya horomarinta waxbarashada iyo iska xilsaarka waxbarasho marxaladda adag ee dalku maraayay xilligaas
waxaa lagu billaabaya jaamacadaa kulliyadda caafimaadka waxay qaadataya ardaydii caafimaad ee ugu horraysay ee somaliya loo qaato kadib burburkii dalka uu galay
ururka dhaqaatiirta oo u badana barayaashii jaamacadda umadda somaliyeed  waxay ka dhigeen hormuudka kulliyada caafimaadka hormuudkii kulliyadda caafimaacadda ee jamacadii umaddana (somali national university)
dr salad farax guutaallee oo somali ama bahda caafimaad aad u wada yaqaannaan
waxaa barayaal ka ah jaamacadaa benaadir barayaashii kulliyadda caafimaadka ee jamacadii umadda iyo dhaqaatiirkale oo gaaraya ilaa 40 dhaqtar
waxaa kale oo jaamacadda imaada barayaal ka yimaada dalalka dibaddiisa sida sucuudiga canada  sweden finland iyo uk waxay ka dhigaan jaamacadda madooyin muhiim ah   sidoo kale farsamayaqaanno iyo dhaqtiir ajnabi ah ayaa wax ka baro jaamacadda benaadir sida dr  sayed mudasir axmed iyo dr nashad alam oo pakistaani ah iyo dr m/alxusayni oo misri ah iyo kuwa kale oo iyagana duruufta adag oo jirta dalka imaaday waxna ka dhiga jaamacada
waxaa kulliyadda caafimaadka arday ka ah ku dhwaad 250 qofood inkasto 5%in lagu qiyaasay ay isaga tageen ka dib dagaaladii foosha xumaa ee dhawaanahaan ka dhacay magaalada muqdisho
waxay ardayda kulliyadaas howl qabadyo iyo gaargiridda bulshada ay ku dhex noolyihiin kana  fuliyaan magaalada muqdisho oo ay cid walba dareemeeyso baahida caafimaad ee bulsha noocaas ah u baahntahay
waxay ardaydu wax ka qabtaan markay dillaacana cudurrada safmarka iyo dagaalada marka ay dhacaan     
waxy jaamacadda leedahaya teaching hospital oo ah xayat hospitaliyadoo dhamaan hospitaalada waaween ee muqdisho ardaydu tagaan galaana shiftiyada maadama ay barayaashooda joogaan hospitaalalda sida hospitaalka hoyada iyo dhallan sos, benaadir ,kaysaneey iyo madiina hospital waxay kaloo ardada bixiyaan community help oo ay aadaan gobollada ku hareerasan caasimadda muqdisho
waxaana jaamacadduu ay tahaya jaamacadda kaliya ee leh kulliyadaha caafimaadka iyo engneerinka ee koonfurta somaliya
ugu danbayn waxaa habbonn waxbarashada baaxada leh ee ka jirta somaliya gaar ahaan muqadisho in ay ka wirbixiyaan xeeldheerayaasha oo dhabar adeegay xaaladaha adag ee nafwalba aanay awoodin inay u adkeesato cadaaladna maaha ku tilmaamidda waxbarashadaas NGO
mahadsanidiin 

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version