Medical Student Forums > I want to Study Medicine
Study Medicine in Syria
Admin:
Members studying or working in Syria are requested to give any useful information to our members whom are willing to join them.
Any information you give here, will be helpful to your brother.
Regards
Dr.Mahdi
Binuciise:
بســـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــم اللــــــــــــــــــــــــــــه الرحمـــــــــــــــــن الرحيـــــــــــــــــم
أهلا بــــــــــــــــــــــــــكم في سوريا الحـــــــــــــــــــــــبيبـــــــــــــــــــــــــــة
Wax barashada jamhuuriyadda carbeed ee Syria
Dowlada suuriya ayaa waxay kamidtahay dowladaha carbeed iyo kuwa islaam ah ee gacan qabtay ardayda soomaaliyeed kadib markii ay burburtay dowladda dhexe ee soomaaliya ayadoo siisay deeq waxbarasho ama minxa daraassa sida ay wax oga bartaan jaamacadaha iyo macaahid dhexe ee dalka suuriye haddaba waxaan doorbidayaa in ay wax yar katilmaamo qaabka iyo sida ay wax oga bartaan ardayda soomaaliye dalka Syria ayadoon qooraal lagu soo koobi Karin . .
1:side looga helaa wax barasho suuriya ?
Marka haddii aad doonayso in aad waxbarasho karaadsato wadanka suuriya waxaa ladhihi karaa waa ay fudududahay oo waxaan lagaa rabaa in aad dhamaysataha dugsiga sare iyo wixii la mid ah kadibna aad ka xaraysato kulyadda ama machadka aad barto in aad barato safaaradda soomaaliyeed ee kutaala syria si ay kuugu soo saarto wax barashada aad raadinayo haddii aad nasiib u yeelato in aad waxbarasho hesho suuriya . .
Waxaa imaan karta in aad is waydiiso bilaash miyaan ku helayaa waxbarashada mar haddii aan rabo in aan wax kar barto wadanka suuriya ?
Jawaabto waxaa ladhihi karaa waa maye oo waxaa lagaa qaadayaa qarash aan aad ubadnayn marka aad safaaradda soomaalida ee syria ka xaraynayso waxa aad rabto ayadoo kuxiran waxa aad rabto ama aad baranayso ayadoo u kala badan sida ay u kala sareeyaan kulyaduhu (yacni waa ay kala khaalisanyihiin).
2:waa qaab sidee ah waxbarashada syria ?
Waxaan filayaa mar haddii aad niyad u hayso in aad waxbarato waad awoodaa in aad dhex marto darbi shub ah adoo fara maran ,taas waxaan oga golleeyahay ardayda syria waxkabarata ayaa tiraada waxbarashada wadanka suuriya waa ay adagtahay waana ladhihi karaa waxbaa kajira marka loo fiiriyo qaabka wax loo barto suuriya oo ah mid kaduwan midka ay isticmaalaan wadamada reer galbeedka ama yubur iyo mareykanka bal waa mid kaduwan una badan in aad wax xifdido iyo imtixaanka oo ah mid la isku naxariisan ama adag ..
Luuqadaha waxlagu bartaan waa luuqadda af carabiga inta badan .oo ah luuqadda uu leeyahay dalku ama looga hadlo.
3:ardayda soomaaliya maka miran keenaan wax barashada syria?
Waxaa wax kabarata jaamacadaha iyo macaahidda dhexe ee suuriya arday badan oo soomaali ah waxaana kafuran ururka ardayda soomaaliye ee suuriya oo ay kumidaysanyihiin radayda wax kabarata suuriya sanadkiina waxaa soo galay wadanka suuriya marka ay ugu yaraato arday soomaaliyeed oo gaaraysa 28 arday oo kala yimaada delkeenii soomaaliya iyo dowladaha khaliijka iyo kuwo kabaxay digsiyada sare ee suuriya .
Dhamaan ardaydaas waxa ay ku biiraan jaamacadaha iyo macaahidda suuriya dabcanna mar haddii aad arday tahay waalid ayaa kaasugaya in aad waxbarato sida aad u badbaadiso qaran dumay iyo naftaada waxaana ladhihi karaa ardayda soomaalidu waa ay kamiro keenaan intooda badan iyo qofkii dadaal muujiya . ayadoo 2 sanaba ay dhor araday oo soomaali ah ka khalin jabiyaan jaamacadaha iyo macaahidda suuriye ..
Intaa ayaan door buday in aan ka iraado qaabka iyo sida ay waxlooga barto adanka suuriya waxaana ka cudur daaranayaa wixii aad fahmiweydaan ama khalad ah sida aad intaa kabadan oga ogaatid fur web sideka jaamacadda oo ah
http://www.damasuniv.shern.net kadibna dooro luuuqadda aad barto
Lasoco qeybaha denbe
Qore :xasan axmed ciise (binu ciise) Damascus syria
Waxbaro!:
Saaxiib aad ayaa ugu mahadsantahay warbixinta aad naga siisay wadanka suuriya iyo waxbarashadiisa, waana mawduuc muhiim ah oo qof walba oo rabo barashada caafimaadka uu ka faaideysan doono.
Hadii aan dhawr su'aalo kaa weydiiyo:
1- Qofkii raba inuu lacagtiisa ku dhigto lacag intee la eg ayaa sanadkii algu dhigtaa?
2- Ma jiraan jaamacado english kaliya lagu dhigo mise waa carabi?
3- Hadii safaarada laga gudbisado, tusaale ahaan aan caafimaad dalbado, ixtimaal intee la eg ayaa dhici karto inaan helo mise waad helaysaa lakin waa private, bal taas xoogaa noo waadixi adigoo mahadsan?
Waxbaro!
Binuciise:
sxb waad kusalamay salaan kadib haddii aan kaaga jawaabo su,aalahaaga tan kowaadd ;
1:haddii aad barto in aad suuriya wax kabarato waxaad ka dalbanaysaa safaaradda soomaaliya ee suuriya kadibna waxaad isku afgaranaysaan wixii aad rabto markaa dib haddii ay kuu soo baxdo kulyadda waxaad bixinaysaa wixii ay kaadalbato safaaraddu oo ayadaa gadata deeqdii soomaaliye lasiin jiray markii ad iska qorto kulyadda kuu soo baxdayna waxa ay kaa qaadaysaa wax yar oo a qoraalka jaamacadda marka ugu horaysa oo aad iska qorayso oo lacag maahan jaacaddaha dowlada wayna jiraan ku khaas ah .
2;waxaa la dhihi karaa waa maye kuwa dowladdau ay leedahay bal way jiraan kuwo dad leeyahay in kasta oo aysan badnayn.
3:mar haddii aad wax kadalbanayso safaaradda waxaan filayaa in aysan ahayn khaas kaaliin waxaa jirta in lagu yiraado dad badan ayaa kaa soo horeeyay haddii aad caafimaad dalbanaysid dadka oo saf ugala owgeed dalbashada caafimaadka
intaa ayaan ka oran lahaa jawaabaha su.aalahaaga walaal waana mahadsantahay walaal .
waxaa ka jawaabay :xasan axmed ciise (binu ciise) Damascus syria
Waxbaro!:
Walaal aad ayaa ugu mahadsantahay jawaabaha aad isiisay.
waxaana ka fahmay jawaabtaad in safaaradda iyadoo aan la soo marin aadan wax ka baran karin dalka suuriya hadii aad lacag wadato xitaa.
mahadsanid
Waxbaro!
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version