Author Topic: Su'aal: Xanuunkan Seizurs/Epilebsy ?  (Read 14438 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline MAHAD CADDE

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Xanuunkan Seizurs/Epilebsy ?
« on: October 18, 2009, 12:24:32 PM »
Dear :All Doctors

Waan idin salaamay dhamaan Dhaqatiirta isku hawshay saacidaadan waana wax lo baahnaa runti time-keedina la joogo. walaalow somalia dadka u barta caafimaadka ani maku arkin ama wa dhif dhaqatiirta Barata Xanuunada Nerveha ama Cilmiga Neurolgy-ga mana aqaan sababtaas laakin waa laga yaaba kuwan cusub inay hada ku jiraan WAAYO WAAD LA YAABAYSAA SIDA LO MAAREEYO XANUUNADAAS SOMALIA marka isla arintas dadka ay haysato ban ka mid ahay Dhaqatiir walaa Qalab midna. laba dhaqtar ba la sheegaa khayr allaha siiyee in looga yimaado East Africa oo dhan waa Gaboose jooga Hargaisa & Maxed Jamac Salaad Galkacyo iyagana waa odayaal cid ka dhaxlaysana ma aragno marka umadan ilaah ba u maqan> Ajar allaha idinkasiiyo adinakana.

Wiil aan dhalay baa isagoo jira 2 year ayaa goor maqriba lagusoo booday wax aad moodo Qalal waxaa uu hayay from 06:30Pm ilaa 04:00am o aan kala go lahayn carabki iyo afka isku dhagay waagi marku baryay ban u geeyay Doctor wuxu igu sheegay meningates 7 days antipiotcs ah bu ii qoray wiilkii intaa ka dib waxaa lo qaban jiray xiriir . qandho kulul ba kasoo horeysa inta aan la qaban in muda ahna sidaas bu ahaa

Intaa ka dib wiilki habdhaqankiisa dhan wu is badalay indhaha wuu wareejinayaa garaadkisuna is badel ba laga dareemayaa xanunkan ka dib. badanaa waxuu qabtaa marku daalo o banooniga dheelo mudo ka dib Doctor kale ayaan u geeeyey wuxuu iso qoray kaniini Phanibarbital 30 mg 1 sii bu idhahay mudadi u qaadanayay qalalka mooyee waxba kama badalin dhaqankisa kale isla hadal oohin bilaa sabab ah qosol aan xaalad ku salaysnayn hada waa 8 yr old marku qalalo isago taagan ma dhacaayo hal ilbiriqsi bay heyneysaa dhinaca midig oo lug & gacan so kogayaan.
waxaan ugeeyay Doctor Neurolgy ah isagana Physical Exsam ayuu ka qaaday Interveiw 2 munits ah kadib isagoo an ku baarin EEG Menotoring xaaladiisana inu iga wareysto waqti aan isiin bu iqoray 2 kaniin phanibarbitone 60 mg & Devokin 200mg mudo 5 sano ahna sii bu idhahay.

Marka waxan faalada dheer ugalay inan ku iftiimiyo sida wax u jiraan markaana aad iiga faaideyso aqoontaada ama aqoontiina

1- kaniinadaan mudada u qaadanayo maxay u dhimikaraan maxayse effects ku yeelankaraan weliba gaar ahaan midkan Devokin-ka ?

2- maxaa iga caawinkara sixista hadalka &  maahsananta haysa & dabeecada intaba ?

3 Epilebsy & Seizure ma laba cudur oo iskumid ah baa mise farqi ba u dhaxeeya ? iyo waxa ila gudboon in aan sameeyo inta uu yar yahay canuga

mida kale xanuunkaan maba la daaweyn karo oo aduunkaba horumar sidaa ah weli lagama gaarin ban maqlay Surgery wuu leeyahay wan maqlay kolay Africa ma taal ban filayaa wixii macluumaad ah wan idinka sugayaa

walaalyaalow jawaab waafi ah iga soo siiya  

Mahdi Ahmed
Somalia

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuunkan Seizurs/Epilebsy ?
« Reply #1 on: October 24, 2009, 10:26:07 PM »

Walaal kaniiniga Devokin ma garanayo? ee magaciisa saxda ah ii sheeg?

2- maxaa iga caawinkara sixista hadalka &  maahsananta haysa & dabeecada intaba ?
Cudurka qalalka wuxuu saameyn u geystaa maskaxda taasoo kontroosha hawsha hadalka, xiska iyo dabeecadaba, haddii cudurka uu geystay dhaawac ka muuqan kara qeybahaas in wax laga qabto waxa ay ku xirantahay heerka uu gaarsiisanyahay dhaawaca iyo xilliga la ogaaday

3 Epilebsy & Seizure ma laba cudur oo iskumid ah baa mise farqi ba u dhaxeeya ? iyo waxa ila gudboon in aan sameeyo inta uu yar yahay canuga
Epilepsy waa cudurka qallalka, Seizure-na waa gariirka uu sameynayo qofka qallalayo, waxaa kula gudboon in daawada uu kuu soo qoray takhtarka aad isticmaasho inkastoo cungu 8-jir ah uusan waxna ka tareynin Phenobarbital 30 oo hal kaniini ah (waxaa badanaa 3 - 6 mg/kg loogu dhuftaa cunugga.

mida kale xanuunkaan maba la daaweyn karo oo aduunkaba horumar sidaa ah weli lagama gaarin ban maqlay Surgery wuu leeyahay wan maqlay kolay Africa ma taal ban filayaa wixii macluumaad ah wan idinka sugayaa
Cudurka qallalka waxaa daawo u ah uguna muhiimsan daawooyinkaan ka hortago qallalka ama joojiyaba.
waxaa qalliinka lagu sameeyaa qofku uu daawo wax ka tari weyso si loo kontoroolka qallalka inkastoo ay yar tahay qof qallal kaliya dartiis maskax looga qalayo, waxaa dhici karto haddii ay jirto buro ama dhiig maskaxda fariistay oo qallal keenaya in la qalo.

walaalyaalow jawaab waafi ah iga soo siiya  

Mahdi Ahmed
Somalia

Wixii warbixin dheeraad ah halkaan ka akhriso
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   
Offline MAHAD CADDE

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Xanuunkan Seizurs/Epilebsy ?
« Reply #2 on: October 31, 2009, 01:50:56 PM »
Dears; somalidoc.com

Kaniinka iigu so celi baa i tiri waana kan isagoo sax ah

Aad Baa u mahadsan tahay laakin hawsha oo idinku badan ban filayaa inay sabab u tahay jawaabta oo kooban

Walaal Kaniinku Depakote 200mg ah waxaana siiyaa habeenki hal xabo Depakote ah+ hal xabo Phenobarbital 60mg ah subaxiina hal xabo oo Depakote ah waana mudo 5 sano ah isticmaalku horta waa sidaas Da diisa waa 9 yr markan aan ku daro muda uu isticmaalayay hada o ah 1 yr misaankisuna waa 20-23 kg

Ujeedka marka aan usoo dhaadhaco kaniinkaan Depakote ayaan ka yara cabsaday isticmaalkiisa inu side effect u keeno canuga xaga beerka. mithaalkan ila arag  http://www.drugs.com/pdr/depakote.html   qolodaan ban ka aqriyay  anigoo aanan si fican u aqoonin luqada iyo Terminology ahaana ma fahmaayo macnaha dhabta ah marka jawaab fahfaahsan ban ka sugayaa insha allah allaha idin barakeeyee

Mida kale wa isax inaa tixgeliso Doctorka koray laakin somalia waad dareemikartaa waa iska Ganacsi caafimaadki sharciyad hagaysaa aysan jirin 2 munit ka badan ilama hadlin dhaqtar wax Scan ah muunan saarin yacnii si aad iiigama wareysan xaaladaha wiilka Iyo heererka xanuunka so maray midna warqada iyo qalainka aa isa saaran qalaas.
 hadana waan ku qasabanay oo option kale ma haayo

marka inan wax badan ka ogaado wan jeclaan lahaa o aad iga so siisaan Genral Info about Epilepsy waayo xanuunkan weligii ka biximaayo ba dhahaaa horumar sidaa ahna lagama gaarin aqoontaada kaasho iina sheeg waxa ila gudboon .

NB Waxaan idinka raaligelinayaa hadi aad fahmiweydaan qoraalkayga ama idinku dheeraado qoraalka

shukran
Mahdi

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuunkan Seizurs/Epilebsy ?
« Reply #3 on: November 06, 2009, 12:55:12 PM »
Walaal waad ku mahadsantahay faahfaahinta dheer ee aad ka bixisay xanuunka wiilkaaga, waana dareemi karaa welwelka aabo heyn kara isagoo aanan wax warbixin ku filan ka heysan cudurka cunuggiisa hayo.

Horta waxaa muhiim ah in aad ogaato daawo waliba waxay leedahay side effect, qawaaniinta ugu horeeya ee lagu barto cilmiga sunta (Toxicology) waxaa weeye "Daawa waliba waa sun, laakiin sun waliba daawo maahan".

Daawadaan Daplote ee aad ka hadashay waxay la mid tahay daawooyinka loo qaato cudurka qallalka, weliba waxaa jiro daawooyin ka sii side effect badan, laakiin waxa sababaya in la qoro iyo in dhib ay u keeni karto qofka qaadanaya waxaa sheegi kara kaliya dhakhtarka qoray.

Tusaale ahaan: kaniiniga Pracetamol-ka oo caanka ah loona qaato qandhada iyo xanuunakaba waxaa side effects-kiisa ka mid ah inuu waxyeelleeyo beerka, laakiin waa la wada qaataa, haddii aad aragtidne qof la yiri kaniinigaa ha qaadan waa wax uu ku arkay bukaanka dhakhtarkii qoray daawadaas.

Midda kale ee muhiimka ah in la ogaado waa in dhakhtarka la socodsiiso xaaladda bukaanka, maxaa yeelay waxaa dhici karto in dhakhtarkii dib kuu wareysto, daawada kuu badalo haddii aad ka cabaneyso waxyaabo hor leh & ama haddii ay jiraan daawooyin kale oo aad la qaadato.

Jawaabta hore waxaa la socday link ku saabsan cudurka qallalka (Epilepsy) ee haddii ay jirto su'aal dheeraad ah oo aad qabto waan kaaga soo jawaabaynaa.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html

Mahadsanid
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   
Su'aal: mala daweeyaa sideese loola tacaalaa xanuunkan?????

Started by BarkhatBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10317
Last post April 02, 2010, 08:32:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Muxuu yahay xanuunkan somalidu utaqaano GADOODIYE?

Started by Khadar AhmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3416
Last post March 26, 2016, 02:48:38 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: MAXAA KEENA XANUUNKAN ?

Started by Wahiib143Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 10714
Last post January 11, 2012, 05:07:24 PM
by Wahiib143
Su'aal: Waa maxay xanuunkan Neurofibromatiosis?

Started by Jaamac2020Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3306
Last post March 18, 2016, 01:06:46 PM
by SomaliDoc