Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Maxaa keena qawadka maqaarka ku dhaca?

(1/2) > >>

Afcas115:
marka hore waan idin salaamayaa
marka xigta waxaad ii sheegtaan waxa keena qawadka ma wax jidhka ka maqanbaa? wsc

SomaliDoc:


Waa maxay QAWAD?
Qawadku waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Tinea Versicolor", wuxuu ka mid yahay cudurrada ugu caansan maqaarka.

Waxaa keeno fangas loo yaqaanno "Pityrosporum orbiculare" waa nooc ka mid ah fangaska keeno cudurka soomaalida u taqaanno cabeebka, halkaan ka baro waxa cabeebka uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html

Dadka waaweyn badankood waa ay qabaan laakiin maahan cudur daran oo caafimaad ahaan dhib u keena biniaadamka.
Waxa kaliya uu keeni karo waa maqaarka oo isbadala.

Fangaska keeno qawadka qof waliba wuu gaaraa jirkiisa laakiin ma keeno qawad illaa uu ku tarmo jirka korkiisa wuxuuna ku badanyahay dhulalka kuleelaha.
Dhididka wuxuu qawadka ku saacidaa inuu tarmo jeermiska fangaska kadibna jirka ka soo muuqdo.
Hadii qofku qabo cudur hoos u dhiga difaaca jirka sida AIDS-ka oo kale qawadku wuxuu fursad u helaa in jirka safiican ugu faafo.
Sidaa awgeed dadka halista ugu jiro waa:
1- Dadka leh maqaarka dufanka ku badan tahay
2- Dadka ku nool dhulalka kuleelaha.
3- Dadka dhididka badan.
4- Dadka difaaca jirkooda uu hooseeyo.

Calaamadaha lagu garto qawadka waxaa ka mid ah:
wuxuu qawadka badanaa ka soo muuqdaa qoorta iyo dhabarka qeybtiisa kore, xabadka, gumaarka jirka qeybhiisa oo kalane wuu ka soo bixi kara. Waxaa jirro cudurro kale oo qawadka u ekaan karo sidaa awgeed qawadka waa la baaraa oo qolof ayaa laga qaadaa jirkaaga kadib ayaa la baaraa.

Qawadka waxaa lagu daaweeyaa shaampooyin loogu talagalay oo fangaska dilo sida shaambada Selsun, Nizoral & Ketoconazol.
Qawadku markuu daranyahay waxaa loo qaataa kaniiniyaal.
Qawadku wuu soo laalaabtaa sidaa darteed iska ilaali waxyaabaha keeno oo aan kor ku soo sheegay.

Qawadka waxaa looga hortagi karaa adigoo iska ilaaliya dhididka ama qaata dhar hawadu ka gudbayso, joogtane dharka u badasho, iska ilaali qoraxda in aad isku dhigto haddii aad qawadka u nugushahay.
Haddii difaacaaga jirka uu hooseeyo isku day sidaa kor ugu qaadi lahayd adigoo daawo u qaato cudurka difaaca hoos u dhigay, haddii daawo ay keentayne aad joojisid adigoo la tashanaya dhakhtarka kuu qoray.

Qawadku wuxuu keeni karaa cuncun kadibne hadii la xoqo wuxuu isku badalaa dhaawac, kadibne fangaska ayaa gaaro jirka gudihiisa wuxuuna keenaa cudur kale oo loo yaqaanno "Pityrosporum folliculitis" waana cudur sida ka soo baxa oo kale jirka nabarro u yeelo, halkaan ka baro xanuunka kasoobaxa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1163.0.html
Hadii qawadka aad daawo u qaadato waxaa jirka ku soo haro baro cadcad oo bilooyin ka dib iska baabi'i doona.
Akhriso cudurka Cambaarta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1682.0.html
Haddii aad qabto su'aalo caafimaad, ku soo gudib halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

Fatma Funny:
asc Dr, qawadka kawaran hadan qolofta ka qaado mase jirtaa wax goomata oo aan marsan karo see shampoo hadii aan ka hellayn meesha aan joogo maxaa samayn karaa oo daawo ah

SomaliDoc:
Fatuma daawada iyadoo bomaato ah way jirtaa waana laga helaa farmashiyada laakiin fadlan la xiriir dhakhtar maqaar marka hore.

Fatma Funny:
asc
dr' qawadka wuu iga bixii waayaay wakhtiga kulaylahaa ayuuna igu soo noqdaa meesha aan joogana malahan dr maqaarka u qaabilsan ma joogo marka saliid bareek mari ayaa la igu dhahay way kaa binaysaa qawadka ana waan mariyaa ee
maxaa ileedahay dr

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version