Author Topic: Su'aal: Maxaa keena qawadka maqaarka ku dhaca?  (Read 104597 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Afcas115

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Maxaa keena qawadka maqaarka ku dhaca?
« on: October 23, 2009, 10:02:49 AM »
marka hore waan idin salaamayaa
marka xigta waxaad ii sheegtaan waxa keena qawadka ma wax jidhka ka maqanbaa? wsc




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena qawadka maqaarka ku dhaca?
« Reply #1 on: November 06, 2009, 02:39:18 PM »


Waa maxay QAWAD?
Qawadku waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Tinea Versicolor", wuxuu ka mid yahay cudurrada ugu caansan maqaarka.

Waxaa keeno fangas loo yaqaanno "Pityrosporum orbiculare" waa nooc ka mid ah fangaska keeno cudurka soomaalida u taqaanno cabeebka, halkaan ka baro waxa cabeebka uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html

Dadka waaweyn badankood waa ay qabaan laakiin maahan cudur daran oo caafimaad ahaan dhib u keena biniaadamka.
Waxa kaliya uu keeni karo waa maqaarka oo isbadala.

Fangaska keeno qawadka qof waliba wuu gaaraa jirkiisa laakiin ma keeno qawad illaa uu ku tarmo jirka korkiisa wuxuuna ku badanyahay dhulalka kuleelaha.
Dhididka wuxuu qawadka ku saacidaa inuu tarmo jeermiska fangaska kadibna jirka ka soo muuqdo.
Hadii qofku qabo cudur hoos u dhiga difaaca jirka sida AIDS-ka oo kale qawadku wuxuu fursad u helaa in jirka safiican ugu faafo.
Sidaa awgeed dadka halista ugu jiro waa:
1- Dadka leh maqaarka dufanka ku badan tahay
2- Dadka ku nool dhulalka kuleelaha.
3- Dadka dhididka badan.
4- Dadka difaaca jirkooda uu hooseeyo.

Calaamadaha lagu garto qawadka waxaa ka mid ah:
wuxuu qawadka badanaa ka soo muuqdaa qoorta iyo dhabarka qeybtiisa kore, xabadka, gumaarka jirka qeybhiisa oo kalane wuu ka soo bixi kara. Waxaa jirro cudurro kale oo qawadka u ekaan karo sidaa awgeed qawadka waa la baaraa oo qolof ayaa laga qaadaa jirkaaga kadib ayaa la baaraa.

Qawadka waxaa lagu daaweeyaa shaampooyin loogu talagalay oo fangaska dilo sida shaambada Selsun, Nizoral & Ketoconazol.
Qawadku markuu daranyahay waxaa loo qaataa kaniiniyaal.
Qawadku wuu soo laalaabtaa sidaa darteed iska ilaali waxyaabaha keeno oo aan kor ku soo sheegay.

Qawadka waxaa looga hortagi karaa adigoo iska ilaaliya dhididka ama qaata dhar hawadu ka gudbayso, joogtane dharka u badasho, iska ilaali qoraxda in aad isku dhigto haddii aad qawadka u nugushahay.
Haddii difaacaaga jirka uu hooseeyo isku day sidaa kor ugu qaadi lahayd adigoo daawo u qaato cudurka difaaca hoos u dhigay, haddii daawo ay keentayne aad joojisid adigoo la tashanaya dhakhtarka kuu qoray.

Qawadku wuxuu keeni karaa cuncun kadibne hadii la xoqo wuxuu isku badalaa dhaawac, kadibne fangaska ayaa gaaro jirka gudihiisa wuxuuna keenaa cudur kale oo loo yaqaanno "Pityrosporum folliculitis" waana cudur sida ka soo baxa oo kale jirka nabarro u yeelo, halkaan ka baro xanuunka kasoobaxa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1163.0.html
Hadii qawadka aad daawo u qaadato waxaa jirka ku soo haro baro cadcad oo bilooyin ka dib iska baabi'i doona.

Akhriso cudurka Cambaarta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1682.0.html

Haddii aad qabto su'aalo caafimaad, ku soo gudib halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Fatma Funny

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa keena qawadka maqaarka ku dhaca?
« Reply #2 on: September 07, 2015, 12:14:27 PM »
asc Dr, qawadka kawaran hadan qolofta ka qaado mase jirtaa wax goomata oo aan marsan karo see shampoo hadii aan ka hellayn meesha aan joogo maxaa samayn karaa oo daawo ah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena qawadka maqaarka ku dhaca?
« Reply #3 on: September 07, 2015, 12:19:10 PM »
Fatuma daawada iyadoo bomaato ah way jirtaa waana laga helaa farmashiyada laakiin fadlan la xiriir dhakhtar maqaar marka hore.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Fatma Funny

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa keena qawadka maqaarka ku dhaca?
« Reply #4 on: March 18, 2016, 12:58:59 PM »
asc
dr' qawadka wuu iga bixii waayaay wakhtiga kulaylahaa ayuuna igu soo noqdaa meesha aan joogana malahan dr maqaarka u qaabilsan ma joogo marka saliid bareek mari ayaa la igu dhahay way kaa binaysaa qawadka ana waan mariyaa ee
maxaa ileedahay dr

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena qawadka maqaarka ku dhaca?
« Reply #5 on: March 26, 2016, 03:03:01 PM »
Way jiraan dad mariyo oo sheegay inay wax u tartay ee bal adiga khibradaada ka waran? wax ma iskaga garatay?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Jikaatoos

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maxaa keena qawadka maqaarka ku dhaca?
« Reply #6 on: May 26, 2016, 09:56:36 PM »
asc waad mahadsantihiin dhamaan walalaha isku xilqaamay inay caawiyaan walaalohooda soomaliyeed, Hadan uqudbo mawduucayga waxan muddo 10 sanno ka hor igu dhacay Qawad, muddo markaan u ildarnaay aya qof qaraabada ka mid ah igu yiri war magaad marso (magaadka tubaakada lagu darsado) aadbaan ula yaabay laakiin yaab badan ka dib tijaabo ayaan ku sameeyay magaadkii markan muddo todobaad ah marsanaayay ayaan wax isaga gartay waaaba ilaah mahadii waana ku bogsaday.
Marka codsigayga wuxuu yahay inaad wax iiga sheegtaan magaadka iyo qawadka waxa ka dhexeeya cafimad iyo cafimad darro ku saabsan, iyo inaan uga faaideeyo inta u ildaran madama aan u sahmiyay oo ALLAHna igu bogsiiyay.
Mahadsanidiin.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena qawadka maqaarka ku dhaca?
« Reply #7 on: June 05, 2016, 07:39:59 PM »
Xiriirka ka dhaxeeyo wuxuu yahay in qawadka uu keeno jeermis fangas ah sida aad kor ku aragtayba, magaadka wuxuu dilaa jeermiskaas, sidaas ayuuna maqaarka isku badalaa, laakiin dadkoo idil waxba kama taro ee ogow.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55881
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162187
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106887
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57898
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62221
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig