Author Topic: Su'aal: Cudurka ilka dawacadu ma cudur jiraa mise?  (Read 17801 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nuur12

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 49
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cudurka ilka dawacadu ma cudur jiraa mise?
« on: November 03, 2009, 04:47:35 PM »
asc walaal marka hore waan idin salaamayaa intaa ka bacdi waxaan doonayaa in la iga jaahil bixiyo xanuun caruurta ku dhaca oo shuban keena islaamuna yidhaahdaan ilka dawacaa ku jirtee halaga saaro dabadeedna ciyaalka waxay ka saaraan labada miciyood ee hoose waad mahadsantihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cudurka ilka dawacadu ma cudur jiraa mise?
« Reply #1 on: November 06, 2009, 01:43:42 PM »
Ilka dawaco waxay soomalida u taqaannaa ilkaha ugu horreeya caruurta u soo baxda kaasoo laga aaminsanyahay in ilmaha shuban ku ridaan sidaa darteedne laga siibo.

Ilka dawacadu maahan cudur, illaa inta la ogyahayne ilkaha iyo shubanku isma keenaan laakiin way isku soo aadaan, badanaa caruurtu waxay u soo baxdaa ilkaha markii:
1- Difaaca jirka cunuggu hoos u dhaco, difaacaas uu kala soo baxay hooyadiis kadibne shuban ayaa ku dhaca caruurta.
2- Ilkaha way cuncunaan caruurta marka ay soo baxayaan taas oo uu jecelyahay in wax waliba afka lagalao ama ciridka ku xoqdo si cuncunka iskaga baabiyo kadibne uu infection caloosha ka qaado shubanne ku dhaco
3- Ilkaha marka ay soo baxayaan, ilmaha aad ayay dhareeraan kaasoo keenta saxaro jilicsan ama shubanba.
4- Waqtiga ilka soo baxayaan ama soo baxeenba waxaa caruurta badanaa lagu bilaabaa cunno adag taasoo keeni karta shuban maadaama caloosha aysan u baran cunnooyinkaas.

Qodobada aan kor ku soo sheegay waxay ka mid yihiin fasiraadaha ay ka bixiyaan takhaatiirta waxa shubanka iyo ilka soo bixidda isku aadiyay laakiin waxay ka wada simanyiin in ilkuhu aysan shuban keenin haddii la bixiyane sida dadka qaar ay sameeyaan in ay qalad tahay, shubanne sidaa uusan ku istaageyn.

Midda kale shubanka caruurta ku dhaca xilligaan maahan mid biyo kaliya ah oo ilmaha fuuqbax ku rida.

Halkaan ka akhriso qoraallo xiriir la leh su'aashaada:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1618.0.html
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=741.0
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=592.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Cudurka ilka dawacadu ma cudur jiraa mise?
« Reply #2 on: May 09, 2012, 09:20:53 PM »
Dhakhtar, haddii ilmo 8 jir ah aysan foolashii kore u dhicin, kuwa hoose oo kaliya ay u dhaceen ayna soo baxeen, ma xaalad caafimaad xumaa in aysan ilkuhu u dhaceynin ilmahaas sideeda sano  jira?, haddii ilig liq liqday aan la tuurin oo uu adkaado, in si qasab ah loo tuuro, ma loo baahan yahay?..... Tnx.
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cudurka ilka dawacadu ma cudur jiraa mise?
« Reply #3 on: May 19, 2012, 11:17:11 AM »
Ilkaha waxaa loo kala qaybiyaa kuwo joogto ah iyo kuwo ku meel gaar ah, marmar dhif ah qaar ka mid ah ilkaha joogtada ah ayaa caruurta u soo baxo, oo haddii ilkaha qaar ka mid ah dhici waayaan macnaheeda maahan in cunuggu xanuunsan yahay ee wax dhici karo.
Midda kale haddii iliggu liqliqdo isagoo jug aysan gaarin sida saxda ah waa in la siibaa, maxaayeelay haddii aan la siibin oo meeshiisii lagu celiyo waxaa ka soo dul baxayo iliggii kale oo laba ilig oo is dul saaran ayay noqonaysaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Cudurka ilka dawacadu ma cudur jiraa mise?
« Reply #4 on: May 19, 2012, 08:14:41 PM »
Waad mahadsan tahay Dhakhtar, haddiise ay ilkuhu sida caadiga ah in ay u soo baxaan dib uga dhacaan waqtigooda, ma waxaa la odhan karaa; ilmahaasi "wuu madax adag yahay?" dad badan ayaan hadalkaan ka maqlay ee caafimaad ahaan ma wax jira baa? Waad mahadsan tahay Somalidoc.
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cudurka ilka dawacadu ma cudur jiraa mise?
« Reply #5 on: May 20, 2012, 01:27:19 PM »
Arrintaan mid cilmi ahaan jirto maahan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46487
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28923
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18442
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95962
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27093
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc