1: Guurku waa tarjumaada Rasmiga ah ee Jaceylka
2: Haweenka waa halxiraalle furihiisu yahay Jaceyl
3: Haweenka qaar wexey isku bedelaan sida dabeysha.
4: haweenka wanaagsan waa Sanduuqa luul ah oo maalinba quruxdiisa la soo baxaya .
5: haweenta Caqliga badan waxa ay sokor ka dhigtaa oraah kasta oo ninkeeda ku yiraahdo, waxa ayna tuurtaa wixii cusbo ah.
6: ninkii haween ku guursada qurux waa sidii nin iibsaday guri la dhalaaliyay .
7: wax haka sheegin dhadhanka xaaskaaga , waayo markii hore adigaa ku doortee heybadaas.
8.Gabadha waxa ka adag fiiro qurux badan oo uu fiiriyo ninkeeda.
9.Hawenku wexey Jecel yihiin ninka ka qosliya.
10: sadax nooc oo ka mid ah Bani’aadamka awood uma laha inay fahmaan haweenka waxaa ka mid ah nin dulqaad yar, nin xanaaq badan, nin naxariis yar.
11: ninka waxa uu gabadha u sheegaa waxa uu doono , balse gabadha waxa ay ninka ku sameysaa waxa ay doonto .
12: jecloow waa ay ku jeclaaneysaa , waxa ey jeceshaheyna jecloow.
13: si aad u kasbato xaaskaaga waxaad dhageysataa hadalkeeda .
15: Raganimadu waxa ay ku jirtaa inuu ninka raga ah raali geliyo xaaskiisa hadey carooto, haweentuna waa iney raali gelisaa seygeeda.
16: Haweenta foosha xun waxa ay wajigeeda ku eegtaa Muraayadda , haweenta qurxoon waxa ay wajigeeda ka dhex aragtaa wajiyada kale .
17: qof waliba oo isla weyn waxaa ka dambeeya haween.
18: had iyo jeer la tasho seygaada ka hor inta aadan go’aan qaadan.
19: waxaa muhiim ah inaad fahamto haweentu marka ay ooyeyso sida warqada ay dabeysha u gediso .
20 : gabadha maanta hadii ay is qurxiso waxbey fitneysay , hadii ay dhoolacadeyso layaab ayey dhigtay , hadii ay cunto kariso waa ay dhameystirtay .
21: haweentu waa sidii leer ifaaya hadii ninka uu garto qaabka loo qabsado wadada ayey u ifisay , balse hadii uu gefo waxa ay gubtay labadiisa Gacmood .
21: haku faanin inaad ku wanaagsan tahay cunta karinta , taasi cadeyn u noqon meyso wax walba.
22: haweenka waxa kasbada qofkii u naxariista.
23: haweenka waxa ugu caqli badan tan fahamta ninkeeda waxa uu rabo intuusan xata sheegin, ragana sidoo kale.
24: Calaamadaha Jaceylka dhabta ah ee Ninka waa dhiiranaan , haweentuna waa xishood.
25: Waqtiga Shukaansiga wiilka waa uu hadlaa gabadhuna waa ay dhageysataa , xiliga guurka caruusadu waa ay hadashaa , caruuskuna waa uu dhageystaa , guurka ka dib waa ay wadahadlaan labaduba deriskuna waa uu dhageystaa .
26: raggu waxa ay awoodaan inay ka qosliyaan dumarka.
27: Farxada dumarka wexee ku jirtaa quruxdooda, awoodoodana akhlaaqdooda
28: Hawenka waxey jeceshahey ninkeeda marka hore, marka dambana ilmaheeda.
29: markuu Jaceylku guriga joogo , qalbigu waxa uu noqdaa mid diiran .
30: haweenka waa sida midabka gidaarka oo kale oo sanad kasta isbadal lagu sameeyo.
31: afadu waa midda ilaalisa dhamaan wixii uu u sheegey seygeeda .
32: ka hor guurka ninka jecel gabdha, kadib guurkana iyada jecel ninka.
33: Ninku waxa uu jaceylyahay in haweentu ay fahamto , iyaduna waxa ay dooneysaa inuu jeclaado .
34: Xulashada haweenka waa sidii dagaal aad galeyso oo aadan ogeyn dhibka iyo dheefka aad kala kulmeyso.
35: haweenta wanaagsan waa buug xiran , aanu aqrin Karin ilaa iyo ninkii horey u xushay mooyee.
36: waxa ugu qurux badan guurka waa ixtiraamka.
37: ninka markuu Jacelyahay haween waxa uu u sameeyaa wax kasta , marka laga reebo sii ambaqaadka jaceylka kaligeeda ah mise ku kooban .
38: haweenku waa ay fahmaan ragga , laakiin waxa is fahma waa haween .
39: Ninka wuxuu rajeeyaa farxada, haweentana wey sameysaa farxada.
40: waxa ugu macaan haweenka waa sheekadooda , raggana waxaa ugu weyn midkii leh dhego wax lagu maqlo.
41: gabadhu waxa ay dunida ka dalbataa waa nin , hadii ay hesho wax kale uma baahna .
42: nin kastoo guuleysta waxaa ka dambeeya haween dhiiri gelisa .
43:Ninka raga ah waa ninka raga ku ad adag xaaskiisana u jilicsan.
44: hadii aad dooneysid inaad waasho haween , waxaad ka yeeshaa maalintaa oo idil muraayad la’aan .
45: nolosha qof waliba waxaa ugu dhib badan laba shey , kan koowaad waa marka uu la’yahay jaceyl , tan labaadna waa marka uu helo .
46: haweenka waxey wax ku jeclaadaan dhagahooda, Ragana indhahooda.
47: Jaceylka gabdhah wuxuu u yahay iftiinka nolosha, ninkana siduu ku gaari lahaa gabadhaas.
48: dhunkashada waa wadada kaliya ee mararka qaar hadalka ka hakin kara dumarka .
48:Gabdha waxey rabto dhakhso ma sheegto, ninkana waxba ma sugo.
49: Jaceylka ma aha hadal, laakiin waa ficil.
50 : guurku waa dhabaha kaliya ee lagu ogaado qofka nabadda Jecel.
51: hadii Jaceylku noqon lahaa badeeco lama heleen qof iibsada .
52: hala doodin haween careysan waayo waxa ay kaa lumineysaa waqti , hala doodin sidoo kale haween raalli ah waayo waxaad ka lumineysaaa waqtigeeda.
53: haweentu hadii ay layaabto ninka aamusnaantiisa , waxa ay moodaa inuu iyada ka aamusan yahay.
54:Gabar walba wexey jeceshahey ninka aabaheed shabaha.
55: haweenka oo idil waa ay qurxoonyihiin ilaa iyo inta laga guursanayo.
56:Dumarka guurka wey ka cabsadan, ragana guurkaa wax walba uga fudud.
57: qalbiga haweenku waa sida jawharad aan la garan karin wanaagiisaa ilaa marka la tijaabiyo.
58:Haweenka tan ugu tabar yar wexey maamushaa nin laga baqo.
59:Haweenka waa farxada asaaskeeda.
60 : xaaskaaga yaaney dooran indhahaaga , ha doorato dhegahaaga .