Author Topic: FILIN: Faaidooyinka Kala Durkinta Caruurta (Child Spacing)  (Read 33890 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
FILIN: Faaidooyinka Kala Durkinta Caruurta (Child Spacing)
« on: November 08, 2009, 04:38:03 PM »


Haddii aan halkaan ku soo koobo faa'idooyinka kala durkinta caruurta:
  • Cunugga wuxuu ku dhalan karaa miisaan dabiici ah isagoo aanan dhaafin xilligii rabbi ugu talagalay.
  • Cunugga wuxuu heli doonaa in uu naas nuugo waqtigii ilaahay ugu talagalay ee labada sano ahaa, taasoo la ogaaday naasnuujinta dhameestiran in ay faa'ido aan la soo koobi karan u leedahay korriinka jirka iyo maskaxda caruurta, ka akhrisi halkaan faa'idooyinkaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html
  • Cunugga safiican ayuu u kori doonaa maadaama hooyada ay siineyso daryeel ku filan oo aanan kaga mashquulaynin.
  • Hooyada waxay heli doontaa awood iyo tamar ku filan, wayna ka fogaan doontaa niyad jabka iyo diiqada.
  • Hooyada waxay heli doontaa waqti ku filan in cunuggeeda ay la sameyso xiriir adag iyo kalgacal taasoo kobcin karta maskaxda caruurta
  • Caruurta mustaqbalka waxay heli doonaa caafimaad buuxa maadaama hooyada ay u nasatay oo iyadoo nafaqo filan jirkeeda leeyahay ayay uur u qaadaysaa.
  • Caruurta u kala dhaxayso da' fiican way kaga diyaargarow ogyihiin xagga waxbarashada iskuulka.
  • Kobcitaanka maskaxda iyo sahlanaanta barashada xirfadooyinka way u fudud tahay caruurta waqti fiican ay u heleen waalidoontooda khaas ahaan hooyada.
  • Wuxuu kaloo cunugga waqti fiican u helayaa inuu ku dhex koro qoys waqti iyo jaceyl iyo xiriir adag ka dhex samaysmi karo, maxaayeelay caruurta isku xigxiga hooayda waxay ku qasbanaataa in caruurta wayn ay u deyso kuwa naaska laga gooyay taasoo ka imaato isfahan la'aan iyo dagaal, cunuggane wuxuu ku koraa niyadjab iyo naceeb.
  • Hooyada iyo aabaha waxay isku helaan iyagane waqti fiican taasoo kolkoolinaysa jaceelkooda iyo isgacan qabashada korriinka caruurta, waxay kaloo waqti u heli karaan howlahooda kale.
  • Qoyska caruurta kal fogeeyo way ku yartahay is qabqabsiga iyo dhibaatada dhaqaalo maareynta.
<a href="http://www.youtube.com/v/TzFswLNEpOE&rel=0" target="_blank">http://www.youtube.com/v/TzFswLNEpOE&rel=0</a>

Haklaan ka akhriso qoraal ku saabsan sida aad caruurta u kala fogayn kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5840.0

Haddii aad su'aal qabtid ku soo gudib halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


 

Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)

Started by Hotboy911Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23177
Last post June 13, 2015, 03:26:34 PM
by SomaliDoc
Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23653
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33584
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: labada naas iyo labada xaniin oo kala wayn?

Started by Saleeban AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10707
Last post August 30, 2015, 07:08:45 PM
by SomaliDoc
Su'aal : Gacanta bidix kala gooys calaacasha iyo gacanta ayaa i xanuunta?

Started by AadaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 41308
Last post January 20, 2018, 03:01:49 PM
by Abdirizak Hazzan