Author Topic: Su'aal: Sidee mirta habeenkii uga goyn karaa?  (Read 4985 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Zuleikha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Sidee mirta habeenkii uga goyn karaa?
« on: October 31, 2016, 12:04:43 PM »
Asc dr wan ku slmay ilahay hakaa abalmariyo shaqadad noo hayso waxan ku weydinlahaa dr cunug yar ion dhalay oo 2 sano waxyar ooga dhiman mirta habenkii macnaha caano ama cabitanka habenki lasiiyo sidan oga goyn lahaa wayna laqabsatay wanan kareebi la ahay 3 ila 4 jeer way soo tosaysa siden ooga gooya habenki casha fican ban siiyaa waxse laiyiri ilmuhu hadey bartan mirta siloga goyo way adgtahay marka cafimadkana muxu kaqabaa mise waa Caadi  maxadse igula talinaysaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee mirta habeenkii uga goyn karaa?
« Reply #1 on: November 04, 2016, 05:58:34 PM »
Haddii caruurta ay ku caqliyeystaan mirta, in laga gooyo waxay u baahan tahay in waalidka uu go'aan adag ka qaato.
Ogow haddii ay caruurta ay bartaan caano cabis loo soo toosayo habeenkii dhowr jeer, ma ahan in ay gaajo hayso waxay noqon kartaa inay la qabsadeen in habeenkii ay wax cabaan, taasina ma ahan mid waalidka u dan ah, maadaama ay hurdadu ka qasmayso.

Marka hore ku dadaal in cunugaaga aad casho fiican siisid marka aad seexinaysid.
Waa in cunuga uu helaa qorax ku filan maantii iyo dhaqdhaqaaq fiican si uu u uhelo hurdo qoto dheer.
Habeenada hore markuu cunuga soo tooso, isku taxalluji in aadan siinin wax cunno ah, way adkaan doontaa habeenada ugu horeyso, isagane kaama yeeli doono, ooyintuu bilaabo in aad hurdi wayso ayaa dhici karta habeenka ugu horeeyo ama ooyintiisu isku kiin dirto adiga iyo xaaskaaga.

Haddii dhowr habeen oo isku xigxiga aad sidaa yeeshid, wuu joojin doonaa inuu cunno ku waydiiyo markuu hurdada ka soo kaco habeenkii, wuuna ka go'i doonaa.

Ogow haddii aad qorshahaan bilaabayso waa in ay go'aan kaa tahay, haddii aad ku dhacdid imtixaankaan, way sii adkaanaysaa in aad mar labaad isku daydid maxaayeelay cunuga wuxuu ogaaday in hadduu ooyo in aad caanahiisa siin doontid, mana aamusi doono illaa uu ka quusto.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Torayo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Sidee mirta habeenkii uga goyn karaa?
« Reply #2 on: November 04, 2016, 07:45:20 PM »
Dr ka waran haduu cunuga sanad kanyaryahay uu habeenkina dhowr jeer so kacaayo ilaa.meeqo ayaa loga jari karaaa mirta oo uu ka maarmi karaaa in habeenki wax la.siiyo

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee mirta habeenkii uga goyn karaa?
« Reply #3 on: November 19, 2016, 06:38:33 PM »
Way ku kala duwan yihiin caruurta, ma jirto waqti go'an oo la isku og yahay in caruurta yar yar  mirta looga goyn karo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: