Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
SomaliDoc:
Af-qaleel, jareen iyo dhiiga oo kaco waa calaamado ka imaan kara xanaaqa waxaana dhaliya hormone jirka soo daayo xaaladaas, waxaana loo yaqaanaa "Adrenaline".
Midda ku saabsan lalabada waa in jadwalka qadada aad wax ka badashaa, iskana ilaalisaa gaajada.
Ahmed khamsa:
salaamu calaikum walaal aniga ma qabo in qaras bixinta eeysan faaida laheyn waayo gutka ayeey nadiifisaaa oo wasaqda aanan raacin saxarada adag ayaa baxo faaida ayeeyna u tahay gaar ahaan dadkeena soomaaliyeed oo cunnada dhacday ama wasaqeysan cunto tankale bileka aad tilmaamtay inuu jirka ka lumaya waxuu ku keedsanyahay gall baldder oo caloosha waxuu yimaadaa oo kaliya markeey cunno joogta beerka ayaana markasta soo saari karta dheecaanka shubanka lasocdana dhaqaatiirta waxay aamin sanyihiin inuu badankii ka yimaada gooryaamo iyo microbes GITga ku nool oo sifeyntooda faaida eey tahay wallaahu aclam
SomaliDoc:
Walaal, Ahmed Khamsa, qofka bini-aadanka ilaah ayaa ugu tala galay wixii jirkiisa aan faaido u lahayn ama dhib ku ah in laga sifeeyo ama laga saaro.
Midda kale wixii caloosha galo, markii la shiido ayaa la kala soocaa wixii nafci leh oo xiidmaha ay nuugayaan kadib ayaa beerka lagu sii kala habeeyaa, wixii wasaq jirka uu soo saarance saxarada ama kilyaha ayaa ka saaro.
Is matajintu wasaq jirka ku aruurtay oo ay soo saarayso caafimaad ahaan sax maahan.
Midda kale bile-ka ama dacarta waa sax beerka ayaa ku aruuriyo xameetada, sababtane waa in loo adeegsado dheef-shiidka khaas wixii dufan ah ee ma ahan macnaheeda wasaq beerka iska soo saaray oo meel lagu aruuriyay oo in la soo matago u baahan tahay.
Midda ugu dambeysa, matagga ama fuuq baxa waxaa la socdo macdan iyo wixii jirka faaido ugu jiray oo ka bixi kara, taasina qofka u keeni kara dhibaato hor leh ee ma ahan kaliya wasaq gooryaan keenay.
Waxaan rajaynayaa in aad fahantay.
http://somalidoc.com
Nasriin:
Waad mahadsantihiin
aad iyo aad inta faaidaynaysa iyo inta ka faaidaysanaysa
su'aashan qabo waxa weeye dad ayaa waxay istimaalan calool istaagu marku hayo in ay tagaan meel biya kulul lagu sheego oo deetana lagu soo dacar baxo meelahaas oo kale xanuun may sababaan
mida 2aad
qofku marku yaqanyoodo ama dacartu ku kacsantahay afka gacanta miyuu galinayaa si uu iskaga matajiyo waxa laabta ku jira?
Allaha idinka abaal mariyo
SomaliDoc:
Caloosha oo la socodsiiyo caafimaad ayay ka mid tahay, waxyaabaha lagu socodsiiyane waxaa ugu fiican cunnooyinka ama siyaabaha dabiiciga ah.
Badso cabista biyaha, caanaha geela, babaayga iyo fruits-ka ama waxyaabaha buunsahda ku badan tahay.
Midda xigta ma fahmin su'aashaada ku saabsan biyaha kulul?
Is-qaras bixintu ma ahan wax caafimaadka uu aaminsa yahay, sidaa awgeed in aad is matajiso waxaa ka fiican in aad caloosha socodsiiso sidaas ayaa dabiici ah.
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
[*] Previous page
Go to full version