Author Topic: Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?  (Read 54852 times)

0 Members and 8 Guests are viewing this topic.

Offline MAHAD CADDE

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
« on: November 08, 2009, 02:30:03 PM »
As/c
shukran walaal waad kju mahadsan tahay jawaabtaada ilaahey ha idin barakeeyo cilmigiina

walaalow intaa hadaan uga baxo xanuunkaas suaalaha caafimaadka ku salaysan e igu taagan ma yara

1-waxay tahay suaasha kale ma maxay waxa somalida u taqaano qarasta ma wax jiraa ? waxayna inta badan sal uga dhigaan qarastaas in cuduro badan iyadu sababto hadaad tiraahdo sidaas ban isku arkay is qaras bixi baa lagu dhahayaa mararka qaar waxaad maqlaysaa aroorti markaa cadayanyso oo kale inay iska matajiyaan wax qaraar ah cagaaran qarastu ma taasaa maxaase dhib ah oo ka iminkara ismatajintaas ama is dalqamintaas cadayga la isaga keeno ana farta ?

2- waan shaqeeyaa shaqadeyduna waa fadhi ugu yaraan 8 hour baan fadhiyaa markaan shaqada ka baxo waxaan kulayl aan caadi ahayn kabuubyo la socoto ka dareemaa lugaha ama cagta & seedaha danbe ee lugaha inay jiidmayaan camal malinta aanan shaqada aadin iskuma arko maalintaas oodhan dad baan weydiiyay cabitaanka badso ayay dhaheen iyo socodka cilmiyan i sheeg arintaas waxa sababa baabasiir aan weyneyna waan qabaa isagana ma sababikaraa kulaylkaa wuxuu xiriirsan yahay ka bilow cirbaha ilaa seedaha danbe lugaha ilaa dhabarka meesha ay ka galaan
Mahadsandiin walaalo As/c





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
« Reply #1 on: November 12, 2009, 06:27:58 PM »
Dad badan ayaa aaminsan in markii muddo la joogaba, uu qofku u baahan yahay inuu is qaras-bixiyo, oo loola jeedo sifeynta Caloosha.

Xoolalaydu waxay taas u adeegsadaan Caanaha Geela. Beeralaydu waxay isticmaalaan dhir ay ka mid yihiin:-Carmada, Raqayga, Salamakiga iyo kuwa kale. Reer-magaalku waxay cabbaan Saliid ama Kaniiniyaal lagu iibiyo Farmasiyayaasha oo lagu baxo.

Qarasta ama dacarta waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa (Bile ama Gall), waa dheecaan qaraar oo jaallo iyo cagaar ah waxaa dheecaankaan soo saaro unugyada beerka waxaana lagu aruuriyaa xamiitada oo markii qofka cunno cuno ayaa la soo daayaa si ay uga qeyb qaataan shiiditaanka cunnada dufanka leh.

Dadka aanan laheyn qarastaas calooshoodu ma shiiddo dufanka sidaa awgeed waxay dhigaan saxaro dufan leh, marka waxaan ka fahmeynaa halkaan in qarastu aysan aheyn wasakh ku aruurtay caloosha una baahan in laga faarujiyo si loo sifeeyo.

Isqaras-bixinta waa caado aan sal iyo raadba ku laheen caafimaadka waxayna ka mid tahay caadooyin badan oo ay aaminsantahay soomaalida.

Hadda ka hor nin dhallinyaro ah oo Soomaali ah ayaa waxaa ku soo booday Xanuun wata Shuban iyo Matag, waxaana la soo dersay xaaladda ay Soomaalidu yiraahdaan 'Horay iyo Gadaal'. Taas oo socotay laba maalmood oo xiriir ah.

Markii wixii dheecaan jirkiisa ku jiray ka baxeen oo fuuq-baxay, wuxuu dareemay in carabkiisa oo noqday qaraar (dacar oo kale) iyo inuusan cunnada si fiican u qaadan karayn.

Ninkii ayaa u yimid dhallinyaro kale oo saaxiibbadii ahaa. Wuxuu uga sheekeeyay xaaladda uu ku sugan yahay. Waxay Saaxiibbadii u sheegeen ninkii: in ay Qaras ku kacday, si fiicanna uusan u Qaras bixin, loona baahan yahay inuu helo Dawo culus oo si fiican u Qaras bixisa...!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Ninkii dhallinyarada ahaa, ayaa u yimid Takhtar, wuxuuna ku cawday inay ku kacsan tahay Qaras, uuna u baahan yahay helitaanka Dawo uu si fiican ugu qaras baxo...!!.

Takhtarkii markuu arkay sida uu u fuuqbaxsan yahay iyo tabardarrida ka muuqo, ayuu isagoo dhoolla-caddaynaya ku yiri Ninkii:-"Wadaayow dhammaan wixii biyo iyo dheecaan ahaa ee ku jiray jirkaaga waa ay kaa baxeen, Qaras bixid la'aan ayaad ka sheeganaysaa, adiga ayaaba waxaad u baahan tahay in wixii Qaras ee magaalada taalla in lagugu shubo"!!.

Taasi waxay aheed sheeko gaaban oo ka tarjumaysa dhibaatada ay yeelan karto qaar ka mid ah caado dhaqameedka.

Haddii aan u imaado su'aashaada labaad lugaha aad ka cabanayso sida ka muuqdo cabashadaada xiriir lama lahan baabasiirka maxaa yeelay maalintii aadan shaqada aadin kuma xanuunaan.
Lugaha oo ku hura ama kululaadaan waxa ay ka imaanaysaa inta aad fadhido luguhu way gororaan waxaana ka buuxsama qulqulka dhiigga sida la yaqaanna caafimaad ahaan meeshii dhiiggu ku aruuro way kululaataa taa ayaa keeneyso in aad ka dareento kuleel ama hur.
Waxaa taas uga hortagi kartaa adigoo lugaha dhaqdhaqaajiya qaabka ay u yaallaane ka badala si murqaha u shaqeeyaan kabuubyane aaadan dareemin.
Cabitaanka aad badsatane xiriir lama laha kuleelka aad dareemeyso.

Wixii aad qabto su'aalo kale waad na soo weydiin kartaa

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline MAHAD CADDE

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
« Reply #2 on: November 14, 2009, 01:17:47 PM »
Asc
Ilaahey ha idinku barakeeyo cilmigiina si alle raali ka yahay jawaabtana aad ban u fahmay. shukran"

1-Qarasti baa weli daba taagnahay Calaamadeeheda akhiiyow markaan gaajoodo weliba xiliga qadada iyo markaan wax cuno la labo ayaa i qabata badanaa xaaladaasna waxay iigu macneeyen in qaras jirto taa iyada ahna malala xiriirinkaraa Qarasta ?

2-Hadiisi aanan dawo isticmaalin oo aan isticmaalo caanaha geella keliya dabadeedna aan aad ugu shubmo ma dhibaataa iiga iman karta ? o waxaan ka wadaa saxarada o aad ku jiliciso adigoo isticmaalaya waxyabahaas' maxay dhaqaatiirtu ka qabaan cilmiyan ?

Aniga suaalo badan caafimaadka quseeyaa igu taagan sidee u aragtaan hadaan idinsoo weydiiyo goorwalbo waayo ma rabo in la idhibsado

Mahadsandiin
Mahad Ahmed

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
« Reply #3 on: November 17, 2009, 07:58:46 PM »
Inta aanan kaaga jawaabin su'aashaada hore waxaan rabaa in dhowr su'aalo aan kaa weydiiyo
Lalabada goormaa isku aragtay, imisa bilood ayay ku heysaa?
Cunnada qaar miyaa ku lalabootaa mise idilba?
Laabjeex, Dibbiro, Daacada oo ku dhibta iyo bogga oo ku hora ma leedahay?

Su'aashaada labaad, inta aad is shubmisiin laheed waxaad qaadan kartaa cunnooyinka laga helo maadada Fiber-ka / Buunshada sida khudrada, qamadiga, galleyda iyo fruits'ka, taas ayaa saxarada jilcisa, caafimaadkuna in saxaradu ay jilicsanaato ayuu ku jiraa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline MAHAD CADDE

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
« Reply #4 on: December 21, 2009, 11:28:25 AM »
A/c

Salaan ka dib walaal cafwan waan la soo daahay jawaabta ama inan wax kaaga sheego la labada xiliyada ay i qabato waxaa ugu badani waa xiliyada qadada ka hor iyo kadib-ba cabaar ka dib laakin wey ideenaysaa labada jeerba. xiliga aan isku arkay waa bilo ilaa 9 billood meelahaa. cunada oo dhan waa iskukey mid markaan qadada u fadhiisto o aan baahanahayna wey iqabataa qadada ka dibna ima qabato lalabda waana qadada keliya mararka qaar anigoo gaajoon baanan cunikarin cunada qadada ayaana ugu badan


Suaasha Labaad

walaalow waxaan isku arkay waayadan markaan xanaaqo yacni aan dhahoba dagaal an galo waxaan isku arkaa afka ayaa aad ii qalala very dry ilaa aan biyo aan cabo o aan caadi kusoo noqdina ma iga ba aayo . mana aqaan sababta waa markii aan aad u cadhoodo dad ban weydiiyay waxaa la isheegay cilad xaga xawaaraha wadnaha iney tahay mana aaminikaro hadalkiisa  oo waa qof aanan aqoonta caafimaadka baran marka waan kaa sugayaa waxa sababa iyo xalka waxa u noqonkaro.

Ajar allaha idinka siiyo hawshiina


Mahdi

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
« Reply #5 on: December 21, 2009, 07:32:26 PM »
Af-qaleel, jareen iyo dhiiga oo kaco waa calaamado ka imaan kara xanaaqa waxaana dhaliya hormone jirka soo daayo xaaladaas, waxaana loo yaqaanaa "Adrenaline".

Midda ku saabsan lalabada waa in jadwalka qadada aad wax ka badashaa, iskana ilaalisaa gaajada.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ahmed khamsa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • ilaah ka cabso waqti walba
Re: Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
« Reply #6 on: August 30, 2010, 04:04:11 PM »
salaamu calaikum walaal aniga ma qabo in qaras bixinta eeysan faaida laheyn waayo gutka ayeey nadiifisaaa oo wasaqda aanan raacin saxarada adag ayaa baxo faaida ayeeyna u tahay gaar ahaan dadkeena soomaaliyeed oo cunnada dhacday ama wasaqeysan cunto tankale bileka aad tilmaamtay inuu jirka ka lumaya waxuu ku keedsanyahay gall baldder oo caloosha waxuu yimaadaa oo kaliya markeey cunno joogta beerka ayaana markasta soo saari karta dheecaanka shubanka lasocdana dhaqaatiirta waxay aamin sanyihiin inuu badankii ka yimaada gooryaamo iyo microbes GITga ku nool oo sifeyntooda faaida eey tahay wallaahu aclam
qabrigu waa lama huraan

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
« Reply #7 on: January 25, 2015, 11:10:45 AM »
Walaal, Ahmed Khamsa, qofka bini-aadanka ilaah ayaa ugu tala galay wixii jirkiisa aan faaido u lahayn ama dhib ku ah in laga sifeeyo ama laga saaro.
Midda kale wixii caloosha galo, markii la shiido ayaa la kala soocaa wixii nafci leh oo xiidmaha ay nuugayaan kadib ayaa beerka lagu sii kala habeeyaa, wixii wasaq jirka uu soo saarance saxarada ama kilyaha ayaa ka saaro.
Is matajintu wasaq jirka ku aruurtay oo ay soo saarayso caafimaad ahaan sax maahan.
Midda kale bile-ka ama dacarta waa sax beerka ayaa ku aruuriyo xameetada, sababtane waa in loo adeegsado dheef-shiidka khaas wixii dufan ah ee ma ahan macnaheeda wasaq beerka iska soo saaray oo meel lagu aruuriyay oo in la soo matago u baahan tahay.
Midda ugu dambeysa, matagga ama fuuq baxa waxaa la socdo macdan iyo wixii jirka faaido ugu jiray oo ka bixi kara, taasina qofka u keeni kara dhibaato hor leh ee ma ahan kaliya wasaq gooryaan keenay.

Waxaan rajaynayaa in aad fahantay.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Nasriin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
« Reply #8 on: April 22, 2015, 01:30:02 PM »
Waad mahadsantihiin
aad iyo aad inta faaidaynaysa iyo inta ka faaidaysanaysa
su'aashan qabo waxa weeye dad ayaa waxay istimaalan calool istaagu marku hayo in ay tagaan meel biya kulul lagu sheego oo deetana lagu soo dacar baxo meelahaas oo kale xanuun may sababaan
mida 2aad
qofku marku yaqanyoodo ama dacartu ku kacsantahay afka gacanta miyuu galinayaa si uu iskaga matajiyo waxa laabta ku jira?
Allaha idinka abaal mariyo

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
« Reply #9 on: April 25, 2015, 01:32:12 PM »
Caloosha oo la socodsiiyo caafimaad ayay ka mid tahay, waxyaabaha lagu socodsiiyane waxaa ugu fiican cunnooyinka ama siyaabaha dabiiciga ah.
Badso cabista biyaha, caanaha geela, babaayga iyo fruits-ka ama waxyaabaha buunsahda ku badan tahay.

Midda xigta ma fahmin su'aashaada ku saabsan biyaha kulul?

Is-qaras bixintu ma ahan wax caafimaadka uu aaminsa yahay, sidaa awgeed in aad is matajiso waxaa ka fiican in aad caloosha socodsiiso sidaas ayaa dabiici ah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
« Reply #10 on: November 01, 2016, 04:26:11 AM »
asc waan wada aqriyay sheekada idin dhex martay anigana waxan ka cabanayaa jaalaha iyo cagaarka xameetida soo deeyso maalin walba waan matagaa cagaar qaraar ah hadii aanan matagina waan ku xanuunsadaa marka aan matago ayaan nafisaa waxan rabaa inaan ogaado kaliya hadii eey xameetida ama beerka qarastii normal ka ahayd mid kabadan soo deeyso malagu sumoobi karaa dhibaatose ma keeni kartaa sideese lagu yareeyn karaa majiraase xanuun sababi kara in beerku qaras aad ubadan soo daayo tan kale aniga waxan qaataa emprizol 40 mlg maalintii 2 jeer muxuu ka taraa dhumista qarasta

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qarastu ma cudur jiraa?
« Reply #11 on: November 19, 2016, 06:34:06 PM »
Daawada gaaska loo qaato ee "Omeprazole" shaqo kuma lahan hoos u dhigista dacarta ama qarasta beerka uu soo daayo, waxaana isku arki kartaa dacartaan markii aad is matajiso ama matagto calooshaada oo faaruq ah.
Sida caafimaadka ku jiro waa in beerka uu soo saaro dacar ama qaras badan si dheefshiidkaaga u wanaagsanaado, waxaa kaloo la socdo macdan jirka muhiim u ah, waxyaabaha siyaadin kara waxaa ka mid ah "Huruuda" oo cunanda ma cabitaanka lagu darsado.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Baaritaanka dhiiga malagu ogaan karaa cudur kasta?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9121
Last post October 19, 2016, 07:18:46 PM
by SomaliDoc
Isbitaal Banaadir oo la gaarsiiyay dad uu soo ritay cudur Shubanbiyoodka....

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 6834
Last post April 27, 2011, 06:03:54 PM
by Drkheyre
Su'aal: Ma is dhihi karnaa dhareerka waa cudur xun mase wa wax caadi ah?

Started by BuraaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8493
Last post April 30, 2011, 08:18:50 PM
by SomaliDoc
Dhan-qalal / Faalig (Stroke) - Cudur Halis Ah

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 3
Views: 55997
Last post June 30, 2018, 08:20:49 AM
by Abdikadir abdi jama
Su'aal: Cudur ka hayo dhabarka ilaa faryarta lugta?

Started by Ibnu muhammadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6044
Last post September 11, 2015, 12:51:15 PM
by SomaliDoc