Author Topic: Fariimaha Caafimaadka  (Read 94135 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Fariimaha Caafimaadka
« on: September 12, 2007, 02:01:44 AM »


1- Hadaad xanuunsato Rabigaa bari isaga unbaa dhibaatada kaa qaadi Kara, ha u malayn in dhakhtarku uu wax kuu qaban karo, hadaan rabi ku ilhaamin.
2- Xabatu Sowda iyo malabka asalka ahoo la isticmaalo ayaa Dawo kasta ka fiican.
3- Ha daawayn qofna cilmi la’aan, waayo waxaad samaynayso rabiyaa kugula xisaabtamaya.
4- Dawo aan dhakhtar sax ahi kuu qorin ha isticmaalin.
5- Dawo ha waydiisan qof aan dhakhtar ahayn.
6- Dawo ha cunin oo qofna ha siin hadaadan ogayn waxa loo isticmaalo iyo dhibaatada ay keensanayso.
7- Ogow daawo kasta waxay leedahay dhibaatooyin badan
8- Ha ku dagdagin isticmaalka dawo aan dhakhtar kugula talin.
9- Dawooyinka dhig meel caruurtu aysan gaarin.
10- Dawooyinka dhig meel aan qorax ahayn.
11- Samayso armaajo yar oo darbiga meel kore lagu dhajiyo furane leh oo dawada la dhigo si caruurtu aysan u gaarin
12- Rifeetar iyo refadin waligaa ha u isticmaalin waxaan loogu talo galin waa dawooyinka Qaaxada loo isticmaalo.
13- Hadii caruuta ama qof waynba qandho qabato, meel neecow leh gee, dharkana ka yaree, ha huurin, dabadeedna shukumaan biyo kuqoo oo marmari.
14- Hadii caruurtu ama qof waynba uu shumbo, ORS sii, iyo biyo kasto uu cabi karo, sii cunadii uu cuni karo.
15- Ma jirto cirbad la yiraah dhiig joojin oo qofkii dhaawacma la siiyo.
16- Farmashiyada badankood lagama helo dawo teetanada loo isticmaalo waayo waxay rabtaa dawadaasi inay qaboojiye ku jito oo 2 degrii tahay.
17- Dhaawaca yar yar ku dhaq biyo qandac ah oo milix / cusbo leh, sida biyaha badoo kale.
18- Caruurta bar inaad siiso cunooyinka faaiidada leh sida Galayda, Digirta, Hilibka caloolayda, Ukunta, Masagada, Mooska, Canbaha, Ukunta iwm.
19- Ma wanaagsana cunooyinka in lagu badiyo, Sonkorta, Dufanka iyo Cusbada.
20- Ha cunin cunnada aan daboolnayn ee suuqa taala.
21- Ha gadan rootiga gaarigacanlayaashu hayaan, haddii aad gadatidne iska kululee.
22- Khudaarta nuuca aan qolofka lahayn, si waansan ugu dhaq biyo qandac ah.
23- Nadaafadu waa furaha caafimaadka.
24- Jikada nadaafadeeda waa muhiim ee ku dadaal.
25- Jirka nadaafadiisu waa lagama maarmaan.
26- Musqusha nadaafadeedu waa lagama maarmaan.
27- Bar caruurta iyo dadka waawaynba in markii qofku musqusha ku soo xaajo guto uu gacmaha saabuun ku dhaqo.
28- Weelasha loo isticmaalo musqusha sida baaldiga, caaga iwm waligaa ha u isticmaalin jikada.
29- Cunooyinka gasacadaysan intaad ka fogaan karto ka fogoow.
30- Karootadu waa cuno fiican oo u roon indhaha ee bar naftaada iyo caruurtaba.
31- Jawaafaha ama saytuunku aad buu u wanaagsan yahay.
32- Cunooyinka la isku daro ama laysku shiido waa faa’iido badan yihin.
33- Sansanyeeri isticmaal habeenkii markaad seexanayso khaasatan haddii aad ku nooshahay dhul kaneeco leh.
34- Cudurka isfiilitadu waa cudur xun kumana dhaco dadka galmood ammaan leh sameeya, ilaahay idankii.
35- Quraanka oo akhrintiisa la badiyo, caafimad badan bay leedahay.
36- Caruurta ka ilaali ciidda inay cunaan, ciidda waxaa ukuntooda dhigta gooryaano badan.
37- Cagacadaan ha ku socon, hana u ogolaan in caruurtu ku socoto, gaar ahaan meelaha qoyan waxaa laga helaa bahalo ku nool oo si sahlan qofka u gala.
38- Novalgin ha isticmaalin nuuckastoo uu yahay, waayo waa daawo khatar ah, aduunkana hada lagama isticmaalo.
39- Gaastariigu waa cudur khatar ah, rabina ha naga badbaadiyo, sida dadku u sheegayaana maaha, mana dhici karto in dadkoo dhami qabaan.
40- Cadayga oo aad loo badsado, ilkaha caafimaadkoodaa ku jira ee ku dadaal.
41- Aspirin ha siin caruurta 12 sano ka yar, wuxuu u keenaa dhibaato.
42- Dawo qof loo qoray, maahan in qof kale la siiyo, dadku isku cudur maahan, dhakhtar unbaa sheegi kara wuxuu cudurka qofku qabo yahay.
43- Daawada cirbadda ihi maahan daawada ugu sarraysa, qofku intuu afka wax ka qaadan karo cirbad uma baahna.
44- Faleebada dad badan waxay u haystaan inay wanaagsan tahay, lakiin ogow inaysan wanaagsanayn, hadii la siiyo qof aan u baahnayna ay dhib badan u keenayso, ogow afku waa meesha ugu fiican oo ilaahay ugu tala galay oo qofku wax ka qaadan karo.
45- Hadaad sharoobo ama kaniini furtid, ogow waxaad isticmaali kartaa mudo gaaban, dad badan baa meel inta dhigta hadana dib u isticmaala muddo ka dib.
46- Sax maahan hadii haweenta uurka lihi ay cunnada iyo biyaha badsato in cunugu uu ku waynaanayo, dabadeedna ay fooshu dhibayso, waxaase sax ah in haweenta uurka leh loo baahan yahay inay cuno fiican iyo cabitaankaba badsato, si ay awood u yeelato taasoo keenaysa in dhalmadu u fududaato.
47- Naaska cunuga waa in la siiyo ugu yaraan laba sano.
48- Haweentu haday uur yeelato, iyadoo nuujinaysa, dhib maleh inay cunigeeda sii nuujiso, waase in haweenta nafaqo fiican la siiyo maadaama ay labo shaqo isku hayso.
49- Cunuga dhasha waa in la siiyo naaska marka uu dhashaba si dagdaga, waayo caanaha naaska ugu horeeya waa kuwa ugu fiican.
50- Haweenta naaska nuujinaysa waa inay naaskeeda si gaara u dhaqdaa ugu yaraan maalintii laba mar.
51- Caruurta ha ku nuujin jiifka, hadii kale waxay khatar ugu jiraan in dhaguhu dilaacaan.
52- Guriga waa in dariishadaha loo furo oo qoraxda iyo dabayshuba soo galaan.
53- Caruurta yaryar waa in qoraxda la tuso ugu yaraan maalintii hal mar.

Haddii aad su'aal caafimaad qabtid, waxaan diyaar u ahay in aan kaaga jawaabo ee iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

Keydka Qoraallada iyo Filimada Caafimaadka
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: