Author Topic: Su'aal: Maxaa keena xubinta taranka oo neef ka soo baxdo?  (Read 105586 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Bishaaro

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Maxaa keena xubinta taranka oo neef ka soo baxdo?
« on: December 18, 2009, 02:33:09 AM »
Asc salaanta islaamka ka dib dhaman waxan leeyahay Aqoon yahanada ku taquuqusay cilmiga Caafiimadka dhamaantin MAHADSANIDIN
Su'aashayda waxa weyan xubinta taranka((siilka))  markay dhaq dhaq suubiso ama wax u eeg gariir maxa keena waxas : Ama se ma cudur ba mise ??? Ma leedahay wax Daawo ah  oo lagu joojin karo gariirka ama guuxas aad moodo meel ay ka baxayso neef




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena xubinta taranka oo neef ka soo baxdo?
« Reply #1 on: December 19, 2009, 08:23:02 PM »


Hawada ka soo baxda xubinta taranka ee haweenka waa xaalad jirta laguna magacaabo "Flatus Vaginalis ama Vaginal Flatulence", waxayna ka dhalataa aaryo ku aruurtay xubinta taasoo cadaadis xoog leh ku soo baxdo wax yar ka dib weliba markuu qofku sameeyo wax cadaadis abuuraya sida in qofku fadhiisto, fooraarsado ama isagoo waxba smaynin mararka qaar.

Hawadaa markii ay soo baxayso waxay lahaan kartaa gariir ama guuxba.

Waxay badanaa hawada gashaa xilliga galmada, jimicsiga ama adigoo waxna samayn haddii aad leedahay murqo dabacsan ee xubinta taranka khaasatan dhalmada ka dib.

Hawada waxay u soo baxaysaa sidii dhuusada oo kale laakiin malahan wax ur ah, inkastoo wax dhibaato caafimaad aysan laheen laakiin waa wax xishood iyo dhaxdin ku abuura qofka markuu isku arko.

Hadii hawadaa soo baxayso ay leedahay ur sida dhuusada oo kale waa in dhakhtar u tagtaa maadaama ay noqon karto "Fistula" ama dalool isku furan oo u dhaxeeyo dabada iyo farjiga.

Xaaladaan kuma xirna da'da iyo gabarnimadaba.

Waxaan xaaladaan lagu daaweeyaa jimicso loogu tala galay xoojinta muqaha miskaha iyo xubinta taranka waxaa jimicsigaas loo yaqaannaa "Kegel Exercice".

Halkaan ka akhriso oo ka fiirso qaabka loo sameeyo Jimicsiga Kegel Excercise "Click here"

Hadii aad qabto su'aalo dheeraad ah iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55876
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162183
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106886
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57894
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62217
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig