Author Topic: Arin naxdin leh, hooyo somaliyeed oo uur leh oo ilmaheedii sun lagu tijaabiyay  (Read 18156 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Aox

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male

DHACDO NAXDIN BADAN LEH.

Hooyo Somaliyeed oo uur leh oo SUN lagu tijaabiyay ilmahii caloosheeda ku jiray


Waxa ay ahayd habeenkii ay hooyadu fool qaaday, waxa loola cararay dhakhtarka ama Cusbitaalka si ay ugu umusho, intii ay hooyadu ku jirtay ayaa la cabsiiyay ama la siiyay wax ku jira madeebad wayn ama baaquli ninba sida uu u yaqaanaa oo ah qiyaastii in ka badan 2 litir, oo lagu yidhi waa inad cabtaa ood dhamaysaa, waa ay dhamaysay hooyadii, waxaas ay cabtay hooyadu waxa uu u dhadhamayay si aad u dhadhan xun oo ay hooyadu way isku qasabtay inay cabto.

Ilmahii markuu dhashay ee uu jiray 10-12 bilood ayaa ay waalidkii dareemeen inuu ilmahu ka gaabinyo qayrkii xaga hadaaqa iyo hadalka, halkaasaa ay ka bilaabantay nolol cadaab ah oo ifka ay ku dhadhamiyeen waalidkii ilmaha dhalay, waxa ay galeen dadaal iyo dagaal dhan kastan leh, waxana ka sokow la tacaalka ilmaha iyo sida ay u horumarin lahaayeen maskaxdiisa iyo jidhkiisaba ay dhanka kale ka wadeen, inay raadiyaan waxa keenay inuu ilmaha oo caadi ah intii uu uurka ku jiray, uu dhalashadii ka dib noqdo nin kala dhantaalan, taasaa keentay inay dib u eegaan Daawayntiisii iyo dhalashadiisii, waxa markaa laga waayay meesha dawadii ama cabitaankii ama suntii la siiyay habeenkii ay hooyadu umalaysay.

Hadaba sheekadu way dheer tahay oo lama dhamayn karo oo ilaa maxkamad ayaa ay arintii gaadhay, waana loo xoog sheegtay waalidkii oo dhibaatooyin badan ayaa ay muteen.

Waxan hadaba jeclaan lahaa hadii uu jiro dhakhtar wax ka yaqaan Caruurta aan weli dhalan iyo saamaynta sumaha qaar ku yeelan karaan, ama dhakhtar kale oo maskaxd caruurta iyo waxyaalaha dhibaateeyn kara wax ka yaqaan, ama dhakhtar aqoon gaar ah u leh xaaladahan oo kale inuu FADLAN ila soo xodhiidho, oo uu halkan fariin ii dhigo.

F.G; Ha dhayalsanina Walaalayaal waa Hooyo ilmaheedii uurkeeda ku jiray iyadoo foolanaysa halkii laga caawin lahaa ee la kala saari lahaa iyada iyo ilmaha, lagu sumeeyay ilmahii si logu tijaabiyo dawo, sida ay markii danbe sheekadii isku soo ururtay, waa arin damqasho iyo xanuun badan huwan. Fadlan hadaad tahay dhakhtar Soomaali ah oo aqoon u leh arimahan, fariin soo dhig meesha.

Waa arin muragdeeda iyo hagardaamadeedu ay 10-kii sanadood ee u danbaysay hada socotay oon halkan lagaga wada shekayn karin. Hadaba fadlan ka gayso gargaarkaaga aqooneed ee ay waalidkan iyo ilmahan Soomaaliyeed aad ka ugu baahan yihiin. Fadlan u damqo walaalahaa oo soo xidhiidh.

Allah ayaa mahad leh




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Hadii aan ra'yigayga ka dhiibto sheekadaan aad noo soo gudbisay, kuguma raacsani laba sabab dartood:

Sababta 1aad: korriinka maskaxda caruurtu way dhamaystiran tahay marka ay soo galaan bilaha ugu dambeeya ee uurka.
Sunta ama daawooyinka halista ah badanaa saameeyn waxay ku yeeshaan koriinka maskaxda caruurta xilliga hooyadu ay ku jirto bilaha hore ee uurka, maskaxduna ay abuurmeyso.
Inkastoo ilmaha maskaxdoodu dhameestiran tahay ay naafo ka noqon karaan maskaxda oo uu ku dhaco cudur loo yaqaano "Cerebral Palsy" taasoo calaamadihiisa oo dhameestiran soo bixi karto waqtiga aad hadda tilmaantay, tan waxaa keeni kara waxyaabo badan oo aanan aheyn hooyada waxa ay cabtay marka ay foolanaysay, waxaa ka mid ah ilmaha oo foosha ku daaho oo oksajiinkii maskaxda u baahnaa ku yaraado, ama caruurta oo sonkortooda hoos u dhacdo markii ay dhashaan, biro lagu soo jiido caruurto si loo dhaliyo ama cagaarshowga caruurta oo badanaa usbuuca ugu horreeya ku dhaco. (4-taas shey ayaa ugu horreysa waxyaabaha naafeeya maskaxda dhallaanka).

Sababta 2aad:Hadii hooyadu ay cabtay sun oo sida aad sheegtay gaareysa 1 litre, iyada ayaa ku sumoobi laheed inta aysan uurjiifkeeda ugudibin oo waxaaba dhici karto in hooyadu ku dhimato suntaas laakiin uurjiifka uu ka badbaado xilligaas ay foolanayso.

Caruurta dhallaanka way ka naafowdaa maskaxda wayna dhib badantahay in la garto bilaha ugu horeeya inkastoo ay ku xirantahay dhaawaca maskaxda gaaray heerka uu gaarsiisanyahay waxaana lagu qiyaasaa heerka uu marayo koriinka cunuga jir iyo maskax ahaaneedba "milestones".
Waxaa dhici kara in cunuggo fariisan karo, istaagi karo laakiin uusan hadli karin.
Waxaa dhici karta inuu hadli karo laakiin maskax ahaan uu dambeeyo "mental retarded".

Hadii aad dooneyso inaad faahfaahin dheeraad ah aad ka hesho noocyada dhaawaca ee gaara maskaxda dhameestiran, halkaan ka akhriso.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2433.0.html

Hadii aad qabto su'aalo dheeraad ah halkaan ka sii weydii
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Aox

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
SCWW.

Walaal waxan aad iyo itaal halkan uga mahad naqayaa somalidoc.com oo ka soo jawaabay su' aashaydii ahayd, hadii uu jiro dhakhtar soomaaliyeed oo aqoon gaar ah u leh caruurta lagu dhex sumeeyo uurka hooyadood?! Aad ayaan ugu faraxsanahay inad jawaab fiican ka soo bixisaan arintan! Waxan qof ahaan hadaba ana idiinka marag kacayaa in tusaalooyinka aad ka bixiseen ee keeni kara dhibaatooyinka maskaxeed ay dhamaantood wada jiraan oo ay dhab yihiin.

Waxan hadaba intaa ku sii darayaa, inan erayga '' sun '' ee aan ku daray su' aashaydii hore, uu yahay mid macnahiisa loo qaadan karo ''cabitaanka dhibta inuu keenay loo aanaynayo'', Waana ka dhan kasta markii laga eegay loo qaatay inuu Ilmahan yar maskaxdiisa saamayn ku yeeshay.

Waad ku mahadsan tihiin jawaabta fiican eed ka baxiseen iyo tusaalayaasha aad soo qaadateen, ee waxan raadinaynaa weli oo aan dhawr iyo tobankii sano ee ugu danbeeyay rajaynaynaa inaan helo wax kale, sida cabitaankaa ( sun ama wax kale) oo saamayn ku yeelan kara maskaxda iyo jidhka ilmaha.

Waayo ilmaha maskaxdiisa iyo jidhkiisaba waxani waa saameeyay, inkasta oonu ahayn ilmuhu qof wade naafe ah, hadana waa ilmo ka gaabinaya qayrkii maskaxda iyo jidhkaba. Waxan walaal bal hadana hadii talo kale ama tusaale kale oo weliba waxa la cabayo( sun ama wax kaleba ah) oo lug ku yeelan kara dhinaanshaha maskaxeed cid garanaysaa jirto, fadlan anaga oo og inay aad u adaga tahay bal noo soo tabiyo.

F.G; dacwad ayay arintani tagtay ilaa heer maxkamadeed ah, waalidkii waa cadayn kari waayeen, inkasta oo ifafaalooyin badan oo muujinayay in waalidku run sheegayaa jiray, hadana cadayn ma ay ahayn waalidku ay maxkamada hor geeyeen, waayo CAMERA-VIDEO ma ay qaadan waalidku markii hooyadu umulaysay sida aad adba qiyaasi karto ay ku duubaan waxan hiooyada la cabsiisyay! War bixintii caafimaadkana laguma qorin oo waa laga waayay, waxana dacwada la bilaabay mudo ka dib markii waxani dhaceen, oo waxii dhibta gaadhsiiyay tusaale ahaan cabitaankaa( suntaasi) ay ka baxeen jidhka, hadaba su' aashaydu waxay tahay?

Dhakhtaradeena Somaliyeed ee walaaladeen ah waxan ka codsanaynaa ma hayaan si kale oo lagaga daba tagi karo dhawr iyo toban sano ka dib, waxaas la siiyay hooyadu waxa uu ahaa, anaga oo og in ay aad u adag tahay oo aan anaguba hore u waynay , bal hadana waa talada badsada e?

Gabo-gabada iyo talo walaaltinimo, maxaad waalidkaa odhan lahaydeen ku tol waayay meesha, ee ay naxdintaa iyo arintaas xanuunka badani la soo darisday, ee kaaga darane weliba degan magaaladii waxaasi ku dhaceen ee badanaa suuqa ama banaankaba ku arka dadkii waxaa ku sameeyay, kuwaas oo markay waalidka arkaan FIXADA oo BAXSADA inta ay naxaan ama meelahaa gala? WAA DHAB, MAR ALLA MARKA kuwii waxaas sameeyay arkaan waalidka cagahay wax ka dayaan.

Maxaad kula talin layadeen idinka oo dhan kastaba wax ka eegaya, eed odhan lahaydeen waalidku ha sameeyaan, idinka oo xanuunka waalidnimo ee ay habeen iyo maalin la baaxaa degayaana xasusan?.

Salaama calaykum.

Ilaahay ayaa mahad leh.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Talo ahaan:

Waxaan waalidka ilmahaa dhalay kula talin lahaa inuu ilaah tala saarto isagaa xanuunka keeno isagaana qaado intaa kadib caruurta maskaxda ka naafowdo waxay u baahanyihiin daryeel u gooni ah oo aad iyo aad uga taxadareen wadamadaan hormaray.

Hadii hooyadu ay dagantahay wadan ka mid ah wadamadaan galbeedka ama maraykankaba waxaa jira caruurtaas meelo gooni ah oo lagu xanaaneeyo oo waalidiinta laga siiyo talo dhinac walba ka taabanaysa nolosha ilmahooda.

Waxaa jira xitaa iskuullo gooni ah oo loogu tala galay in caruurtaas wax lagu baro, hadii aad noo sheegtid wadanka aad ku nooshahay waan kula talin karnaa meesha ugu haboon oo aad talo ka heli kartid.

Mahadsanid
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106922
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64464
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29275
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53608
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34516
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca