Author Topic: Su'aal: Maxaa keeno gacmaha iyo lugaha oo ku fiiqfiiqma?  (Read 14160 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Aadaar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 15
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Maxaa keeno gacmaha iyo lugaha oo ku fiiqfiiqma?
« on: December 22, 2009, 10:17:32 AM »
maxaa keeno gacmaha iyo lugaha oo ku fiiqfiiqma  yacni haraga oo ka kaca bilo ama sanad ka dib maxaase lagu daaweeyaa?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keeno gacmaha iyo lugaha oo ku fiiqfiiqma?
« Reply #1 on: January 04, 2010, 10:07:08 PM »
Lugaha ama gacmaha oo fiiqfiiqma waxaa keeni kara xajiin.

Xajiintu waxay dhacdaa marka jidhku uu jawaab ka celiyo shay. Tani waxaa laga yaabaa in ay keento dhibaato yar ilaa mid daran. Waxaa jira noocyo xajiin ah oo kala duwan. Kuwa ugu badan waxay kala yihiin:
# Xajiin hawada ka dhalata sida faxalka, caaryada, dufta xayawaanka guriga ama habaaska
# Xajiinta taabashada sida birta, dheeha ama kiimikooyinka
# Xajiinta cuntada sida ukunta, looska, naatiska, caanaha, soyabiin, di ama kaluunka shellfish
# Xajiinta daawqamaada laga qaado
# Xajiin lama daaweyn karo, laakiin daaweyntu waxay caawino ka geysan kartaa in aad roonaato.
# Xassuuso in biyaha keligood ay noqon karaan kuwa xajiinta sababa
# Yaray wax ku dhiqida gacmaha
# Iska ilaali in maqaarkaagu taabto saabuunta, shaambada, kiimikada wax lagu dhaqo iyo waxyaallaha xajiinta keena
# Isticmaal galoofiska cudbiga ah, halkii aad ka isticmaali lahayd galoofis rabbar ah keliya, markaad ku shaqaynayso biyaha ama xajiin keenayaal kale
# Isticmaal kareemka jirka qooya sida sorbolene ama aqueous ama boomaatada badanaa jirka ku baaba'da
# Isticmaal kareemka maqaarka qooya khaasatan markaad gacmaha dhaqdo ka dib
# Kareemka loo yaqaan cortisone iyo boomaatada dhakhtarku kuu qoro waxaa la isticmaali karaa keliya marka jirku xajiin leeyahay

Xajiinta maqaarka (xajiinta ama eksimada) waa caabuq ku dhaca jirka oo keena in jirku guduuto, cuncun yeesho qolofina fuusho. Maqaarka oo midabyeesha wuxuu noqon karaa beerbal halkii uu ka noqon lahaa guduud ama ku fogaan lahaa midabka maqaarka.

Markay ku dhacdo gacmaha, waxay kaloo yeellan kartaa nabaro farta geeseheeda ah ama calaacasha. Gacmuhu waxay noqon karaan kuwa qalalan oo xannuuna iyo dildilaaca ka muuqda calaacasha iyo wareega faraha.

Gacmaha oo si joogta ah loo qooyo ama qalajiyo, iyo iyadoo saabuun ama waxyaallaha wax lagu dhaqo ama xajiimay-yaalka kale.

Qaybweyn oo ka mid ah maamulida xajiinta maqaarka gacanta waa in laga fogaado waxyaallaha maqaarka xajiinta u keenaya. Kaas waxaa ku jira yaraynta gacan ku dhiqida, taabashada saabuunta, kuwa alaabta lagu nadiifiyo iyo waxyaallaha kale ee milma ama xajiinta leh.

SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55817
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106815
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57782
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62001
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28781
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc