Author Topic: Su'aal:Waa maxay infactionka MRSA ?  (Read 11442 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Saiid6666

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal:Waa maxay infactionka MRSA ?
« on: January 04, 2010, 01:59:45 PM »
                                         salaamu calaykum
walaalayaal waxaan idin waydiin lahaa infactionka MRSA waa infaction noocee ah maxaaa ka dhaxeeya isaga iyo nodur prurigomaxaa lagu gartaa infactionkaan MRSA mala daweeyn karaa walaalayaal fully informaition iga soo siiya

                                     jazaakumulaaahu qayran




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal:Waa maxay infactionka MRSA ?
« Reply #1 on: January 04, 2010, 08:51:15 PM »
Waa maxay MRSA?
“Staphylococcus aureus,” oo sidoo kale loo yaqaano “staph,” waa nooc ka mid ah jeermiyada loo yaqaano bakteeriya. Dad badan oo caafimaad qaba ayaa jeermigan ku sita maqaarkooda iyo sankooda. Jeermiga “staph” badanaa waxa uu maqaarka ku ridaa caabuq/fashfash ah nabaro, finan ama finan dheecaan leh. Caabuqu/fashfashu waxa uu gali karaa meel la qalay, dhiigga ama waxa uu keeni karaa nuumooniya (pneumonia). Haddii caabuqu/fashfashu sii xumaado, caalamadaha waxa ka mid ah daal, lallabo ama matag, neefsashada oo dhib ah, xanuun laabta ah ama garaaca wadnaha oo la gafo.

Methicillin resistant staphylococcus aureus, ama MRSA, waa nooc ah caabuqa/fashfasha “staph” oo ay dhib tahay in la daweeyo sababta oo ah ma dili karaan antibiyootiko badan oo caan ah. MRSA waxa uu caabuq/fashfash ku ridi karaa qayb kasta oo jirka ah. MRSA waxa uu
baryahan dambe soo noqonayaa caabuq/fashfash intii hore ka tiro badan.

Sidee baa MRSA u fidaa?
Qof kasta ayaa qaadi kara caabuqa/fashfasha “staph,” laakiin waxay dadku halis u sii yihiin haddii ay yeeshaan:
• Taabasho maqaar-ka-maqaar ah oo ay la yeeshaan qof qaba caabuqa/fashfasha “staph.”
• Taabasho ay la yeeshaan alaab iyo oogada wax uu dul saaran yahay jeermiga “staph.” Waxa kuwaasi ay noqon karaan qalabka isboortiga, irbadaha maqaarka lagu xardho (tattoo) ama qalab kale.
• Meelo jeexan ama xoqan oo ku yaala maqaarka.
• Xaalado deganaansho ama guri oo ciriiri ah, sida dugsiyada, goobaha daryeelka dheer, xarumaha ciidamada, guryaha dadka qaarkood ama xabsiyada.
• Taabasho jir oo badan sida kooxaha ciyaaraha ama isboortiga.
• Nadaafad xumo.

Baaritaanka MRSA
U tag dhakhtar haddii adiga ama ilmahaagu uu ku leeyahay nabar maqaarka oo aan bogsanaynin ama haddii ay jiraan calaamadaha caabuq/fashfash, sida qandho, xanuun, casaan, diirimaad, barar ama dheecaan ka imanaya dhaawacyo ku yaala maqaarka.
Dhakhtarku waxa uu qaadi karaa qayb ah dheecaanka ama cad laga soo qaado meesha una diri karaa shaybaar si looga baaro MRSA. Waxa kale oo la qaadi karaa qayb ah dhiig si looga baaro MRSA. Waxa kale oo baaritaanka shaybaarku sheegi karaa nooca antibiyootiko ee ugu fiican in lagu daweeyo MRSA.
Ilmaha yar ama caruurta la geeyo Qaybta Daryeelka Siyaadada ah (Intensive Care Unit) (ICU) badanaa waxa laga baaraa MRSA.

Sidee baa loo daweeyaa MRSA?
Badi caabuqa/fashfashka “staph,” oo uu ku jiro MRSA, waxa lagu daweyn karaa antibiyootikada qaarkood.
• Haddii dhakhtarkaagu uu kuu qoro antibiyootiko, waxa si aad muhiim u ah inaad dhamaan dawooyinkaaga u qaadatid sida laguu sheegay, xiitaa haddii caabuqa/fashfashka aad ka soo fiicnaato.
• Haddii kiriim ama dawo maris ah laguu qoro, mari dhamaan nabarada maqaarka, xiitaa kuwa yaryar.
• Haddii uu jiro caabuq/fashfash maqaarka ah, dhakhtarkaaga ayaa sameyn kara jeexis si loo gororiyo caabuqa/fashfashka.
• Marmarka qaarkood waxa laga yaabaa in dhakhtarku dalbo kiriim ama maris gaar ah oo lid ku ah bakteeriyada oo la galinayo sanka ama saabuun gaar ah oo loogu talogalay qubeyska ama maydhashada.
• Ha ka qaybqaadan isboortiga is-taabashada leh ilaa aad caabuqa/fashfashka ka bogsanaysid.
• Wac dhakhtarkaaga haddii aadan ka soo fiicnaan caabuqa inta daweyntu socoto.

Sidee baan uga hortagaa fidinta MRSA?
Si aad uga hortagtid fidinta MRSA iyo bakteeriyada kale:
• In badan gacmaha ku dhaq saabuun iyo biyo ama isticmaal gacmo nadiifiye aalkolo ah, gaar ahaan marka aad taabatid nabar maqaarka ku yaala ka dib.
• Nadiifi wixii ah jeexdin ama nabaro. Ku dabool faashad nadiif ah oo qalalan ilaa ay ka bogsanayaan.
• Ha taaban jeexdinta ama faashadaha dadka kale.
• Ha wadaagin alaabta shakhsiga u gaarka ah sida tuwaalada/shukumaanada, makiinadaha xiirista, dharka ama qalab.
• Nadiifi oogada uu maqaarka qaawani taabanayo sida qalabka jimicsiga, darmooyinka legdinta iyo oogada meelo ah guriga.
• Ku qubayso saabuun jimicsiga ama ciyaarista isboorti ka dib.

Goorma ayay tahay inaan aado dhakhtar?
Aad dhakhtar:
• Haddii xaaladdaadu ama ta ilmahaagu ka sii darto – haddii goobta caabuqu/fahsfashku ku dhacay uu ku soo kordho barar, xanuun ama casaan.
• Haddii adiga ama ilmahaagu yeesho qandho, ay neefsashadu dhib ku tahay ama uu leeyahay calaamado cudur oo kale, sida matag, shuban ama uu markasta hurdo.
• Haddii qof kale oo ka tirsan qoyska uu yeesho nabaro maqaar oo cusub.
• Ilmahaagu uu rabin inuu qaato dawada loo qoray.

Waxaa la sheegaa in xaald kaliya oo cudurka ah Prurigo Nodularis ay keentay MRSA, laakiin garashada labada cudur ayaa la isku qalda badanaaba.

Hadii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na weydii kartaa
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66492
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69513
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62434
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46718
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44974
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc