Author Topic: Maqaar Ku-talaalidda (Skin Graft)  (Read 23965 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maqaar Ku-talaalidda (Skin Graft)
« on: August 09, 2009, 03:52:54 PM »
Si aad gacan uga gaysato gubashadaadu inay bogsato, waxaad u baahan tahay qalliin la yiraahdo maqaar ku-talaalidda (skin graft) oo ah maqaar laga soo jaro xubin jirkaaga ka mid ah dabadeedna lagu tolo meeshii gubatay.
Qoraalkaan ayaa kuu sheegi doonto sababta maqaar kutallaalidda loogu baahan yahay, sida au wax u qabato, iyo waxa aad ka rajeyn kartid.
Gubashadaadi waxay waxyeelo gaarsiisay lakabka ugu hooseeya maqaarka ee la yiraahdo “dermis.”
Maqaarka ugu hooseeya ee jirka waxaa ka buuxa dareemayaal aad u yaryar kuwaasoo dareema taabashada, heerkulka, cadaadiska iyo xanuunkaba.
Lakabka maqaarka ugu hooseeya waxaa kaloo ka buuxa xididada aadka u yaryar ee dhiigga ee la yiraahdo “capillaries.” Markii uu lakabka ugu hooseeya maqaarku gubto, dareemayaashaan yaryari iyo xididadaan dhiigga ee yaryari daahii saarnaa ayaa ka luma oo way qaawnaanayaan. Tani waxay keenaysaa in meesha gubatay aad ugu nuglaaato xanuunka iyo isbadalka heerkulka waxayna u ogolaanaysaa in xididada yaryari dheecaan qubaan.
Lakabka hoose ee maqaarka la’aantiisa jeermis ayaa si sahal ah ugu kori kara sababina kara caabuq.

Maqaar ku-tallaalidda
Maqaar ku-tallaaliddu waxaa uu badalaa maqaarkii gubtay kuna badelaa maqaar cusub. Wuxuu ka hortagaa caabuqa, wuxuuna difaacaa dareemayaasha yaryar iyo xididada dhiigga ee yaryar. Dhaawacaaga maqaarka lagu tallaalay wuu xanuun yaraanayaa qalliinka ka dib.
• Maqaar ku-tallaalidda waxaa la sameeyaa iyadoo maqaar laga soo jaro meel jirkaaga ka mid ah, oo aan guban, loona isticmaalayo in lagu daboolo meeshii gubatay.
• Waxaad aadi doontaa qolka qalitaanka, waxaana lagugu duri doonaa irbadda suuxitaanka guud si aad u seexato inta lagu qalayo.
• Maqaarkii gubtay ee ay waxyeeladu gaadhay waa la soo jari doonaa.
• Dhakhtarkaagu wuxuu meel jirkaaga ah oo aan guban ka soo jari doonaa cad aad uu dhumuc yar/khafiif ah. Maqaarkan waxaa la yiraahdaa maqaar goobta deeqda. Wayna ka qoto yar tahay barta gubashadaada si dhaqsa ahnahuu u bogsataa.
• Waxaa jira laba jaad oo maqaar ku-tallaalid ah:
 Maqaarka wax lagu tallaalo (sheet graft)
 Maqaarka wax lagu tallaalo oo la shaandheeyo si loo kala jiido oo ay u ballaarato oo meel weyn u deeqdo (meshed graft)
• Maqaarka wax lagu tallaalo waxaa la dul saaraa meesha guban oo la nadiifiyey iyada oo ah waslad is wadata. Waxaa lagu dhejiyaa balastar ama dhejis loo yaqaan “steri-strips” ama biro lagu dhejiyo oo qabta.
• Maqaar ku tolitaanka badanaa waxaa lagu qabtaa mashiin qaas ah oo la yiraahdo shaandho-sameeye (mesher). Shaandho-sameeyuhu waxa uu daldalool ku sameeyaa maqaarka la talaalayo, taasoo sahlaysa inuu kala fido. Tani waxay ogolaanaysaa in meel weyn oo gubnayd lagu daboolo maqaar ka yar.
• Marka mashiinku daldalooliyo, haraggii la soo jaray waxaa dusha laga saaraa meeshii gubnayd oo la nadiifiyey waxaana lagu qabtaa biraha maqaarka la’isugu qodbo ama balastarka loo yaqaan steri-strips. Maro shabaq ah ayaa dusha laga saaraa maqaarkii la tallaalay. Waxay ku dhegganaata 7 ilaa 10 maalmood. Waad dareemi doontaa fiilooyinkii lagugu tolay marka lagaa fujiyo dhaymaha ka dib maalinta u horraysa ee lagu qalo.
• Marka maqaarka cusub lagu tallaalo gubitaankaagu badanaa kuma luri doono. Maqaar ku-tallaaliddu badanaa waxay ku bogsataa 7 ilaa 10 bari.

Goobta Deeqda bixisa
• Goobta deeqda bixisay waa dhaawac cusub oo ay samaysay maqaarkii laga soo jaray. Goobta deeqda waxay dareentaa sidii wax gubtay oo kale sababtoo ah dareemayaashii yaryaraa iyo xididadii dhiigga ee yaryaraa daahii difaacaayey ayaa laga xuubiyey. Qalitaanka ka dib, meesha maqaarka laga soo jaray dad badan ayaa ka dareema xanuun ka badan meeshii gubatay.
• Goobta deeqdu waa meesha maqaarka laga soo jaray waxaa lagu dabooli doonaa faashad/dhayitaan la yiraahdo Glucan II, Biobrane ama OpSite. Ee lagu daweeyo dhaawaca iyadu waxay ka difaacaysaa maqaarka dhaawacan inuu dayacmo weyna ku engegi doontaa dhaawaca dushiisa. Waxayna matali doontaa maqaarkaaga inta ay meesha maqaarka laga soo jaray ka bogsanayso. Tani waxay qaadanaysaa 7 ilaa 14 bari.

Daryeelidda maqaar ku-tallaalidda ka dib
• Waxaa lagu siin doonaa daawo xanuun baabi’iye ah si aan kuugu ilaalinno sida ugu suurta galsan ee lurla’aan ah.
• Maqaarka cusub ee lagugu tallaalay aad ayuu u jilicsan yahay. Labada bari ama seddexda bari ee ugu horreyso qalitaanka ka dib badanaa sariirta ayaad saarraan doontaa.
• Inta lagu qalayo waxaa laga yaabaa in dhiig kaa baxo ama waxyar qalintaanka ka dib dhiiggaas oo ka imanayo xididada yaryar ee dhiigga. Dhiigbaxaani waxaa laga yaabaa in loo baahdo beddelkiisa oo dhiig kale lagugu shubo.
• Kalkaalisadaada ayaa kuu sharxi doonta xadka hawl kasta, kaagana jawaabi doonta su’aalo kasta oo laga yaabo inaad qabto.
• Iska ilaali inaad sigaar cabtid ama isticmaashid tubaako. Nikotiinta ku jirta sigaarka ama tubaakada waxay yareyn kartaa dhiigga tagaya dhaawaca, taasoo bogsashada ka dhigi karta mid gaabinaysa.
• Cun cunto si wacan u miisaaman si ay kaaga gargaarto bogsashada dhaawaca.
Weydii dhakhtarkaaga ama kalkaalisada haddii aad qabtid su’aalo ku saabsan cuntadaada.
Maqaar ku-tallaaliddu waa qayb aad muhiim ugu ah bogsasahada gubashada.
La’aanteed bogsashada gubashadu waxaa laga yaabaa inay qaadato bilo, waxaana laga yaabaa inay aad u xanuun badnaato qarkana u fuushid/u saarraatid caabuq.
Fahamka waxa loo baahan yahay in la sameeyo iyo u-hoggaansanaanta awaamiirta dhakhtarkaagu waa tallaabooyin muhiim ah oo lagu gaaro bogsasho.

Haddii aad wax sua’al ah qabtid, halkaan ka weydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Benefits of Drinking Water for Your Skin and body.

Started by Ahmed_07Board Topics in Healthcare

Replies: 4
Views: 29002
Last post August 18, 2012, 10:30:38 AM
by Jimjordan365
Su'aal: Dry skin ka maxaaaa lagu dawayn karaa?

Started by AbiibBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4672
Last post October 16, 2016, 07:16:05 PM
by SomaliDoc
Man's Skin Turns Dark Blue

Started by KassimBoard Health News and Events

Replies: 2
Views: 9298
Last post December 27, 2007, 04:05:38 AM
by Admin
Kansarka Maqaarka (Skin Cancer)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 42629
Last post July 28, 2008, 08:05:34 PM
by SomaliDoc
Ablution prevents skin diseases

Started by Terror manBoard Islam and Medicine

Replies: 1
Views: 18556
Last post July 08, 2010, 08:34:03 AM
by Abrillgreen