Author Topic: Su'aal: KU SAABSAN CABISTA SHIISHADA  (Read 22819 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline MAHAD CADDE

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: KU SAABSAN CABISTA SHIISHADA
« on: January 14, 2010, 11:06:38 AM »
AS.C

AAD BAN IDIIN SALAAMAYAA MAR KALE

Waxaan rabey bal inaan ini weydiiyo suaal, Maalmahan waxaad moodaa in uu aad usoo badanaayo Isticmaalka Bahasha lo yaqaano Shiishada oo Carabtu aad u istmaali jirtay qarniyaal marka cilmi durugsana uma lihi waxey ka kooban tahay sida cover-ka ku qoran tubbaco+midho sida tufaaxa malab wey sheegaan +nicotiin oo qabatin wey leedahay bahashu & xaraarad.

dulucda suaasha waxey tahay saameen caafimaad intee la eg ayay ku yeelan kartaa jidhka baniaadamka.

allaha idiin barakeeyi cilmigiina umada aad ugu faaideysaan

Mahadsanadiin

Mahdi




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Halista Caafimaad ee Shiishada (Dangers of Hookah)
« Reply #1 on: November 06, 2014, 05:48:36 PM »


Dadka badankood khaasatan dhalinyarada shiishadda cabto, waxay aaminsan yihiin in ay ka dhibaato yartahay cabidda sigaarka.
Taasi wax ka jira ma lahan, dhibaatadu waa isku mid, mararka qaarne shiishadda ayaa halis badan khaasatan cudurrada ay kala qaadi karaan dadka isla dhuuqo oo ah halis ay shiishaddu dheertahay sigaarka.

Shiishadu waxay keentaa dhowr halis oo u kala horeeyo sidatan:
  • Kansarka: kansarka laga qaado shiishada waxay ka timaadaa siyaabo dhowr ah, maadada nicotine-ka oo shiishada ku jirto sida sigaarka oo kale, una sabab ah kansarka ku dhaco sambabada, tan labaad qiiqa dhuxusha ka baxayo oo isagane sababada aafeeyo oo la ogaaday xittaa hadduu biyo soo dhexmaro in halista ay sideeda u jirto, dadka joogteeyo cabista shiishadda waxay halis ugu jiraan kansarka sambabka, kaadiheysta iyo midka afka ku dhaco.
    Hal saac oo aad shiishad cabtid waxay u dhigantaa 400 oo sigaar adigoo cabay, dadka aaminsan inuu sigaarku dhib badan yahay, waa dad iska indhotirayo halista shiishadda ama dad been loo sheegay.
    Waxaa kaloo la arkay in kansarka ku dhaco afka uu ku badan yahay dadka shiishada cabo markii loo fiiriyo dadka sigaarka cabo.
  • Wadna qabadka: Shiishada waxay si sahlan u xirtaa, una xannibtaa xididada wadnaha, dadka shiishada cabo way ku badan tahay wadna istaagga markii loo fiiriyo dadka sigaarka cabo.
  • Cudurrada ciridka: Maadada Nicotine iyo Cotinine oo shiishada ku jiro waxay waxay dhaawacdaa ciridka, waxayna keentaa caabuq ciridka ku dhaco.
  • Caabuqyada: Shiishada lagu cabo maqaayadaha iyo dukaamda waxaa lagu kala qaadaa cudurro badan oo ay ugu horrayso Tiibishada oo aniga ayaaba la kulmay laba dhalinyaro oo ku kala qaaday Tiibishada / Qaaxad aan daawada karin "MDR-TB", waxaa kaloo lagu kala qaadaa infekshan ku dhaco sambabada oo uu keenjo jeermiska fangaska loo yaqaano "Aspergillus", fangaskaan oo xaaladaha badankood qalliin sambabada u dambeeyo, waxaa kaloo lagu kala qaadaa bakteeriyada gaaska keento ee "H. Pylori", akhriso bakteeriyadaan waxa ay tahay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3391.0
  • Dhallaan miisaan yar: Hooyooyinka shiishadda cabo iyagoo uur leh waxay dhalaan ilmo dhicis ah oo miisaankoodu aad u yar yahay, waxayna ilmahaas ku dhashaan cillado xagga neefsiga ah.
  • Duqoobis dhakhso ah: Shiishadda waxay qofka u ekaysiisaa inuu dhakhso duqoobayo, waxay maqaarka khaas ahaan kan wajiga u yeeshaa laalaabkii duqnimada.
  • Howlgabka kacsiga: Shiishadu waxay yaraysaa hamiga ragga, waxayna hoos u dhigtaa dareenka, akhriso qoraal ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=625.0

Fadlan jooji haddaa shiishad cabtid, haddii aadan cabin oo aad la sheekeysatid qof caba, ka ag fogow markuu shiisahda cabayo maadaama halista isaga soo gaarayso aad si sahlan kula wadaagi kartid, akhriso halista shiishadda iyo sigaarka kaa soo gaari karto adigoo cabin: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5796.0

Haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal ku saabsan jirka dhexdiisa iiga socdo hawo guureyso?

Started by Maxamed1969Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18572
Last post August 13, 2010, 03:34:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha iyo wax yeelada uu ugeeysto qofka qabo?

Started by DeeriusBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27862
Last post October 27, 2012, 09:40:12 PM
by SomaliDoc
Warbixin guud oo ku saabsan waxbarashada ee dalka masar:

Started by Dr.HabiibBoard I want to Study Medicine

Replies: 0
Views: 23846
Last post September 04, 2011, 04:19:01 AM
by Dr.Habiib
Su'aal ku saabsan xubinta taranka raga iyo yiridka?

Started by AadaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 19897
Last post October 02, 2010, 08:11:06 AM
by SomaliDoc
Su'aalo ku saabsan siigeysiga iyo finanka wajiga?

Started by SeidBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48738
Last post February 24, 2011, 10:54:29 AM
by SomaliDoc