Author Topic: Su'aal: Jilib Xanuun?  (Read 14800 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Csamad01

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Jilib Xanuun?
« on: July 06, 2011, 06:18:22 PM »
Dhakhtar assalamu allaykum wr wb,

Salaan ka dib dhakhtar waa ku mahadsantahay jawaabaha wanaagsan aa ina soo siisid, Dhakhtar waxaan rabaa inaa su'aal ku weydiiyo oo ku saabsan jilibka,

Aniga kubad ma ciyaaro (Banooni IWM) waxaan maanta isku arkay arin yaab leh oo ah jilibkayga maanta anigoo fadhiya xanuun i haynaayo ilaa 20-30 Seconds inuu jilibka iga qabto hadane baaba'o, hadane soo noqnoqonaa markasta sidaas la ii qabanaa, xanuunkane waa mid aniga dhan aan dareemaayo xataa hadii aa fariisto waan dareemaa jilibka xilliga uu xanuunka i haayo.

Dhakhtar meesha jilibka iga xanuunayso waa wareega jilibka meesha uu kalaabmaayo oo lafta wareega ah, waana lugta midigta kaliya, hadii aan banooni ciyaari lahaay waxaa is dhihi lahaay waa jug ku gaartay ama kugu soo kacaysa tan wayba ka duwan tahay markii xanuunka i qabanaayo waxaad moodaa CIRBAD in la iiga duraayo meeshaas xanuun aad iyo aadna waa i qabanaa ilaa mudo 20-30 sec ka dib wuu baxaa hadane ilaa nus saac ka dib hadane wuu soo noqonaa.

Marka dhakhtaroow hadii aa taqaanid sababha waxaas keenaayo ii sheeg fadlan.

Mahadsanid Dhakhtar.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Jilib Xanuun?
« Reply #1 on: July 10, 2011, 07:57:23 PM »
Xanuun mudac oo kale ah oo laga dareemo kalagoyska jilbaha waxaa keeni karo dhowr cudur oo ay ka mid tahay:

"Tendinitis" oo ah macanihiisu in seedaha ku jira jilibka ay caabuqaan, seeduhu waxay isku hayaan murqaha iyo lafaha jirka, waxay ka dhalan kartaa jug gaartay ama dillaac ku yimid, iyadoo qasab aysan ahayn in qofku uu ciyaaro banooni ama jimicsi kalaba, xanuunku wuxuu socon karaa in muddo ah isagoo aan is badalin, kalagoysku sifican uma fidsamaayo oo xanuun ayaa ku qabanayo, xanuunku wuxuu daranyahay markaa kadalloobsato ama booddo.

"Gout" waa cudur ku dhaca dadka waaweyn oo xanuunkiisu uu kadis yahay lagana daremeo karo jilibka iyo meelo kalaba sida cagaha weliba habeenkii ayuu badanyahay wuuna soo laalaabtaa, wuxuu kaloo yeelan karaa raaxo darri xagga jilibka ah, barar iyo gaduudasho la dareemo, waxaa keeno cudurkaan walxo ku bato jirka oo kalagoysyada fadhiisto kuwaasoo sidii cirbadihii qofka mudo.

"Torn Cartilage" Carjawda oo dillaacda waxay keentaa xanuun mudac oo kale ah, barar iyo daqnasho marki jilibka la taabto, waxa kaloo wadataa dhawaaq la dareemayo markii aad jilibka ka shaqaysiisid taasoo tilmaam u ah in xajiyadai kala hayay lafaha in ay jeexmeen.

"Arthritis" caabuqa kalagoyska wuxuu kaloo leeyahay xanuun mudac oo kale ah, waana xanuunka ugu badan oo keena calaamadaha aad ka cabanayso wuxuu noqon karaa, Riix "Osteoarthritis" ama Roomaatiisam "Rheumatoid Arthiritis".

Cudurradaan waxaa lagu kala saari karaa in takhtar uu ku arko, kuuna diro baaritaanno dhiig iyo mid raajaba.

Xanuunnada kalgoysyada ku dhaca waxqabadkoodu wuu sahlanyahay markii billow uu yahay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33225
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32263
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23458
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41587
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29388
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc