Author Topic: MAXAA KA OGTAHAY Shaqaalihii Caafimaadka ee lagu dilay Soomaaliya 1991 - 2009?  (Read 49768 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Laga bilaabo 1991 markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxa inta badan gobolada koonfureed ee Soomaaliya ka holcayey dagaalo sokeeye oo galaaftay nolosha kumanaan rayid ah oo la diley iyagoon waxba galabsan.
Si kastaba ha ahaatee kumanaankaas shacabka ah ee ku dhintay dagaaladaas weli socda waxa ka mid ahaa xirfadley caafimaad oo iskugu jirey dhaqaatiir iyo kal kaaliyeyaal caafimaad oo Soomaali iyo ajnabiba leh kuwaasoo iyana lagu diley Soomaaliya iyagoo inta badan faraha kula jiray howlihii muhiimka ahaa ee ay bulshadooda u hayeen.

Shaqaalihii caafimaadka ee lagu diley Soomaaliya waxa ka mid ahaa.

# Dr Maxammed Warsame Cali oo ahaa dhaqtar si gaar ah ugu taqasusay cudurada haweenka (gynecology) intii aanay burburin dowladii dhexe ee Soomaaliyana ahaa agaasimihii cisbitaalka Banaadir waxa 11 nov 1992 ka afduubay cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka SOS ee magaalada Muqdisho maleeshiyooyin ka tirsanaa kooxdii jeneral Maxamed Faarax Ceydiid waxana meydka Dr Warsame markii danbe laga helay goob ku taala magaalada Muqdisho.

# Dr Mohammed Musa Sugule oo u shaqeynayey heya, da MSF waxa 8 dec 1992 ku diley magaalada Kismaayo maleeshiyooyin ka tirsanaa jabhadii SPM ee uu madaxda u ahaa Axmed Cumar Jees. Dr Sugule oo ka mid ahaa dad gaarayey 126 qof oo ay habytooda qabiil dartood Kismaayo ugu laayeen maleeshiyadii Axmed Cumar Jees intii u dhexeysay 8/10 dec 1992 waxa dilkiisa saxaafada u bandhigay sarkaalkii heystay Unicef Kismaayo oo lagu magacaabi jirey Sean Devereux kaasoo ay isna 2 Janaayo 1993 Kismaayo ku dileen isla maleeshiyadii Axmed Cumar Jees. (Xasuuqii Kismaayo fiiri: Human Rights Watch, Somalia beyond warlords The Need for a Verdict on Human Rights Abuses 1993 ama Alison Mitchel U.S. Army Investigating Killings in a Somali Port january 5 1993  The New York Times )


# 20 Feberaayo 1993 waxa maleeshiyooyin Soomaali ahi ay jidka isku xira Xamar iyo Baydhabo ku dileen Valerie Place oo aheyd kalkaaliso 23 jir ah oo u dhalatay dalka Ireland una shaqeyneysay hey ,ada Concern

# 31 Ogoosto 1994 waxa cisbitaalka magaalada Baydhabo lagu diley 3 dhaqtar oo Hindi ah ka dib markii nin Soomaali ah uu banbo ku qarxiyey qol ay ku jireen.

# 22 Oktoobar 1995 waxa magaalada Marka lagu diley Graziella Fumagalli oo aheyd haweeney madax ka ah cisbitaal lagu daweeyo cudurka TB oo ay maamuli jirtey hey, ada Caritas Italinana.

# 20 June 1997 waxa magaalada Baydhabo lagu diley Dr Ricardo Marques oo ahaa dhaqtar Boortaqiis ah oo u shaqeynayey hey ,ada MSF.

# Bishii Janaayo 1999 waxa agagaarka degmada Garbohaarey ee gobolka Gedo lagu diley Dr Manmohan Bhogal oo ahaa dhaqtar xoolaha daweeya oo u shaqeynayey hey, ad Talyaani ah oo lagu magacaabo Terra Nuova. Dhaqtarkan waxa markii la dilayey uu ku howlanaa barnaamij xoolaha looga talaalayey cudurka Dabakaruubka ee laaya Lo,da (Rinderpest)

# 15 Septmebar 1999 waxa niman hubeysani ay agagaarka degmada Balcad ku dhaawaceen Dr Ayuub Sheekh Yarow oo ahaa dhaqtar u shaqeynayey hey,ada Unicef. Dr Ayuub oo markii la dhaawacayey ku howlanaa barnaamij talaalka caruurta ah waxa uu 16 septembar 1999 u geeriyooday dhaawacii gaarey iyadoo lagu daweynayo cisbitaalka Keysaney.  

# 28 April 2001 waxa niman hubeysani ay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen Dr Daahir Sheekh Axmed oo ahaa dhaqtar bartay (Radilology) oo ka shaqeyn jirey cisbitaalka Mount Sinai ee Muqdisho.

# 4 july 2003 waxa niman hubeysani ay iridka cisbitaalka Mount Sinai ee magaalada Muqdisho ku dileen Dr. Husayn Muhammad Nur oo ahaa dhaqtar ku taqasusay cudurada indhaha. Dr Huseyn oo dib ugu noqday Soomaaliya 1990 waxa uu ka mid ahaa dhaqaatiirta faro ku tiriska ah ee ku adkeysanayey iney umadooda u sii shaqeeyaan. (Dr Xusseen waxa ay walaalo ahaayeen Xassan Maxamed Nuur Shaatigaduud)

#  7 Oktoobar 2003 waxa magaalada Boorama lagu diley Dr Annalena Tonelli oo aheyd haweeney 60 jir ah oo maamule ka aheyd cisbitaal lagu daweeyo cudurka qaaxada TB. Dr Tonelli waxa ay Boorama ka shaqeyneysay tan iyo 1994.

# 23 Oktoobar 2005 waxa nin hubeysani uu magaalada Kismaayo ku diley Dr Cabdi Maxamed Aadan oo ahaa dhaqtar reer Kismaayo ah oo ka shaqeynayey xarun caafimaad oo ku taala Kismaayo.

# 17 Septembar 2006 waxa niman hubeysan oo ka tirsanaa xarakada Alshabaab ay cisbitaalka SOS Muqdisho ku dileen sister Leonella oo magaceeda dhabta ahi ahaa Rosa Sgorbati. Haweeneydan oo dadeedu aheyd 60 jir caruurta ku xanaaneyn jirtey cisbitaalka SOS waxa ay Soomaaliya ka shaqeyneysay mudo 38 sano ah.

Inkastoo madaxda kooxihii maxkamadaha ee waqtigaa heystay Muqdisho ay balanqaadeen in ay sharciga soo taagi doonaan ragii dilka fuliyey hadana taasi ma dhicin.  

#  27 June 2007 waxa niman hubeysan ay degmada Ceelberde ku dileen Dr Maxamed Muuse Cali oo ahaa dhaqtar u shaqeynayey hey,ad lagu magacaabo International Medical Corps.

# 11 Oktoobar 2007 waxa niman hubeysani ay goob caafimaad oo ku taala magaalada Muqdisho ku dileen Dr C/llaahi Cali Xalane (Dr Cigaal).

# 28 Janaayo 2008 waxa qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay magaalada Kismaayo ugu geeriyooday Dr Victor Okumu oo ahaa dhaqtar Keenyaan ah oo u shaqeynayey hey, ada MSF. Dr viktor oo taqasuskiisu ahaa qaliinka haweenka dhalaya (obstetrics surgeon) waxa la geeriyooday Damien Lehalle oo ahaa nin Faransiis ah oo qaabilsanaa saadka iyo Maxamed Cabdi Cali Bidhaan oo ahaa darawalkii ku waday baabuurka.  

# 3 Dicembar 2009 waxa qarax lala beegsaday xaflad qalin jebin ah oo ka dheceysay Hotel Shamo ku dhintay 22 qof oo uu ka mid ahaa Dr. Maxamed Warsame Shahiid. Weerarkan oo dadkii ku dhintay ay u badnaayeen arday ka baxday jaamacada Banaadir qeybteeda caafimaadka waxa kale oo ku dhaawacmay dhaqaatiirta kala ah. Dr. C/llaahi Xasan Maalin oo ahaa Agaasimihii Isbitaalka SOS ee Muqdisho, Dr. Tahaliil Cabdi Afrax, Dr. C/llaahi Sheekh Xuseen (Bushkuleeti), Dr. Maxamed Maxamuud Bidey iyo Dr. Wehliye  

Tixraac.
------ Human Rights Watch, Somalia beyond warlords The Need for a Verdict on Human Rights Abuses 1993
------ Alison Mitchel U.S. Army Investigating Killings in a Somali Port january 5 1993  The New York Times.
------ Médecins Sans Frontières. Three MSF aid workers killed in serious incident in Kismayo, Somalia, 28 January 2008.
------ Dennis King, Chronology of Humanitarian Aid Workers killed in 1997 – 2001 reliefweb Int 2002,
Reuters Suicide bomber kills three Somali ministers dec 3 2009

Qalinkii Abdulahi M. Osman
Sweden
Wixii talo ah ama tusaale iigu soo dir
Ugaas1@msn.com

Wixii aan qalday halaga raali ahaado wixii aan ka tagayna sixid u furan waxanan maqaalka ku soo gunaanadayaa

"Arladeena dahabaa iliilaha ka jiifee
Hadaan aalad baartiyo aqoon lagu fulshaa jirin
Il miyaan wax uga guri
Intaan oday ku faaniyo kala aano gudashiyo
Qabiil ururiheynaa asaageen na dhaafaye
Amaah nalagu caayiyo caawimaad ajnabiyoo
Aflagaado dabotaal qaran kuma aflaxayee
Na taageer alahayoo"

Cabdulle Raage Taraawiil

Ilaahow Nabad Nabad iyo Cadaalad

Source: http://www.xusuus.com/


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


Offline Shenamic

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 44
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
That is heart-breaking. Why were they killed? I think killing "Birimagaydo" is prohibited in Somali culture. Those Death Dealers don't care about how long-lasting cultural practices. God Curse them!

Offline Cabdiqani_ysf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
walaahi waa arin aad iyo aad u xun oo murugo leh somaaliyi iyaad is dabargoysay
somaaliya waligeed soo noqon maysi ilaa qabyaalada faraha laga qaado

Offline Mo Digdig

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Xasbuna Allahu wa nicmal wakiil!

Somaali way indho tireen, welina wuu socdaa gumaadka dadka aqoonyahanada, dhaqaatiirka iyo qof kasta oo wax u qaban kara bulshadooda.

Aniga waxaan hubaa dadkaas  dilkooda danbiilo yaalkii ka danbeeyay inay u shaqeynayeen cadowga umada Soomaaliyeed.

Insha Allah, waa laqaban maalin Ama tii Ilaahey ayaa sugeysa aduun iyo akhiroba.


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55903
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162210
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57918
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62239
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28943
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc