Lichen Planus waa cudur maqaarka ku dhaca oo caan ah. wuxuu magaca cudurka ka soo jeedaa luqadda geriiga (Lichen= waa geedka loo yaqaano Tree-moss iyo Planus= oo ah Siman ama fidsan).
Waa cudur cuncun wata iyo furuuruc purple ah oo ka soo baxa agagaarka jalaqlayda, shaanshada, dhabarka qeybtiisa hoose iyo saxaaxa.
Wuxuu kaloo ka soo baxaa afka iyo ciridkaba.
Furuuraca markii la xoqo way isku badalaan baro-baro wayna adkaadaan.
Waxa keeno cudurkaan lama yaqaano laakiin waxaa kiciyo qaadashada daawooyinka qaar sida daawada malaariyada.
Waxaa lagu daaweeyaa bamaatooyin la marsado oogada wuxuuna cudurka badanaa baaba'aa 6 bilood ilaa 2 sano gudahood.