Author Topic: Su'aal: Xabad xanuun?  (Read 11297 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Umu- Caisha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xabad xanuun?
« on: July 02, 2015, 03:54:48 PM »
Asc wr wbr doctor. Doctor Su'aashaayda waxa ey tahay waxaa jira xanuun muda iga haaya xaga feeraha iyo shoulder blade. Xanuunkaas waxaa dareemaa markaa dhaqdhaqaaya iyo aniga oo aan dhaqdhaqaaqeynba. Waxaa dhacda in xanuunkaas markuu i soo qabanayaa in labda naas ibararaan oo i damqadaan iyo shoulder blade-kane i xanuuna oo aan daal badan ka dereemo. Dhakhtar xanuunkaan mudoo dheer buu ihaayaa laba marne dhakhtar waa lakulmay wadaankaan jooga  ee Sweden ah.Labada mar markii u horeysay dhakhtarka waxa uu iga qaaday dhiig waxa uune dhahay waxaan ku haayaa ku ogaanayaa markuu isoo jawaabayne waxa uu i dhahay waxa kuhaaya ma leh waad fiicantaahy aniga xanuunka ayaa dareemayaa wali. Mar kale oo lakulmay dhakhtar kale sanadkaan bilowgiis. Dhaqtarka waxa uu sameeyay dhiigeyga ayuu cabiray kadibne waxa uu kaloo sameeyay wadnaha ayuu qalab iga saaray oo lagu fiirinaayay wadnaheyga sida uu yahay markii la iisaaray kadib waxa uu dhahay wadnahaaga sidii la rabay ayuu u shaqeynayaa. lkn waxa uu soo qoray bamaato voltaren la dhaho kadibne waxa uu igu dhahay 2 week isticmaal oo naasaha iyo shoulder bladeka marso subax iyo habeenba kadib markaa sidaas sameeyay xanuunkii iyo naaso bararkii wuu i daayay alhamdulilaah. oo xanuunka 6 bil ayuu iga maqnaay hada hadane bishaan buu igu soo bilaabmay in naasuhu dhagax i noqdaan oone i damqadaan xabadkane i xanuuna iyo shoulder blade kaba. Dhakhtarow xanuunkaan aan ilaa hada dhaqaatiirta wadaan jooga dawa rasmi ah ii sii la'a yihiin maxaa waaye. Dhakhtarow waxaan kaloo horay isku arki jiray subaxii markaa cadeysanaya in xaakadeyda wax madow soo raaacda inkastoo aan mudadaan dambe arkin laakin maxaa keena in xaakadu midab madow soo raaca maraarka qaarkiis? Dhaqtarow xanuunkaan aan xabadka iga haaya waxaan isku arkaa daal badan oo aan wax ka qabsan karin iyo kuleel iyo cirri iiga imaanaya agga gaarka xabadka iyo hoosta shoulder blade-ka, dhaqtarow calaamadaan aan kuu sharaxay bal cuderkee wata? Waxaa isku arkay markuu xanuunkaas ihaaya waxaa sameeyaa shower baa qaataa oo markaas meeshii xanuunka iga haayay bilo kulul baa ku furaa dhaqtarow xanuunka waa uu idaayaa oo kadib baa nafisaa oo wax qabsan karaa unane muuqdaa qof caafimaad qaba. Dhakhtarow jawaabta ii soo dadaji ilaahey ajar bada badan hakaa siiya sida quruxda badan oo aad umadaada u caawineyso.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xabad xanuun?
« Reply #1 on: July 03, 2015, 12:57:45 PM »
Salaan ka dib, marka hore warbixinta dhameestiran aad ka bixisay xanuunkaaga waad ku mahdasan tahay.
Xanuunka qaabka uu kuu hayo waa mid murqaha la xiriiro, garabka qebtiisa gadaale, xabadka iyo murqaha naasaha ay ku fadhiyaan, waxayna u sii badan tahay "inflammatory disorder" oo ah macnaheeda hur ama balbal ku dhaca murqaha kaas oo keena barar, daqnasho iyo xanuun.

Xanuunno badan ayaa keeni karo in murqaha ku dhacaan, qaar waxay la xiriiri karaan cillad roomaatiisam, qaar waa neerfaha murqaha quudiyo, qaar waa unugyada ama nudaha muruqa oo xanuunsda.

Si loo kala sooco nooca uu yahay waa in lagaa qaado baaritaanno dhowr ah si loo kala sooco, way fiicnaan lahayd in aan ogaado baaritaanka lagugu sameeyay nooca uu ahaa.


Midda xigta way dhib badan tahay in xanuunadaan lagu kala sooco cabashada bukaanka ama xittaa wiisiteynta ama muuqaal baarista, waa in baaritaanno dhiigag la qaadaa.

Fadlan qoraalkaan hoose waxuu fikrad kaa siinayaa xanuunada murqaha ku dhaco: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html

Markii aad akhrisatid qoraalkaan iyo qoraallada kale ee ku hoos qoran, wixii su'aalo kaaga soo baxo ama talo dheeraad aad u baahato na soo waydii.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Umu- Caisha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Xabad xanuun?
« Reply #2 on: July 04, 2015, 06:17:11 AM »
Asc Doctor, marka hore aad iyo aad baa kaaga mahad celinaya sida qaayaba badan ee aad xanuunkaan aan aniga iyo dhakhaatirta wadankaanba fahmi weynay igu sharaxday. Aad baa u fahmay doctor sharaxaada aad iga siisay laakin doctor wali su'aalo baa ka qabaa sharaxaada aad baxisay. Doctor marka hore aan kuu cadeeya baritaanka aad i weydiisay nuuca uu ahaa, doctor ka dambe aan u tagay waxa uu igu sameeyay maritaan ah "ecg examination". wadnaha buu qalab iga saaray taas uu ku fiirinaya in wadnaheygu sidii la rabay u shaqeynaya, markuu arkayne in wadnuhu caafimaad qabo waxa uu ii qoray uun bomaatadii aan magaceeda markii horay xusay "Voltaren" in kastoo taas ey i cawisay muda 6 bil ah.

Dhaqtarkan dambe kii  ka horeeyay ee aan lakulmayne markaan u sharaxay waxa aan dareemay waxa uu iga qaaday dhiig taas uu ku fiirinaya cudurkaan waxa uu yahay laakin asigiine markuu ii soo jawaabay waxa uu i dhahay waad fiicantahay ee bax. Doctor marka su'aalaheyga waxa ey yihiin. Doctor kastaan u taga wuu i fahmi la'yahay anigane xanuunkii baa la darsanahay, labadii doctor aan la kulmayne wax jawaab ah oo aan ku ogaada xanuunka ihaaya wali mar arag. waxaane aamisanahay doctor kale hadaan xitaa aada  in uu fahmi kareyn xanuunka ihaaya. Mararka qaarkiis waxaaba is dhahaa tolow dhaqaatiirta wadankaan aan joga tolow ma magaca kaliyee doctor kayihiin!!

Doctor xanuunka nuucaan ee ihaaya baaritaan qaabkee buu doctorka ku ogaan karaa? Dawadiisa maxey tahay? Chest physiotherapy dawadiisa ma noqon karaa? xanuunku hadii la daweeyo si rasmi ah ma bu baxaa mise waxa uu noqon karaa mid qofka noloshiisa ku soo noq noqda? Xanuunkaan nolosheyda maalmeedka ah saameyn intee la eg buu kureebayaa? Xanuuna kale ma uu reebaa? Doctorkii dambe ee bomaatadii Voltarenka ah ii qoray ee lixdii bil xanuunka iga caawisay tolow doctor bomaatadaa xanuunka maxey kacaawisaa ama ku sameysay? Doctor waxaan kaloo kaa ilaaway in aan ku weydiiya iyadane si doo kale in aan sanadkii mar inkastoo ey sidaad u badneen in aan labada knee ama jilbaha aan iyadane daal iyo xanuun sidaas oo kale ka dareema, tolow xanuunkaan ma is lehyihiin? Su'aasha u dambeysay, dhaqaatiirka si kasta ee aan u sharaxa xanuunka ihaaya wey i fahmi la'yihiin aniga aad baaa xanuunkaas ula liita bal maxaa xal  ah oo aan baaritaan nuuca aan ku sameynaya iyo tolow sidee dhaqtarka u fahmasiiyaa xanuunkaan waaba isku wareersan nahay?

Ps, inkastoo doctor aannan arkinjawaabta  suaasheyda aheyd xakada waxa madow sooraaca maraarka qaarkiis waxa ey taahy iyo waxa sabaab?

Ilaahey hakaa abaal mariya doctor.
 

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xabad xanuun?
« Reply #3 on: July 08, 2015, 03:28:31 PM »
1- Sida caadiga ah markasta uu qofka ka sheegto xanuun xabadka ah waa in meesha laga saaraa shakkiga in wadnaha ay cillada ka socoto maadaama uu yahay waxyaabaha in si dhakhso ah wax looga qabto ay tahay, sidaas darteed ayuuna dhakhtarka kuu saaray E.C.G-ga.

2- Bomaatada Voltaren ee aad ku fiicnaatay waxay ka mid tahay warbixinta aan wax ku dhistay markaa ii sheegtay, waana bamaato loo qaato xanuunada murqaha ama lafaha ku dhaco, waxayna ka samaysan tahay maaddo ka hortago balbalka ama hurka murqaha iyo seedaha "anti-inflammatory", waana sababta aad ugu fiicnaatay muddo 6 bilood ah.

3- Xanuunada murqaha ku dhaco sida aan horay kuugu sheegay way kala duwan yihiin wayna kala dhib badan yihiin, daaweyntuna way kala duwanaan karaan, bamaatada lagu siiyay waa xanuun baa'biye kaalmaati ah, cillada haddii aan la ogaan, xal sax ah lama gaari kaaro, si loo ogaadane waa in baaritaan dhowr ah lagu marsiiyo takhtarka ku baarayane uu fikrad ka heysto xanuuanda uu kaa baarayo waxa ay kala yihiin, tusaale ahaan takhtarkii hore aad u tagtay qaabka uu ku billaabay way saxneyd in wadnaha uu kaa fiiriyo kadibne daawo murqo xanuun ku siiyay, laakiin waxaa lagaa rabay in aad isaga ku laabato oo ku tiraahdo, murqa xanuunkii wuu igu soo laabtay sida uu kuu qabayane in aad u sheegtid iyo in aad dareensan tahay in murqo xanuun caadi ahayn, kadib ama baaritaan dheeraad ah ha kuu diro ama dhakthar kale ha kuu xawilo, maxaa yeelay in aad dhakhtarkaagii hore u sheegtid in bamaatadii aad muddo kooban ku fiicnaatay waxay ka caawinaysaa in uu xal kale kuu raadiyo, laakiin haddii aad hadda dhakhtar kale u tagtid inuu waxba kuu qorin ama uu faahmi waayo cabashadaada ama xanuun baa'iye kale kuu qoraa dhici karto.

4- Aniga xanuunka nooca uu yahay ma kuu sheegi kari laakiin xanuunada aan kaa baari lahaa waa kuwa roomaatiisamka la xiriira, wayna fara badan yihiin mana ahan roomaatiisamka ay soomaalida taqaanno oo lafo xanuun kasto roomaatiisam la iska dhaho, haddii aad heli karo dhakhtar ku taqassusay cudurradaas oo la yiraahdo "Rheumatologist" waa qofka ugu habboon ee ku caawin karo.
Baaritaanada uu kuu diri doono waxay u badnaan doonaan dhiig, waana dhowr baaris.

5- Physiotherapy waa jimicsi murqaha loo sameeyo waa laga yaabaa in aad ku fiicnaato laakiin wuxuu noqonayaa mid ku meel gaar ah, waana sababta in xanuunkaaga aad ogaato muhiim u tahay.

6- Dhakhtarka sidaa u fahamsiinayso waxay tahay in aad u sheegtid inta aad soo xanuunsanayd iyo qaabka uu xanuunka aad u dareemayso iyo daawooyinka aad qaadatay iyo waxtarkooda intuu la ekaa, waana muhiim in aad takhtarka u sheegtid in laabatooyinkane aad ka sheeganaysid.
Waa muhiim in aad u tagtid dhakhtar "Rheumatologist" ah sida ay aniga ila tahay ama takhtar "Physician" ah oo fikrad ka heesto xanuunadaas, maxaa yeelay baaritaannada aad u baahan tahay dhakhtar GP ma baaro meesha aad ku nooshahay mana kuu sharxi karo, waa inuu kuu xawilaa takhtarka uu is leeyahay waad u baahan tahay.
Sax ma ahan in aad takhtarka liis baaritaan ah aad u geyso kadibna ka codsato in uu kaa baaro hadduu isaga ka qanacsanayn baaritaanka aad u baahan tahay marka isku day in aad sifiican ugu sheegato xanuunkaaga, wayna dhaci kartaa in xanuunada meesha aad joogtid iyo meesha aad ka timid ay kala duwanaadaan taasna waxay keentaa in takhtar uu aqoon u lahayn ama uusanba ku baraarugin xanuunka nooca uu noqon karto.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33251
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32299
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23494
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41611
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29413
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc