Author Topic: Su'aal: Waa maxay xanuunka Fibromyalgia?  (Read 81019 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline Jokob

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Waa maxay xanuunka Fibromyalgia?
« on: March 22, 2010, 07:38:55 PM »
suaal waxaan rabaa inaan wax ka ogaado xanuunka la yiraahdo fibromyalgi,waxa keeno iyo inuu daawo leeyahey.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay xanuunka Fibromyalgia?
« Reply #1 on: April 02, 2010, 09:24:03 PM »


Fibromyalgia waa lafo iyo murqo xanuunka ugu caansan markii laga reebo riixa "Osteoarthritis".
Badanaa xanuunkaan waxaa lagu qaldaan xanuunnada kale sida riixa, roomaatiisamka iyo lafa xanuunnada kale.

Fibromyalgia waa xanuun raaga oo keena xanuun, tigtignaan, danqasho murqaha, seedaha iyo kala-goysyada.

Fibromyalgia waxay ka koobantahay laba eray oo kala ah:
Fiber: Miiqo ama Liif
Myalgia: Murqo xanuun.

Waxaa kaloo cudurkaan la socon karo calaamado kale sida daganaansho la'aan, daal, tabardarri, welwel, diiqo, iyo socodka caloosha oo isbadasha (saxaro adeeg ama shuban).

Waxa keeno cudurkaan illaa iyo hadda lama garanayo laakiin waxaa la aaminsan yahay in dareemidda xanuunka uu ka sarreeyo sidii qofka caadiga ah laga rabay.

Fibromyalgia waxuu kaga duwanyahay cudurrada kale ee lafaha iyo murqaha ku dhaca in uusan keenin wax dhaawac ama burbur lafo ama muruq maxaa yeelay ma wato cudurkaan wax calaamad caabuq ama belbel ka baxsan xanuunkaas.

Tusaale ahaan: cudurka roomaatiisamka wuxuu keenaa lafa qalqallooc sida gacmaha iyo faraha oo kale.

Cudurka fibromyalgia wuxuu u badan yahay haweenka oo in ka badan 80% wuxuu ku dhacaa dumarka u dhaxeysa da'dooda 35 ilaa 55 sano.
cudurka kuma badno caruurta yaryar iyo dadka da'da ah.

Calaamadaha lagu garto cudurka Fibromyalgia waxaa ugu horeeya xanuun kaasoo ay kicin karaan qeylada, isbadallada cimillada iyo niyad kaca, xanuunka wuxuu ku faafaa jirka oo dhan wuxuuna u badanyahay qoorta, barida, garbaha, gacmaha, dhabarka iyo xabadka.
Dadka badankiis wuxuu xanuunkaan uu bilawdaa qalliin, infekshan daran ama dhibaato nafsiyan ah markuu soo gaaro.
calaamada kale ee ku xigta waa daal iyo tabardarri taasoo lagu arko 90% dadka qaba cudurkaan.
madax-xanuun, calool-xanuun iyo xanuunno kale sida kaadiheysta oo xanuunta ayaa la socon kara.

Sidey takhaatiirta ku gartaan cudurkaan?
Cudurkaan malaha baaritaanno dhiig ama mid raajaba taasoo laga fahmi karo cudurkaan.
laakiin baaritaannadaas waxay meesha ka saarayaan cudurrada kale oo lagu qaldi karo cudurkaan, sidaas ayaa lagu sheegi karaa.
Waxaa cudurka lagu gartaa kaliya cabashada bukaaanka iyo wiisito-muuqaaleed "physical examination".

Fibromyalgia malahan daawo u gooni ah laakiin waxay ku xirantahay qofka waxa uu ka cabanayo maadaama cabashada bukaanka ay kala duwanaan karto iyo cabashooyinkaas laftrikooda oo xiriir lahaan karin.

Laakiin waxaa ugu muhiimsan in qofka welwelka uu yareeyo, jimicsi sameeyo iyo inuu qaato kaliya daawo takhtar u qoro.

Waa muhiim in bukaanka laga wacyi galiyo cudurkaan si uu u fahmo waxa uu ka cabanayo inay yihiin calaamado kala duwan laakiin hal cudur isku noqon karo.

Cudurkaan waxaa ku socdo baaris iyo barasho si looga ogaado wax keeno kadibne daawadiisa loo helo, wayna jiraan daawooyinno cusub oo loogu talogalay in lagu daaweeyo xanuunka fibromyalgia laakiin waa wax baaritaanno ay ku socdaan.

Diraasadii ugu dambeysan waxay sheegtay in maskaxda meel ku taalla oo loo yaqaanno "Insula" in ay ka dambeyso xanuunkaan fibromyalgia, weliba baaritaanno ayaa socda.

Halkaan ka akhriso qoraallo ka hadlayo cudurrada u ekaan kara fibromyalgia
Riixa / Osteoarthritis: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html
Xubno xanuunka / Arthritis: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0
Murqo Xanuunka Guud / Muscle pain: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html
Howlgabidda Qanjirka Thyroid-ka / Hypothyroidism: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah noogu soo gudbi halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline DalmarX

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: labadan xanuun Osteoarthritis iyo Fibromyalgia? keba i haya
« Reply #2 on: July 04, 2015, 11:32:10 PM »
salaamu calaykum,

Doctor Ramadan Kariim.  walaal in  muddo ah ba waxaan la liitay xanuun qoorta iga haya oo ilaa nerve ha indhaha soo galla oon xanuun aad ah ka dareemo.  kadibna aan noqonayo sidii qof kacsan oo libiqsiga indhaha igu yaaranayso, indhaha dhabarkoodana xanuun saa'id ah baan ka dareema. halka dhafoorka iyo halkeeda ku beegan ee dambe (qoortana kasoo saraysa) iyagana xanuun aad ah baan ka dareema.  inta badan markaan biyo kulul saaro oon ku kubeeyo halkaa qoorta ama aan duugo in saacado ah ayaan nafisayaa. 

halkaa qoorta waxaan ka dareema meel aad nabar moodo oo xanuun badan. markaan duugayana, waxaan dareema xanuun badan oon ka dareemo ilaa nerve-yasha indhaha soo galla. 

nabarkan waxa u igu bilaamay wakhti aan qoortu markay iskay gasho aan dhawaq qac-qac ah ka siin jiray anoo qoorta hadba dhinac si deg-deg ah u jebinaya.  waxa kaloo aan dareemi jiray intaanu nabarku soo wada bixin markaan qoorta jabinayo sidiiyo electricity qoortayda ka baxayso oo ilaa madaxa saree gaadhsiisan.  umaan joojin ee waan iska wadan jiray qoor jebistayda ilaaa aan dhibtan kala kulmay.

su'aashu waxay tahay Doctor  labadan xanuun Osteoarthritis iyo Fibromyalgia midkee i haya?
mahadsanid

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay xanuunka Fibromyalgia?
« Reply #3 on: July 08, 2015, 03:35:02 PM »
Labada xanuun midna ma ahan sida ay ila tahay, waxay u badan tahay inuu jiro xanuun la dhaho "Cervical Spondylosis", waa nooc riixa ka mid ah oo galo lafaha qoorta, waxaana lagu dareemaa xanuun iyo giigsanaan murqaha surka iyo garabaha dushooda, qofka wuxuu jecel yahay inuu qoorta jucjuciyo sidaas ayaana keeni karto in ay dhaawac neerfaha gaarsiiso waana sida ay u badan tahay in lafta ay neerfaha dhaawacday ama cadaadis ay saartay, waxaad u tagtaa takhtar waxaadna u baahan tahay in lagu saaro MRI scan, wixii ka soo baxo ayay daawadaada ku dhisan tahay.
Jooji duugista iyo jucjuciska..

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66568
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69576
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62508
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46764
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45006
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc