Author Topic: Su'aal: Waa maxay cudurka juudaanka ?  (Read 36021 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Saiid6666

  • Newbie
  • *
  • Posts: 21
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Waa maxay cudurka juudaanka ?
« on: March 20, 2010, 12:43:10 AM »
waa maxay cudurkan ,mala dawayn karaa maxaa keena ,mala kala qaadaa walaal nooqeexa  cudurkan maxaase lagu yiraa englishka
mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka juudaanka ?
« Reply #1 on: March 21, 2010, 09:00:50 PM »


Juudaanka waxa soomaalida ay u taqaanno waa cudur faafi kara oo ay keento bakteeriyo lagu magacaabo "Mycobacterium Leprea" waxaana lagu dhahaa luqadda ingiriiska "Leprosy".

Dadka qaba juudaanka maahan dad dadka cuna ama dadka qasha sida soomaalida ay ka aaminsantahay una bixiyeen magacyo badan sida "waraabo dadow" iyo wax la mid ah.

Waxa magacyadaas loogu bixiyay xanuunkaan ayaa ah in qofka jirkiisu uu badalo, waxaana ka soo baxa nabro waaweyn oo qofka wajigiisa, sankiisa iyo afkaba ka dhigi karo wax laga cabsado, qofka muuqaalkiisane wuu wada badalmi karaa.
Waxaa intaa sii dheer in faraha uu qofka ka go'go'i karo oo qofka ku soo hari karto kaliya calaacal ama cago aanan lahayn faro.

Leprosy waa ,mid ka mid ah cudurrada ugu duqsan ee maanta dunida taqaanno.
Leprosy waa cudur laga cirib tiray aduunka badankiis inta aan ka aheyn wadamo gooni ah oo ku kala yaalla qaaradda Asia iyo Africa.
Leprosy waa cudur halis ah isla markaana si sahlan lagu garan karo loona daaweyn karo.

Bakteeriyada keenta cudurka juudaanka waxay qaraabo dhaw yihiin bakteeriyada keento cudurka tiibishada/qaaxada taasoo iyadane lagu magacaabo "Mycobacterium TB"
Cudurka juudaanka wuxuu ku dhacaa neerfaha, maqaarka, neefmareenka, sanka iyo indhaha waxaa laga kala qaadaa calyada iyo diifka.

Cudurka juudaanka wuxuu maraa heerar kala duwan markuu qofka ku dhaco illaa uu saameyn ku yeesho neerfaha gacmaha iyo lugaha oo ay go'go'aan iyadoo qofku uusan dareemin.

Cudurka juudaanka waa la daawayn karaa waana laga bogsan karaa, waxaa jiro daawooyin loo qaato

Haddii aad su'aalo qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66492
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69514
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62435
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46720
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44974
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc