Author Topic: Su'aal: WAXAAD IGA JAWAABTAAN SU'AASHAN.  (Read 12535 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abumohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: WAXAAD IGA JAWAABTAAN SU'AASHAN.
« on: April 12, 2010, 08:38:52 PM »
HADII AY JIRTO QOF DALBADAY SU'AAL WAXAAN U MALEENAYAA IN AY TAHAY MID LA XIDHIIDHA XAGA CAAFIMAADKIISA MANA GARAN KARO WAX DHIB AH OO KU JIRA HADII AY SU'AASHU TAHAY MID QOFKA HAYSATA AMA HAYSATA DAD LA NOOL DOONAYANA IN UU KA FAA'IIDAYSADO. AMA HADUU JIRO DAWO ISKA DAWEENKARA, MID KALE WAXAAN HORE U AKHRIYAY BADANAA SU'AALO BADAN OO DOONAYAY IN AAN OGAADO OO AAN KA HELAY HALKAN WAXAANA KA MIDA DHINACYADA AAN KA FAA'IIDAYSTAY DHINACA SHIISHADA IYO DUCFI JINSIGA KU YIMAADA RAGA AMA HAYSTA BEER XANUUNKA IYO SU'AALO BADAN OO AANAN SOO KOOBI KARIN. MUHIIM AAN U GUDBO.

Su'aal mahaa u dawa ah ama aan ku daweyn karaa hadii aan doonayo in uu koro ama weynaado geedkaygu?

Maxaase aan u mihiima oo aan cunaa una faa'iido leh. fadlan faafaahin iga soo bixiya




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: WAXAAD IGA JAWAABTAAN SU'AASHAN.
« Reply #1 on: April 12, 2010, 09:07:33 PM »
Walaal ma jiraan cunno ama daawo koriya ama weyneeya xubinta taranka laakiin dawooyinka la isticmaalo waa kuwa loogu talagalay dadka ka cabanaya kacsi la'aanta kaliya.

Mideeda kale uureynta kuma xirna dheeraanta iyo weynaanta xubinta taranka, ninkane ma dhalaysnimo kuma noqdo xubintiisa oo gaaban ama dheer laakiin dhibaatooyin badan ayaa keeni kara madhalaysnimada oo horay uga hadalnay waxaadna ka heli kartaa halkaan:

http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2001.0.html
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=625.0
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2157.0.html
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2119.0.html
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1728.0.html
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2474.0.html

Haddii aad dareensantahay in su'aashaada wali aan laga jawaabin waad noo cadayn kartaa.

Regards
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abumohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: WAXAAD IGA JAWAABTAAN SU'AASHAN.
« Reply #2 on: April 13, 2010, 12:48:07 AM »
waa si wanaagsan si fiican ayaan u gartay laakiin waxaan hadana ii muuqata inaad raaciseen oo tidhaahdeen jawaabtiinii : (laakiin dawooyinka la isticmaalo waa kuwa loogu talagalay dadka ka cabanaya kacsi la'aanta kaliya.)
markaa ma la orankaraa dawadaas ayaa wax u tari karta ama siinkara korniin ma sidaas ayaad u jeedaan?
Hadayjiraan dawooyin dabiiciya ama natural ah iisoo sheega ama dawo mucayin ah oo u baahan in aan dhakhtar la xidhiidho?.