Author Topic: Study Medicine in Sudan  (Read 28639 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Online Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Study Medicine in Sudan
« on: January 30, 2007, 05:51:31 PM »
Dalka Suudaan ayaa ka mid ah dalalka fara-ku-tiriska ah ee albaabada u furay dhallinta Soomaliyeed ee waxbarasho-doonka ah tan iyo intii ay ummadda Soomaaliyeed ay ku habsatay musiibada dagaallada sokeeye.
Runtii dalka Sudan waxaa haatan wax ka barta arday ay tiradooda kor u dhaafayso 1500 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba, waana tirada ugu badan ee wax ku barata dalka dibadiisa, waxayna ku kala firarsanyihiin jaamacadaha iyo kuliyadaha kala duwan ee ku yaala dalka Sudan, takhasusyo kala duwana waa ay bartaan.
Hadaba dad badan ayaa is weydinaya side dalka sudan waxbarasho looga heli karaa sidaa darted ayaan isku dayaynaa in aan qoraal yara kooban oo ka hadlaya sida Sudan waxbarasho looga heli karo usoo gudbineynaa aqristayaasha sharafta mudan.
Ugu horreyn Sudan laba si ayaa wax looga helaa oo kala ah in qofku  lacagtiisa ku dhiganayo jaamacada iyo kuliyada uu rabo iyo in uu scholarship gudbisanayo iyadoo ay jirto siyaabo badan oo loo gudbisto scholarshipka qofka nasiibkisa ay ku xirantahay haddii ay usoo baxeyso iyo haddii kale.
Haddii aan ku horeyno qofka lacagtiisa ku dhiganaya waxaa jirta qeyb wasaarada tacliinta sare raacsan oo laga gudbisto qofku wuxuu tagayaa xafiska quseeya wuxuuna buuxinayaa form loogu talo galay oo uu ku qorayo information-ka laga rabo oo ay ugu horeyso jaamacada iyo kuliyada uu rabo iyadoo uu formkaas ku lifaaqayo copy shahaadada dugsiga sare iyo passportiga iyo lacag dhan $100 oo ah lacagta form-ka intaa kadib qofka waxaa la balamiyaa sadex beri kadib in uu yimaado oo natiijadiisa uu qaato natiijadaas oo noqon karta in qofku uu helo wixii uu gudbisto iyo in ay noqoto negative maxaa yeelay jaamacada iyo kuliyada aad mararka qaar gudbisaneysid ayaa buuxi kara oo markaa full ah oo aan qof kale la aqbali Karin haddise ay ku aqbalaan waxaa lagu sinayaa warqad  ku socta jaamcada warqadaas ayaadna jaamacada la tageysaa oo aad xafiiska aqbalaada iyo registrationka jaamacada la tageysaa kadib ayaana lagu qorayaa jaamcada.
Qofka kale ee raba scholarship  sudan ah in uu helo  siyaabo badan ayaa looga helaa oo ay ugu horeyso hay'adaha waxbarashada ee Somalia ka jira in fursadaha ay sudan sanadkii siso aad dhankooda ka timaado ama Sudan dhexdeeda aad  toos uga  gudbisato xafiis layiraahdo Non-Sudanese students welfare organization oo qaabilsan ardayda ajaanibta ah ee sudan wax ka barta ama waxbarasho ka raba in uu wax u qabto xafiiskaas qof kasta oo ajnabi ah jinsiyadu rabo ha ahaado wuxuu xaq u leeyahay hadduu sudan waxbarasho ka rabo in uu ka gudbisto oo uu forms laga rabo geeyo xafiiskaa iyaga ayaana qaadaya oo geynaya wasaarada tacliinta sare kadibna qof kasta iyo nasibkiis wixii uu helo.
Intaa wixii dheer hoos waxaan idinku soo gudbinaynaa jadwal ay ku cad yihiin qaar kamid ah jaamacadaha sudan ee ah kuwa ay dowladu leedahay oo ayna ku jirin kuwa sida khaaska ah loo leeyahay  iyo kuliyadaha ay kooban tahay jamaacad kasta iyo kuliyada kasta darajada lagu gali karo iyo waliba lacagta lagu dhigto kuliyad kasta inkasta oo jadwal-kani uu yahay laba sano kahor oo isbadal weyn oo xaga lacagta iyo darajada lagu sameeyay hadana qofku qiyaas ayuu ka qaadan karaa wixii uu sudan ka rabo waana kan soo socda:-
-----------------------------------------------------------------------------------------
Waxaan ka cudurdaaraneynaa in aan jadwalada halkaan aan ku soo bandhigi karaan, maxaa yeelay 30 bog ayey ubaahanyihiin sidaa daraadeed halkaan ka dajiso
http://www.somalidoc.com/Topics/sudan.zip
-----------------------------------------------------------------------------------------
Email: Jibriil@somalidoc.com
Khartoum
Sudan


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


Offline Munim

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 607
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • رضا ك يا امي
Gezira University
« Reply #1 on: July 30, 2007, 03:23:54 PM »
waa sidee xaalada waxbarasho ee jamacadda Gezira ee Dalka Sudan ?
sida aynu ka warqabno dalka sudan waxaa wax ka barta arday badan oo soomaaaliyeed kuwaasoo ku kala qaybsan goboladda dalka Sudan.

Hadababa waa sidee xalada waxbarasho ee gobolaka jaziira?
Gobolka jaziira waa gobol aad u wayn kuna yaala bartamaha dalka sudan waxa uuna ujiraa casimada khartoum 181km dhanka koonfureed, magaalada wadmadani waxa ay casimad u tahay gobolka jaziira waana caasimada labaad ee dalka sidoo kale waa magaalo aad u weyn oo ay ku nool yihiin shacab kor u dhaafaya 2million waxaana ku yaala magalada saddex jamacadood oo ay igu weyntahay jamacadda Gezira.
Hadaba jamacada jaziira waa jamacad caynkee ah?
jaamacadda jaziira waxaa la aasaasay sanadkii 1975 kadib markii wareegto uu soo saaray madaxweynihii xiligaa dalka xukumayay Al-mushiir Jacfar Al-numayr ayadoo xiligaas lagu bilaabay laba kuliyadood oo kala ah:
1- Kuliyadda cafimaadka
2- Kuliyadda Cilmiga Beeraha
balse waqtigan xaadirka ah jamacadda jaziira waxa ay ka koobantahay in kabadan 15 kuliyadood.
Taariikhda waxbarasho ardada soomaliyeed ee jamacadda jaziira.
Taariikhdaas waa mid aad u fog oo ka soo bilabanaysa todobaatanmeeyadii xiligaasoo ay arday soomaliyeed wax kabaranayeen jamacadda jaziira balse waxaa jirtay in muddo ah in taariikhdaas kala go ku yimid laakiinse waxa ay dib usoo noolatay kadib markii uu dhacay burburkii hey'adhii waxbarasho ee dalkeena hooyo. laga soo bilaabo xiligaas ilaa iyo iminkadan sanadba sanadka xiga waxaa la dareemayay badashada tirada ardada soomaliyeeed ee jamacada Gezira ayadoo hada ay jamacada wax kabartaan arday tiradooda ay kor u dhaafayso ilaa  35arday oo ukala qaybsan dhamaan kuiyadaha jamacada
Xiriirka Jaamacada Gezira iyo Hay’adaha Waxbarasho ee ka jira Dalkeena Hooyo.
Jaamacaddu waxa ay xariir la leedahay jamacado iyo macaahid kajira dalka kuwaasoo ay ka mid yihiin:
Jamacaddaha Muqdisho,Banaadir,Camuud(Boorama),iyo machadka SIMAD,ayadoo uu ka dhaxeeyo iskaashi wax wada qabsi oo dhinacyo kala duwan leh sida Siminnarada,is dhaafsiga khibradaha iyo manahijta,sidoo kale jamacadda waxa ay bixisaa deeqo waxbarasho taasoo dhinac ka ah iskaashiga waxbarasho ee jamacada kala dhaxeeya heyadahaas waxbarasho.
Dhaqdhaqaaqa jamacdda Gezira maha mid ku kooban inta kaliya balse waxaa jirtay in sanadkii 2004 ay halkan dhaqaatiir soomaliyeed ku dhameysteen koorso Diplome sare oo Tropical Medicine ah waxaana bixinayay casharada koorsadaas dhaqaatiirta kuliyada cafimaadka ee Jamacada iyagoo la kaashanayay jamacadda Liverpool iyo WHO xafiisyadeeda Somalia iyo Sudan .
XIIRIIRKA ARDAYDA SOOMALIYEED EE JAMACDA JAZIIRA
Ardada soomaliyeed ee jamacada jaziira ayaa ah arday aad iskugu xiran maadaama la joogo wadan qurbo ah ,ardadan oo ka kala timid gobolada kala duwan ee dalkeena hooyo ayaa run ahaantii wax saamayn ah aysan ku yeelan kala duwanaashaha goboladaas isku xernaashahooda iyo waliba isku duubnidooda iyagoo leh Raabido ay kuwada midaysanyihiin,dhanka kale maamulka jamacadda ayaa isagana si gaar ah u taageera una tixgaliya ardada somaliyeed asagoo sanadwaliba ugu deeqa kuraasta ugu badan ee loogu
deeqo ardada ajaanibta ah.
TAYADADA WAXBARASHO EE JAMACADA JAZIIRA
.
University of Gezira  waxa ay kamid tahay jamacadaha ugu tayada sareya dalka Sudan isla markaana ah jamacad sumcad wanaagsan ku leh dalka iyo dibadaba taasoo ku timid sababo fara badan awgood oo ay ugu horeeyaan tayada manhajka iyo hanaanka waxbarashada ee jamacada kuwaasoo jamacada u soo hoyay guulo wax ku
ool ah oo ay ka mid yihiin:
1- muddadii 2001/2002 waxa ay WHO u aqoonsatay kuliyadda cafimaadka ee jamacda Gezira kuliyada ugu Systemka wanaagsan ugan fiican  kuliyadaha caafimaadka ee
wadamada Carabta ama EMRO  oo idil.
waxaana mahad ALLE ah in ay Kuliyada Cafimadka ay wax ka bartaan tirada ugu badan ardada soomaliyeed ee wax ka barta jaamacadan iyadoo hada wax lagu faano ah in ay ka qalin jabiyeen ilaa 5 Somali Medical Students oo ka mid noqday dhakhatiirta Somalia walina ay kusoo daba xigaan intaas iyo in kabadan oo leh wiilal Iyo gabdho .
N.B:- Kuliyadaha cafimadka ay jamacada Jaziira leedahay wa kuwan:
1-kuliyada Cafimadka ama (Medicine): waxana lagu dhigtaa lacag dhan 6000$/year (Lix kun oo Dolar) sanadkiiba.                    mudada waxbarashadana waa 5sano oo u qaybsan 10 semesters (two semesters/year).
2-Kuliyada Pharmacy (saydalah):waxana lagu dhigtaa lacag dhan 5000$/year (Shan kun oo Dolar) sanadkiiba.                    mudada waxbarashadana waa 5sano oo u qaybsan 10 semesters (two semesters/year).
3-Kuliyada Medical laboratory Science: Mudada waxbarshada waa 4sano 8 semesters.
4-Kuliyada Applied Medical Sciences:waxa ayna leedahay 3 takhasus
A-Nurse           B- Anesthesia(Takhdiir)         C-Psychology
kuligoodna mudada waxbarshadooda waa 4sano.
5-Kuliyada Public Health and environmental sciences:
mudada waxbarshadooda waa 4sano.

MAHADSANIDIIN
By:- Abdulmunim Ahmed (MUNIM)
F. of Medicine –Gezira University 
Education Opens the Doors

Online Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
International Univeristy of Africa
« Reply #2 on: September 08, 2007, 01:32:35 AM »
Jaamacada caalamiga ah ee afrika waxa ay ku taalaa dalka sudan, khaas ahaan caasimadeeda khartoum waxay uga sii taalaa dhinaca koonfur-beri waxoogaa kilometer ayey u jirtaa eriboorka caalamiga ah ee khartoum jidka dheer ayey saarantahay oo isku xira medani iyo port-sudan.
jaamacadaan waxa ay ahaan jirtay xarunta islaamka ee afrika waxeyna deeq waxbarasho u fidin jirtay ardeyda afrikaanka ah inta aan loo badalin jaamacad buuxda oo kuliyad walba leh oo ardey meel walba aduunka ka timid ay dhigtaan,  waana jaamacada ugu badan oo ay dhigtaan ardeyda ajaanibta ah.
Ajaanibtaas oo wadamo walba iskugu jira ayaa waxaa ugu horeeya somaalida oo badanaa jaamacadaan lagu yaqaano oo loona soo aqbalo xirii ey la leedahay dugsiyada sarsare ee soomaliya ku yaala awgeed.
Tan kale jaamacadaan oo aan raacsaneyn xukuumada (non-governmental ah) ayaa ardeyda dhigato xuriyad ka fiican kuwa jaamacadaha kale dhigto ayey haystaan.
Jaamacadaan ardeydii si buuxda uga qalin jabisa waxey siisaa bachelor, masters and doctorate degrees.
Haddii aad rabtid macluumaay intaas ka badan oo ku saabsan jaamacadda iyo sidii aad waxbarasho uga heli laheed
meeshaan guji http://www.iua.edu.sd/indexeng.htm

Kuliyada Caafimaadka
Kuliyada caafimaadka waxa ay ku soo biirtay jaamacadaan sanadkii 1998dii ilaa iyo hadana waxaa ka qalin jabisay 5 loot (batch amd dufco sidey dadka qaarkood u yaqaaniin) lootka 1aad, 2aad, iyo 3aad wax ardey soomaali ah kuma jirin maxaa yeelay kuliyada oo cusubeed iyo iyadoo aan si buuxda u dhameestirmin.
lootka afaraad wixii ka bilaawda ayaa soomalida ku soo biirtay, ilaa iyo hadana waxaa ka qalinjabisa 13 arday ku dhawaad, sanad walba sanadka ka sii dambeeya ardeyda soomaaliyeed way ka badanyihiin sanadyadii hore, ardeyda dhigata hada waxay gaarayaan ilaa 30.arday.
kuliyada waxa ay ku fadhisaa dhul aad u balaaran, waxayna ku taalaa meel u dhaw jaamacada oo banaankeeda ah, waana 4 dadbaq oo wareeg ah oo barxad weyn dhaxda ku leh. waxey kaloo leedahay maktabad weyn oo laba dabaq ah, Dissection room weyn, masjid, museum, internet hall, cafateria, iyo barxad weyn oo banooniga loogu talagalay.
waxaa sanadkaan lagu soo biiriyey kuliyada, Dental, Pharmacy and Nursing departments. oo hadaba ay dhigtaan ardey aad u badan.
kuliyada waxa kaloo ku yaala xafiisyo aad u badan oo qaar academic ah qaarne administration ah.
wixii macluumaat intaas dheer halkaan ayaa ku weydiin kartaa ama webka jaamacada ayaa ka akhrisan kartaa http://www.iua.edu.sd/indexeng.htm

Hadii aad dooneyso sawiro intaa ka badan halkaan ka dajiso www.somalidoc.com/Topics/IUA-Medicine.zip

Regards
Dr.Mahdi
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Abdullahi!

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 138
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Do your best today coz tomorrow may never exist!
    • Somali Medical Association
Academy of medical sciences and technology
« Reply #3 on: September 09, 2007, 09:10:27 PM »
The Academy of Medical Sciences and Technology (AMST) is a mainly medical oriented college in Khartoum, Sudan. It is located in the Riyad district of Khartoum. It first opened its doors in 1996 with a student body of only forty students and two faculty. It is now home to over one thousand students and eleven faculty.

The AMST is a private, non-profit making university, in Khartoum Sudan, which was established in 1996 to serve the educational needs of Sudanese, African and Arab students. In a few years the Academy has expanded to include 10 faculties namely, Medicine, Pharmacy, Medical Laboratory Sciences, Dentistry, Dental Technology, Nursing, Computer Sciences, Administrative & Financial Sciences Biomedical Engineering and Anaesthetic Sciences.

The vision on which the AMST was established, is to provide quality universe graduates. Its belief is that recently government universities in the whole of Africa and the Arab countries have deteriorated and are often faced with diminishing resources both in human experts and material resources. The AMST offers two master degrees in Nursing (community & paediatrics) and a master degree in Public and Tropical Health.

http://www.amst-edu.com/
Everybody wants to go to heaven; but nobody wants to die. Everybody will die, but everybody will not go to heaven.

Offline Dr.Gooni

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
ZAIM AL AZHARI UNIVERSITY
« Reply #4 on: September 12, 2007, 11:04:26 PM »
S.C
ugu horeyntii
1: Zaim al azhari universty maxy tahay?
sida ayn wada ogsoonahay zaim al azhari university waa jamacad ku taala magaala madaxda dalka suudan e khartoum.
2: Cilaaqaadka ka dhexeeya  ardayda somalida iyo jaamacada zaim alazhry ...
jaamacada zaim al azhary university waa jamacad  old ah  oo mudo  ka hawl galaysay  wadanka suudan waana jaamacd dawli ah waxa aynu wada ogsoonahy  ardayda soomaliyeed  in  ay  dalka suudan  tiro fara badan ku joogaan oo wax uga bartaan  kuliyadaheeda  kala duwan, ardayada  hadaynu kahadalno dhanka  caafimaadka ku salysan oo wax kabarta Zaim al azhry wa arday tiradoodu  gaaryso 40 arday
waxaa  ay xiriir lalaedahay  ururo waxbarasho oo dalka  hooyo ka jira waxayna had iyo jeer  ardayda somaliyeed u fidisaa  deeq  waxbarasho.
ardyda somaliyeed ee jamacada  urur  ayay leeyihiin loo asaasay sanadkii  2006 daba yaaqadiisii. 
3: Qaybaha cafimaadka ee Zaim al azhry university  waxa kamid ah:   
       1 Medecine    الطب البشري
       2 Medecine laboratory          المختبرات الطبية
       3 Public health and enviromental health    الصحة العامة والصحة البيئة
       4 Nursing              التمريض
4: Asaaskii jaamacda  zaim alazhry university
waxa la asaasay jaamaacda zaim al azhry 1980-kii, taariikhdu markay ahayd sanadkii 1993 dabyaaqadiisa  ayaa lagu dhawaaqay in ay noqto jamacd  ka mid ah jamcdaha  dawligga ah .
Jaamacada zaim al azhry cilaaqaad bay waxay la leedahy jaamacado  caalami ah  oo  ay ka mid yihiin jaamcado ka shaqo gala dalalka horeeya, china iyo dawldaha  carbata
5: Jamacadda Zaim al-azhari 
jaamacadu waxay ku jirtaa  jaamacadaha  dalka  ugu waa wayn  afrikana  jaamacadaha ugu  tayada fiican baa lagu tirshaa  waqtigaane waxa  ay  ka heshaa  tageero  ka dhan  xagga dawlada suudan oo  aad u sareyasa.
kuna soo dhawaada  gacmo furan waxii  wax qabad ah
prepared by: Ahmed Mahmoud Ali Gooni Afrika
ifriqi20@hotmail.com
tell:00249121110970

Offline Dr.Kordofan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • wana to meet ppl or somali doctors
    • www.emedicine.com\realsalaad
Kordofan University
« Reply #5 on: December 16, 2007, 12:52:26 PM »
Asalamu caleykum waraxmah
Walalayaal salaan ka dib aniga waxaan ahay arday wax ka barta jamacada kordofan kuna tala wadanka sudan gaar ahaan gobolka north kordofan kuna yala bartamaha wadanka halkaas waxaana ka bartaa kuliyada caafimaadka sanadkii afaraad.
Jamacadaan kordofan waxaa la asasay 1991 kii.
Hadaan si gaar ah uga hadlo kuliyada caafimaadka waxeey ka mid tahay kuliyadihii lagu furay jamacada hadana waxey aqbashay sanadkaan dufcadii 17 aad oo caafimaad ah.
Waa maxay xarirka ka dhexeya ardayda somalida ah iyo jamacada kordofan?
Waxan meshan ku jogtaa ilaa toboneye arday ah waxaana leenahay urur noo gaaraa oo ka sajilan jamacada waxaana hos tagnaa ardayda wa fiddin aha oo halkaan joogta anaga ayana u  badan.
Waxaa halkaan ka qalin jabiyay ilaashan arday afar ka mid ah waa caafimaad midka kalana waa beeraha.
w\q: Dr mohamed abdirahman salad
tel:00249122376965
email:realsalaad@hotmail.com
el-ubeid
sudan
Dr mohamed abdirahman salad


 

What is "BONDING" means in Medicine?

Started by AdminBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 30540
Last post April 07, 2008, 06:33:24 AM
by Admin
Muxuu yahay "Internal Medicine"?

Started by AdminBoard Clinical Rotations

Replies: 0
Views: 45085
Last post February 11, 2007, 12:34:45 PM
by Admin
Nobel in Medicine Awarded to Three for "Knockout" Mice

Started by MankayBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 29478
Last post October 10, 2007, 12:00:30 AM
by Mankay
Community medicine طب المجتمع

Started by MunimBoard Other Medical Careers

Replies: 0
Views: 43160
Last post June 01, 2008, 12:25:07 AM
by Munim
UK - Biological Sciences starting 2009 then switching to Medicine starting 2010

Started by JonnoBoard I want to Study Medicine

Replies: 3
Views: 36207
Last post September 10, 2009, 02:41:15 AM
by Dr. Lulu