Author Topic: Doctors plz igala taliya luck of Vission and more Stress  (Read 9582 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mahadislan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Doctors plz igala taliya luck of Vission and more Stress
« on: February 22, 2012, 03:20:45 PM »
Dhakhaatiirta in badan bn uga mahadcelinayaa.. jwbaha ad naga siinaysaan dhibaatooyinka caafimaadka naga haysta.. waana ku faraxsanahay, ilaahay ha idinka abaal mariyo.. Doctor waxan qaba laba su'alod..

1. Marka hore waxan ahay wiil dhalinyaro ah (23yr) o an wali guursan, muddo 8 sano ah wxn qaadanayay okiyaalaha aragga fog ah (-3.75), ilaa iyo hadda aragga sidi la rabay iima ahan, markasto an specialist u tago ano qanacsan bn ka imaada, garaadada wn iska badalaa mar mar, lkn still aragga fog clear iima aha, mida kale shaqadayda oo IT-ah, wxn aad iyo aad u isticmaala computerka, mrkan shaqada ka baxo i am not satisfied macnaha DAAL iyo stress bn dareemaa, Doctors mxd igula talinaysaan oo aragga ii wanaajinaya, bi'idnilaah

2. Marka xiga wxn rabay inad igala talisaan.. Personal Proplem taaso ah waxaan isku arkay WALWAL, XANAAQ badan, somtimes madaxxanuun, ILOWSHO, CAAJIS, luck of self-esteem, RAJO XUMO.. marka walaalayaal ad bn u jeclahay inaad cilmigiina ugu anfacdaan..

Mahdsanidiin
Khayr allaha idinka siiyo




Offline Burhaninho

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: Doctors plz igala taliya luck of Vission and more Stress
« Reply #1 on: February 23, 2012, 08:41:08 AM »
Asalamu Alykum Wr Wb,

Salaan ka dib, walaal aniga dhakhtar ma ahi, arday caafimaadeed ayaan ahay. Talada inta kugu seenaayo waa mid aragti ah, mana aha mid caafimaadeed. Utag dhakhtarkaaga haddaa daawo mise talo caafimaadeed ubaahantahay.

1. Walaal aniga ukiyaalo ayaan qaataa, reerka badankooda sidoo kale. Sanadihii hore oo aan yaraa waa diiday inaan qaato, indhaheega way iska roonaayeen. Waxaan go'aan saday inaan qaato 2008-ka markii aan ku biiray medical school, sababtoo aheyd wax akhriska badan iyo khatarta ay leedahay arday caafimaadeed mise dhakhtar oo mugdi ugu jiro meesha uu qalaayo mise daaweenayo. Indhaheega xoogaa ayay ka dareen (from -2.25 to -2.5), sababta magaranayo, wax science cadeenaayo ma arag mise akhrin. http://myopia.org/, website-kaan ugu dhaw waxa usheegaayo laakiin dhakhaateerta iyo aqoonyahanada addunka ma aaminsano.
Talo waxaa iga eh, inaad nasato 1 ilaa 2 daqiiqo, markaad waddato 1 ilaa 2 sac ookiyaalaha. ookiyaalaha tartiib iska siib, istaagna, jimicso wax yar adigoo soconaysid mise darshada banaanka ka fiirinaysid. Haddaad saas samaysid, murqaha indhaha jimicsi ayay sameynayaan, meesha ay iska fadhiyaan mise fiirinayaan computerka waqti dheer. Waa sida nin cunta cuno oo fariisto 10 saacadood mise nin cunto cuno oo jimicsanaayo cabaar markoo fadhiyo taaso caawinayso murqihiisa.
Midda daalka iyo stresska, bey'ada aad ka shaqaynayso iyo muddada aad shaqaynayso waa muhiim. Hadduu dhibaatooyin jiraan Ilaahay hakula garab galo oo kucaawiyo, haddii kale dhibaatooyinkaas intaad soo saarto, waxna ka qabo. Muddo dheer haddaad shaqaysidna, nasashada iyo hurdo fiican badso oo waxaad seexataa at least 6 saacadood maalin kasto, weekends 8 ilaa 10 saacadood.

2. Walaal waa ka xumahay inaad dareemaysid dhibaatoyinka aad sheeganayso, Ilaahay talo saaro inshallah wuuna ku caawinaayaa. Walaal dhibaatooyinkaan waxay ka imaanaysaa xagga shaqada mise noolashaada. Nasasho mise holiday aad sameyso goormad kugu dambeysay? Dadkeena Soomalida waanu shaqeena, nasasho yar waan sameenaa. markaad yartahay mise  mararka qaarkood, taasi way shaqayni laakiin waqti ayaa gareesaa oo la dhaho "burn-out" adigoo tabar dhigayo sida nin 3 saacadood ordaayay, hadalka wuu ku dhiwayaa, ma seexan kartid iyo shaqo aadista xataa waa dhibsane. Siyaaboyin kala duwan ayaa isku daween kartaa, Marka hore dhakhtar utag, caddeynaya dhibaatidaada inay aheyn mid caafimaad sida depression mise wax kale. Marka labaad nasasho samey adigoo yareenayo waqtiga add shaqeyso, waqtiga kuu soo baxo adigoo nasanaya mise sameenaayo wax aad jeceshahay sida sportska, wax akhrinta mise misajidka cashar kala sucunaayo; ha sameen wax ku saabsan dhibaatoyinka ku haysto mise shaqadaada. Mid kale aad sameyn kartid oo ah adigoo fasax ka qaadanayo shaqadaada, xalinaayo personal problems, labo isbuuc holiday sameenaayo ka dib ku soo laabanayo shaqadaada adigoo fresh ah, sida computer la format gareeyay oo la reboot gareeyay. Waa waqti dheer laakiin 30 bari ma xumo.

Walaal waxaa filaaya inuu informationkaa ku caawin doono, hadduu dhibkaaga is leedahay waa mid weyn oo kaa dhimaayo sida ushaqeysid mise noolashada, dhakhtar utag, wax kasto usheeg, maxaa yeelay cudur mise dhib haddaad qarsatid wuu ku qarsadaa. Illaahay talo saaro oo ka baryi inuu ku caawiyo maxaa yeelay la'aantiis wax ma qabsamaan.

Kheyr ayaan kuu rajaynayaa.   

Offline Mahadislan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Doctors plz igala taliya luck of Vission and more Stress
« Reply #2 on: February 23, 2012, 01:17:43 PM »
Assalamu calaykum..
Salaan ka dib Burhan aad bd usoo dhawaynayaa Talaadaadda wanaagsan, waana qaadanayaa insha allah..

dabcan familygayga way wada qabaan nearsightedness balse mine is worse.. mar walba wa ka sii darayaa balse insha allah wn arkayaa dhakhtar, waliba i need Pshychologican counselling.. sababto ah cabirka saxan wan wataa (-3.75)  balse inan sidi la rabay ahayn bn aaminsanahay,

Tan labaad depression-ka i haysto waa mid ku xiran bay'ada an joogo oo an munaasib igu ahayn, shaqada wax caajis ah kama qaado, balse talooyinkaaga aad by i anfacayaan.. ad bd u mahadsantahay

Mida kale akhyaarta iyo takhaatiirta wixi kaloo ay igula talinayaan wn soo dhawaynayaan..



 

Im somali and suddenly proud of it!! (Never seen somali doctors...before) ;)

Started by Anything 4 medicineBoard New Members

Replies: 13
Views: 32336
Last post June 08, 2010, 01:19:20 AM
by Abdulrazzak
Advice to doctors by sheikh "Mohammad Al-munjid"

Started by Dr.AdnanBoard Islam and Medicine

Replies: 0
Views: 21012
Last post December 04, 2007, 05:09:46 PM
by Dr.Adnan
MSF Spain Doctors, Clinical Officers & Nurses Jobs in IFO 2 Refugee Camps Kenya

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 29818
Last post October 12, 2011, 11:20:07 AM
by Admin
Female Genital Mutilation Cause of Increased HIV/AIDS in Somalia: Doctors

Started by Terror manBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 25609
Last post July 10, 2009, 07:23:12 PM
by Terror man
Diaspora Doctors From Finland to Assist Somali Health System

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 18602
Last post July 24, 2009, 02:03:00 AM
by Admin