Author Topic: Suáal: Jamashada la xirrirta uurka?  (Read 43029 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Aqoon Kororsi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Suáal: Jamashada la xirrirta uurka?
« on: April 23, 2010, 01:58:43 PM »
asc wr wb aad ban idin salaamayaa marka hore hadii aan ugudbo su aashayda
waa maxay jamasho?
mawax jira baa mise?
maxaase lagu yiraaahdaa medical ahaan?
maxay tahay soomalida markay dhahan way jamatay gabadhaan waa in loo iibiyaa
wax yaabo ay ubaahantahay hadii loo iibin waayana cunuga ayuu ku sawirmayaa
waxii ay jamatay iiga jawaab adigoo mahadsan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Suáal: Jamashada laxirrirta uurka?
« Reply #1 on: May 16, 2010, 10:10:13 PM »


Jamashada waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa"Pregnancy Cravings" waa arrin jirta oo haween badani oo uur leh lagu arko laakiin khuraafaad badan iyo waxyaabo aanan jirin oo caado dhaqameed u badan ayaa lagu daray.

Jamashada caadiga ah ee la yaqaano waa in hooyadu ay marka ay uurka leedahay ay jeclaato cunnooyin gooni ah sida jallaatada, barafka, raqayga, liin dhanaanta, isbaandhayska iyo waxyaabo kalaba.

Tani waa arrin jirto oo la dareemi karo, haweenta uurka leh way ka qabanaysaa waxyaabahaas oo iskama celin karto, waana in loo keenaa ama ay raadsato.

Cilmiga caafimaadka ah uma hayo fasiraad lagu fahmi karo sababta ay maskaxda haweenta uurka leh ugu dhagan tahay cunto gooni ah laakiin cilmibaarayaasha qaar ayaa sheego in ay tilmaamayso in hooyadu ay ka maqan tahay waxyaabo nafaqo gooni ah oo laga helaayo cunnooyinkaas qaar, sida haweenka ku waasho in ay cunaan dhuxusha oo la tilmaaamo in ay astaan u tahay dhiig yarida.
Marka waa laga yaabaa wax gooni ah oo cunnadaas ku jirto in ay hooyadu jirkeeda u baahan yahay, waa arrinta ugu dhow ee ay dhakhaatiirtu ku sheegaan laakiin cilmigeeda saxda ah eebbe ayaa og.

Maadaama cunno jamashadu ay tahay wax aanan keeni karin dhibaato caafimaad, hooyadu lagulama taliyo in ay iska dhaafto oo wax dhib ah looma arko.
Laakiin haddii ay hooyadu bilawdo in ay cunto waxyaabo dhibaato u keeni karo iyada ama uurjiifkeeda sida dhuxusha, dhagaxa, jeestada, goomaha, saabuunta, dhoobada iyo wixii la mid ah waa in laga celiyo oo fitamiino iyo iron/bir loogu badalo oo daawo ah haddii ay hooyadu uur leedahay.

Badanaa jamashadaan waxaa la dareemaa bilooyinka hore ee uurka, waxayna soomaalidu u taqaanaa in hooyadu ay ku wallacday cunto gooni ah, wayna kala duwanaan karaan haweenku, qofbaa laga yaabaa in uur kasta uu u baahdo cunno gooni ah, meesha qaar kale ay dhici karto in uurkiiba ay cunno gooni ah ku wallacaan.


Haddii aan u gudbo qeybta kale ee jamashada ee aan raad ku lahayn caafimaadka oo caado iyo khuraafad salka ku hayo waa midda aad tilmaantay oo ah in hooyadu haddii ay jamato wax in loo soo gado oo aan cunno ahayn sida dahab, saacad, dhar iyo wixii la mid ah in fooshu ay dhib noqonayso ama in waxa ay dalbatay in ilmaheedu ku sawirmayo.
Taasi ma ahan wax sax ah ee waa khuraafaat.

Ilmaha ku dhasho barta waa arrin sideeda u jirto waana wax caafimaad ahaan la yaqaano waxaana loo yaqaanaa "birthmark", ka akhriso halkaan qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay waxay ay tahay barta ay caruurta ku dhashaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,760.0.html

Caado dhaqameedkaan waxaan ku arkay wadamo kale oo soomaalida wax u gooni ah ma ahan.
Waxayna ka mid tahay caadooyin badan ee lala xiriiryo uurka sida in hooyada aanan la tusin qorax madoobaad haddii kale ilmo faruuran ayay dhalaysaa iyo wax la mid ah.

Ilmaha qaabka ay u dhashaan iyo iinta ay ku dhashaan waa abuuris ilaahay kuma xirna hooyada wax ay sameysay ama wax aynan samayn intaba.

Caadooyinka noocaan ah ee aan asalka lahayn waxay mararka qaar keeni karaan in ay halis hooyada galiyaan, hadda ka hor hooyo foolan wayday ayaa waxaa la yiri waxay jamatay in ay aragto eeyadeed oo dagan meel tuulo ah, gabadhii ayaa gaari lagula cararay si ay ayeeyadeed u soo aragto si ay foosha ugu sahlanaato, markay ka soo laabatay inta ay jidka ku soo jirtay ayay dhiig baxday markay isbitaalka degmada soo gaartayne cunugii waa ku mayday!!!.

Bulshada hala wacyi galiyo khuraafaatka iyo caado dhaqameedyada caafimaadka iyo diinta u daran.
Waxaan eebe idinkaga rajaynayaa ubad caafimaad qabo.

Haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Sidee uurka looga hortagi karaa hadduu dhakhtarka ku taliyo?

Started by CeeblaaweBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 75408
Last post June 28, 2015, 11:26:21 AM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa sababa gabadha uurka leh oo aan kaadida xejin karin?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 39636
Last post March 30, 2011, 01:35:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haween uurka laga joojiyay, masiin karaa plis 21?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20448
Last post May 14, 2011, 10:14:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xulbadu maxay u tartaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurjiifka ah?

Started by FarhyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25826
Last post July 05, 2016, 11:28:25 AM
by SomaliDoc
haweenka uurka leh dawooyinka antibiotics-ka dhib ma u keenaysaa?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32392
Last post June 22, 2009, 08:13:49 AM
by Cmqalinle