Author Topic: Qaaxada / Tiibishada (Tuberculosis)  (Read 52197 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Qaaxada / Tiibishada (Tuberculosis)
« on: September 25, 2007, 10:00:05 PM »


Tiibishadu waa No-1 cudurrada faafa, Waxaa lagu qiyaasaa 3-dii qofba hal qof inay ku dhacdo,
Waxaa sanad kasta ay ku dhacdaa 9 million oo qof, waxayna dishaa sanad kasta qiyaastii 2 million,
Waxayna agoomeysaa 10 million oo caruur ah.


Waa maxay Tiibisho?
TB waa cudur uu keeno jeermis loo yaqaanno Mycobacterium oo badanaa ku dhaca sanbabada.
TB waxay kugu dhici kartaa marka aad neefsato jeermiska.
Waxaad halis sarreysa ugu jirtaa in aad qaaddo TB haddii habka jidhku cudurada uu isaga difaaco ay daciifto.
Habkaan waxaa daciifin kara cunto xumo, jirro, daawooyin, ama sababo kale.

Maxaa keeno Tiibishada?
TB-da waxaa keeno jeermis lagu magacaabo Tuberculus Bacilli, waa jeermis neefsashada lagu kala qaado, markuu qofka neefsado oo uu jeermisak sambabka tago, wuxuu ku sameeyaa nabar, kaasoo ku tarmi karo, hadduu qofka difaaciisa uu hooseeyo.
Markuu tarmo kadib, qofka wuxuu si sahlan ku faafi karaa xanuunka markuu qofaco, hindhiso ama ku neefsado qof kale oo caafimaad qabo.

 
Calaamadaha
Dadka qaba TB waxaa laga yaabaa in ay qabaan qaar ama dhammaan calaamadahaan:
# Qufac
# Qandho
# Dhidid habeenkii
# Caatoobid
# Dhiig quficid
# Daciiftinnimo iyo daal dareemid
# Laab xanuun

Halkee ku dhacdaa?
Tiibishada waxay ku dhacdaa meel kasta oo jirka ka mid ah, waxay u badan tahay sanbabada, laakiin waxay ku dhici kartaa Lafdhabartka, Kalagoysyada, Mindhicirrada, Indhaha, Maskaxda, Kilyaha, Maqaarka iyo meelo kale oo badan.

Xanuunka yuu ku badan yahay?
Xanuunka wuxuu ku badan yahay dadka difaacooda liito oo la nool dad qaba xanuunka ama dagan guryo ciriiri ah oo hawada ku yar tahay, Soomaaliya waxa ka mid tahay wadamada uu aad ugu badan yahay, nooc kastane waa laga helaa.
Wadama hormaray awal tiibishada way ku yaraan jirtay laakiin hadda aad ayay aduunyada meel kasta ugu badataya maadaama cudurka AIDS-ka ay la socoto.
 
Sidee lagu ogaadaa?
Haddii aad qufacaysid muddo laba usbuuc ka badan, qofacane uu leeyahay xaako, qandho iyo dhidid habeenkii aad isku aragtay, daawada antibiotics-ka caadiga ahne ay wax kaa tari waayeen, waxay u badan tahay in ay tiibisho tahay haddii aad ku nooshahay wadamada ay Qaaxada ku badan tahay.
Waxaa lagaa baari karaa Candhuufta iyadoo laga fiiriniyo jeermiska keeno qaaxada, waa in candhuufta laba illaa sadax jeer labaaraa.
Waxaa kaloo laguu diri karaa raajo iyadoo la saarayo feeraha si looga eego calaamadaha lagu garto Tiibishada, haddii meelo kale ay kaaga dhacday waxaa dhici karto in baaritaano nooc kale in laguu diro.
Baaritaan lagaa helay macnihiisu wuxuu yahay in uu jeermisku kugu dhacay.
Xubnaha qoyskaaga iyo dadka kale ee kula nool ayaa sidoo kale la baaari doonaa, haddii xanuunka lagaa helay.

Sidee loo daaweeyaa?
Tiibishada waxaa loo qaataa kaniiniyaal soconaya muddo lex bilood.
Daawada haddii aad bilowdo waa qasab in aad dhamaysato, haddii aad kala goyso waxaa halis ugu jirtaa in daawada jirkaaga la qabsado oo hadhow wax kuu tari waydo.
Tiibishada daaweynteedu way sahlan tahay, dadka badanaane way ka caafimaadaan hadiii sidii loogu tala galay u qaataan.

Daryeelkaaga
# Daawada sidii lagu faray u qaado. Daawooyinkaaga isku waqti qaado maalin kasta hana joojin qaadashadooda.
# Waxaa laga yaabaa in ay tahay in aad qaadato daawooyin 6 bilood ugu yaraan. Haddii aadan daawooyinka qaadannin, TB-daadu way kugu soo laaban kartaa wayna adkaanaysaa in lagaa daaweeyo.
#Waxaa sidoo kale laga yaabaa in aad dadka kalena ku riddo haddii aadan daawooyinka oo dhan wada qaadannin.
# Ha cabbin aalkolo iyo mukhadaraat, maxaa yeelay waxay keeni karaan in dhibaatooyin beerka ku ridaan, kadibne dawada aad dhamaysan wayso.
# Mid ka mid ah daawooyinka loo isticmaalo in lagu daaweeyo TB-du waxaa laga yaabaa in ay kaadidaada iyo dheecaannada kale ee jidhka ka dhigto casaan.
 
Haddii aad jirran tahay oo aad u baahan tahay in isbitaalka lagu dhigo:
# Waxaa laga yaabaa in lagu karitiimeeyo. Tani waxay dadka kale ka ilaalinaysaa in ay TB qaadaan.
# Waa lagu karintiimayn doonaa ilaa aad ka qaadanayso daawooyinka TB-da 2-3 toddobaad ama ilaa candhuuftaadu ay ka noqoto mid aan jeermis lahayn.
# Qof kasta oo qolkaaga yimaada wuxuu xiran doonaa weji dabool.
# Albaabka qolkaaga waa la xiri doonaa.
# Waxaad u baahan doontaa in aad xirato weji dabool marka aad qolkaaga baxayso.
 
Haddii baaritaanka laga helo ama aad qabto TB:
# Afka iska dabool marka aad qufacayso, hindhiseyso ama qosleyso. Ka dibna, gacmaha iska dhaq.
# Gacmaha iska dhaq cuntada ka hor.
# Cun 3 jeer maalintii oo cab 6-8 koob oo cabitaanno ah maalin kasta.
# Aad dhammaan ballamada takhtarka.

Isla markiiba takhtarka la xiriir haddii:
# Aad qufac xun qabto.
# Aad dhiig qufacdo.
# Ay dhibaato kaa haysato neefsashada.
# Aad caatowdo xataa adigoo cunto fiican cuna.
# Qaad qandho qabtid ama habeenkii dhididdo.
# Ay kaadidaadu baroon noqoto ama saxaradu boor noqoto.
# Uu maqaarku hurdi ku noqdo ama indhuhu jaalle ku noqdaan.

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah oo ku saabsan qoraalkaan hoos ku weydii

Mahadsanidiin
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

First new tuberculosis drug for 50 years - works on drug-resistant forms....

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 16639
Last post March 21, 2013, 08:00:00 PM
by Drkheyre
DOODDA BISHA MARCH, 2013 - 24 APRIL - MAALINTA QAAXADA ADDUUNKA

Started by DrkheyreBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 17567
Last post March 24, 2013, 08:27:09 PM
by Drkheyre
SOOMAALIYA: Bukaanada u Adkeysta Dawadda Cudurka Qaaxada oo ku badanayo!

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 6
Views: 40248
Last post July 15, 2015, 06:28:35 PM
by Zaki Cade20
24 March 2011 WORLD TB DAY (MAALINTA QAAXADA ADDUUNKA)

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 8272
Last post March 23, 2011, 08:28:21 PM
by Admin
Su'aal: Qof qaba cudurka qaaxada haduu sameyo galmo?

Started by DaahiyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6722
Last post April 14, 2016, 01:44:12 PM
by SomaliDoc