Author Topic: Su'aal: Meeqa ayaa laga rabaa hormoonka naagaha ee HCG?  (Read 10554 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Anfac

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Meeqa ayaa laga rabaa hormoonka naagaha ee HCG?
« on: June 29, 2010, 11:39:07 PM »
asalama caleeykum doctoor waxaan ku weydinayaa meeqa ayaa laga rabaa hormuunka naagaha uuka leh     ee loo yaqaan h/cg maxaase keeno karo in uu kor u kaco waad mahad santahay




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Meeqa ayaa laga rabaa hormoonka naagaha ee HCG?
« Reply #1 on: July 05, 2010, 11:12:00 PM »
Hormoonka Human Chorionic Gonadotropin (HCG) waxaa la soo saaraa xilliga uurka.
Waxaa laga sameeyaa unugyada ibida, taasoo quudisa ugxanta la bacrimiyay.
HCG waxaa kaadida laga helaa ugu horreyn maalinta 11-aad ee uurka uu dhaco.
3-dii maalinba wuu laba jibaarmaa heerka hormoonka HCG.

Hadduu heerka HCG uu ka badanyahay 25mIU/ml waxaa la dhihi karaa uur wuu jiraa, hadduu ka yaryahayne 5mIU/ml uur ma jiro.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: