Author Topic: Wax ka baro Ilka-baxa iyo Ilka-dawacada  (Read 31483 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Wax ka baro Ilka-baxa iyo Ilka-dawacada
« on: July 17, 2010, 06:03:11 PM »


Ilko-baxu waxa uu dhacaa marka ilkuhu ay bilaabaan inay dibadda uga soo baxaan ciridka ilmaha yar. Tani badanaa waxay bilaabantaa marka ilmuhu jiro 6 ilaa 8 bilood, laakiin waxay bilaabmi kartaan xiitaa goor hore oo ah da’ada 3 bilood.

Calaamadaha Ilko-baxa
• Dhareer
• Cirid bararsan ama danqanaya
• Hurdada oo dhib ku ah
• Naaska uu diido ama cunanda kale.
• Waxyaabo uu qaniino ayuu rabaa.

Ilko-baxu waxa uu caruurta qaarkood ku noqon karaa mid xanuun leh. Qaar kalena xanuun ma arkaan. Raaxo-darada waxa keenaya waa cadaadiska uu iliggu ku hayo maqaarka ciridka.

Badanaa caruurta markii ilkaha u soo baxayaan waxaa la socdo shuban yar.
Soomaalida qaar baa aaminsan in ilkaha ugu horreeya ee soo baxo in ay iyagu shubanku keenaan oo in la bixiyo ay tahay, waxayna u yaqaanaan ilko-dawaco!.

Waa maxay Ilko-Dawaco?
Ilka dawacadu maahan cudur, illaa inta la ogyahayne ilkaha iyo shubanku isma keenaan laakiin way isku soo aadaan, badanaa caruurtu waxay xilliga ilkaha soo baxayo u shubmaan sababahaan mid ka mid ah:
1- Difaaca jirka cunuggu hoos ayuu u dhacaa markii lexda bilood la dhaafo, difaacaas uu kala soo baxay hooyadiis kadibne shuban ayaa ku dhaca caruurta, waana xilliga ay badanaa ilkaha u soo baxaan  caruurta.
2- Ilkaha way cuncunaan caruurta marka ay soo baxayaan taas oo uu jecelyahay in wax waliba afka lagalao ama ciridka ku xoqdo si cuncunka iskaga baabiyo, taasina waxay u horseedaa infection caloosha ka qaado shubanne ku dhaco.
3- Ilkaha marka ay soo baxayaan, ilmaha aad ayay u dhareeraan, badanaana way liqaan dhareerka, taasina waxay keentaa shuban ama saxaro jilicsan.
4- Waqtiga ay ilka soo baxayaan ama soo baxeenba waxaa caruurta badanaa lagu bilaabaa cunno adag taasoo keeni karta shuban maadaama caloosha aysan u baran cunnooyinkaas ku cusub.

Qodobada aan kor ku soo sheegay waxay ka mid yihiin fasiraadaha ay ka bixiyaan takhaatiirta waxa shubanka iyo ilka soo bixidda isla socodsiiyay laakiin waxay ka wada simanyiin in ilkuhu aysan shuban keenin haddii la bixiyane sida dadka qaar ay sameeyaan in ay qalad tahay, dhibaatane u keeni karto sida dhiig-bax oo kale, shubanne sidaa kuma istaago.
Midda kale shubanka caruurta ku dhaca xilligaan maahan mid biyo kaliya ah oo ilmaha fuuqbax ku rida.

Daryeelka Ilmahaaga
Halkan waxa ku yaala dhawr siyaabood oo aad ku dejin kartid ilmaha oo aad ku khafiifin kartid xanuunka ilko-baxa:
• Si tartiib ah ciribka ugu xoq maro nadiif ah oo qabow ama qoyan.
• Ilmahaaga sii wax amaan ah oo uu qaniino, sida fargalada ilko-baxa ee caagga ah.
• Far nadiif ah ku xoq ilkaha ilmahaaga.
• Masax wajiga ilmahaaga marrar badan oo ka dhig mid qalalan si aad uga hortagtid finan ka soo baxa.
• Waxa gargaar laga heli karaa Tylenol-ka caruurta ama dawooyinka ilko-baxa, laakiin marka hore weydii dhakhtarka ilmahaaga.
• Ka dhig afka iyo ciridka ilmahaaga kuwo nadiif ah xiitaa haddii ilmahaagu aanu wali lahayn ilko.

Halkaan waxa ku yaalla dhawr siyaabood oo aad ku daryeeli kartid ciridka iyo ilkaha ilmahaaga.
• Ka dib cunto kasta, ciridka ilmahaaga ku masax maro nadiif ah.
• Ilmahaaga ha jiifin sariirta iyada oo dhalo caano ku jiraan afka ugu jirto. Taasi waxay keeni kartaa ilko bolol ama ilkaha oo xumaada.
• Isticmaal burush jilicsan si aad u nadiifisid ciridka iyo ilkaha cusub.
• Ugu yaraan laba jeer maalin kasta nadiifi ciridka iyo ilkaha ilmahaaga.
La hadal dhakhtarka ilmahaaga ka hor inta aanad bilaabin inaad ilkaha ilmahaaga marisid daawada lagu cadaysto. Waa inaan ilmuhu liqin daawada ilkaha. Maadada falooraydh oo daawada ilkaha ku badani waxay keeni kartaa waxyeello caafimaad.

La xiriir dhakhtar caruur haddii ilmahaagu:
• Uu leeyahay qandho ama cudur kale. "la soco Ilko-baxu ma keeno cudur".
• Uu ka lumo ilig sababta oo ah dhaawac.

Haddii aad su'aal ka qabtid qoraalkaan ama faahfaahin u baahan tahay ama aad jeceshahay in aad wax ku dartid, ku qor hakaan.

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Darmaan123

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
Re: Wax ka baro Ilka-baxa iyo Ilka-dawacada
« Reply #1 on: July 05, 2015, 08:53:23 AM »
Marka hore walal waad mahadsan tihiin.

Intaa ka bacdi walal dadka ilka-dawacda aaminsani waxay had iyo goor daliil ka dhigtaan oo ay dadka kale tusaan mararka qaar ilkaha ilmaha yar oo usoo baxa iyagoo jaale ah gaar ahaan miciyaha ay yidhaahdaan ilka dawacadaa gasha.

Dhawr jeer baan arkay miciyaha caruurta oo yellow noqday iyagoo weliba burbursan.

Miciyuhu waa ilkaha gawsaha ku xiga ee ay caruurta ka saaraan dadka ilka dawacada ayidsani.

THANK U BRO.


 

Su'aal: Waa maxay finka kaso baxa dabada? Una eg kaso bax cml?

Started by Ahmed dollarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25007
Last post October 22, 2016, 05:04:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: maxa sababa kasoo baxa iska so daba noqda markuu raysto mid?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17717
Last post November 01, 2011, 12:06:51 AM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29367
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: kala dambeynta biyo-baxa lamaanaha saameyn ma ku leeyahay uureynta?

Started by Suldan10Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16348
Last post March 10, 2012, 02:06:35 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxa keena marka ninka naagta u galmoodo biya baxa dag dag Ah?

Started by DekhboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9917
Last post January 07, 2015, 09:18:04 AM
by SomaliDoc