Author Topic: Su'aal: Waa maxay cudurka Shimbirka / Af-qallooca?  (Read 26934 times)

0 Members and 8 Guests are viewing this topic.

Offline Duraan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Waa maxay cudurka Shimbirka / Af-qallooca?
« on: July 27, 2010, 02:49:19 AM »
Ahlan wa Sahlan,

Waxaan rabaa inaan wax ka ogaado waxa uu yahay cudurka Soomaalidu u taaqaan shimbirka oo qofka uu ku dhaco u keena inuu kala weecdo afka iyo indhaha? Maxaa keena cudurkaas?

Mahadsanidin.




Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Shimbirku?
« Reply #1 on: July 28, 2010, 11:18:25 PM »
walaalkay duraan isku su'aal baanu nahay caawa waxkaleba
umasoo gelin webka waxaan doonayey in aan dhakhtarada waydiiyo
cudurkan ama su'aashan aad jawaabteeda sugaysid waana xanuunka
loo yaqaan shimbirta kaas oo calamadihiisa ay ka mid yihiin in qofka afku qaloocdo somaliduna waxay ku sameeyaan markay qofka xanuunkaas
shimbirta ku arkaan dab ayey ku dhedhejiyaan gaar ahaan afka labadiisa
dhinac waxayna aaminsan yihiin inuu qofku dabka kaga ladnaado cudurka shimbirta,
sidaa darteed diktoorada waxaan waydiinaya waa maxay magaca caadiga ah ee caalamka looga yaqaan cudurkan afka qaloociya?
waxaan kale oo doonaya waa maxay sababta qofka marka dabka lagu dhejiyo ama afka labadiisa dhinac laga gubo uu uga reeyo xanuunka shimbirta?
Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Shimbirku?
« Reply #2 on: July 30, 2010, 09:09:58 PM »


Shimbirowga waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Bell's Palsy".
Waa xaalada si degdeg ah ku timaado oo lagu garto murqaha wejiga dhinac u badan ay naafoobaan.
Waxaa calaamadaha ka mid ah: qofka oo isha dabooli karin, afka oo qalloocdo, dareenka wejiga hal dhinac oo ka tago.

Cudurkaan wuxuu ka dhashaa hawlgab ku dhaca neerfaha dareenka siiyo wejiga oo loo yaqaanno "Facial Nerve" taasoo ka imaata caabuq ama dhaawac gaara.

Cudurkaan waa laga raysan karaa iyadoo wax daawo ah loo qaadan usbuuc ilaa 2 usbuuc gudahooda maadaama caabuqii gaaray neerfaha ay ka dageen taasina ma ahan macnaheeda dabkii lagu dhajiyay qofka buu ku bogsooday ee waqtigii caadiga uu ku laaban lahaa ee eebe ugu talagalay ayaa la gaaray, Dadka qaar wuxuu ku noqdaa mid joogto ah oo ma laabto/

La xirii takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan markii aad isku aragtid calaamadaha shimbirowga maxaayeelay daaweyntiisa way sahlantahay markuu cusubyahay laakiin haddii uu ku daaho qofka wuu ku raagaa badanaa.

Haduu qofka ka daawoobi waayo waxuu keeni karaa in isha ay qalasho maadaama aysan daboolmeynin, afkane uu cunnada iyo cabitaanka ka soo daataan maadaama isagane uusan xirmeynin.

Badanaa somalida waxay aaminsanyihiin in afqallooca ama shibirowga uusan lahayn daawo laakiin daawada loo yaqaanno "Prednisolone" ayaa la isku waafaqay sanadkii 2007 in ay tahay daawada ugu fiican waxna ka tari karto cudurkaan shimbirowga laakiin waa haddii sidii loogu talagalay loo qaato iyo qaabkii loogu tala galay.
Fadlan ha qaadan dawadaan iyadoo dhakhtar uusan kuu qarin.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Cabdicaziiz Yussuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Shimbirka / Af-qallooca?
« Reply #3 on: June 10, 2016, 03:02:17 PM »
Doctor hadii uu faruur yaha dhan u badan yihiin oo aad moodid Qofka Marka uu hadlayo in uu afmajeer sanyahay ishiisanu ay xirmeyso ama ay dabool meyso ma la dhihi Karaa afqalooc waaye?  Oo ma jiraa dhaqtar daawen?

Offline Fatxiya1

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Shimbirka / Af-qallooca?
« Reply #4 on: June 13, 2016, 03:39:22 PM »
DRhadii uu cudurkaa ku dhaco haweney uur leh, 5 ilaa 6bil ah.
 maqadan kartaa kaniiniga Prednisolone?
hadii aysan qadankarin maxaa kaloo lagula tacaali karaa?
   

Offline Cabdicaziiz Yussuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Shimbirka / Af-qallooca?
« Reply #5 on: June 17, 2016, 11:19:18 AM »
Dr waa maxay facial nerve shaqadiisuna maxay tahay hadii uu dhib gaaro ma jiraa daawoyin natural ah oo lagu daaweyn Karo

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Shimbirka / Af-qallooca?
« Reply #6 on: July 05, 2016, 11:40:29 AM »
Facial nerver shaqadiisu waa inuu wajiga uu siisaa dareen iyo dhaqdhaqaaqa murqaha, daaweyntu waxay ku xiran tahay dhaawaca gaaray heerka uu yahay iyo nooca uu yahay, way dhacdaa mararka qaar inuu iska fiicnaado uu shaqada di u bilaabo daawo la'aan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66476
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69498
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62424
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46709
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44964
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc