Author Topic: Su'aal: Dhiiga xaydku intee inleeg ayuu ka maqnaankaraa dumarka.?  (Read 59437 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abumohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Walaalayaal anoo ku hadlaya magaca qofkan dumarka ah ee doonaysa inay idin weydiiso su'aal lataabacda xaga nolol caafimaadkeeda ayaa waxay doonaysaa inay idin weydiiso dhibaato ka haysata dhiiga dumarka ka yimaada ee loo yaqaan xaydka ayay waxay isku aragtay inuu dhiigeeedu aanu fadhin sida dumarka dabiiciga ah,  Dr. su'aashaydu waxaa weeyaan xaydku igama yimaado sidii la rabay dadayduna waa 24jir waxaanan isku arkay in uu xaydku iga raago mudo mar mar gaadhaysa 7bilood oo aan dhiig arag markaan u tagay dhakhtarada waxay iyadhaahdeen qaar fikirka badan ayaa keena laakiin anuu wax fikira ma arko waxaanan ahay sida dadka kale, dad iga fikir badan ayaa hela bilwalba, daawooyin waan qaatay qaar wax waan ka gartay laakiin markii aan isticmaalay ee ay dhamaatay mudadii isticmaalku waxaa uu ka bilaabmay halkii uun mana rabo inaan dawo ku noolaado ee haday jirto si kale ii soo sheeg. su'aasha labaad waa lay qabaa oo imikaan guursaday mudo 1bil iyo badha. wax dhibaato ah ma kala kulmikaraa haduu dhiigu sidaas ku maqnaado ama ma heli karaa uur isaga oon iga iman dhiigaasu, mise ma ku lug yeelan kartaa dhibaatooyin kale inuu ii keeno maqnaanshaha xaydku. imisa bilood ayuu qaadan karaa inuu ka maqnaado xaydku qofka dabiiciga ah. KU DARSO DHAKHAATIIRTA AAN LA XIDHIIDHAY MAAHA KUWO DIBADA AH EE WAA KUWA DALKA SOMALIA.

WAXAAN KAA CODSANAYAA Dr. IN AAD SI WANAAGSAN OO FAAHFAAHIN LEH AAD IGU SOO JAWAABI DOONTO HADII AAD KARAYSANA WAXAAN AAD UGU BAAHNAA INAAD SI DEG-DEG AH AAD IGU SOO JAWAABTO.

Thanks & Regards.




Offline Merodiyab

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Dhiiga xaydku intee inleeg ayuu ka maqnaankaraa dumarka.?
« Reply #1 on: August 23, 2010, 05:27:59 PM »
Suaashaada koowaad, dhiiga xeydka oo kamaqnaado qofka dumarka mudo kabadan waxaa sababa waxyaabo kale duwan oo isugu jira cuduro yaryar iyo kuwo waaweynba, kuwaasoo ay kamid yihiin: Qalqal kudhaca meesha laga hago hormoonada koontoroola cycle-ka caadada taasoo ay sababi karaan( stress badan, miisanka qofka oo hoos udhaca  & in saaid loo soo daayo hormoon kamid hormonada kushaqada leh<prolactin>) iyo cuduro systemic ah inuu qofka qabo kuwaas oo ay kamid yihiin thyroid diseaseska & burooyin kudhaca gland ladhaho Pituitary taasoo ah meel laga hago caadada ama procedures lasameeyo mararka qaarkood sida mid ladhaho D&C. sidoo kale daawoyin ayaa keeni kara. waxaa kaloo sabiba kara cuduro lala xiriiriyo minka ama ovary-ga laakiin kuwaas waa yaryihiin.  maadama adiga suaashada ay kujirtay in ay gaarto 7bilood mudada ay caadada kaa maqnaato mararka qaarkood, sababaha aan kor kuxusay ayaa ubadan arinkaas.    xalka waa in si specific ah loo daaweeyo sababta keenaysa maqnaashaha caadada, marka waxa kaloo loo baahanyhay in qofka laga baaro cuduro genetic ah oo lala xiriiriyo xaaladaas. Talo ahaan hadii aad awoodo, isbaar oo sifiican check-up umar maadaama aad tahay qof da'yar, tankale sida ay dakhaatiirta kuu sheegeen waa run oo stress-ka waa sabab weyn oo arinka keenta marka isdeji oo naso, fikirka iska yarey, cuntooyinka nafaqada leh cun, and maadama hada guursatay isku day inaa dakhaatiirta xiriir fiican lasameyso markasta.
Suaashada 2aad: mar kasto oo cudur sii raago dhibaato waa lagal kulmaa, alle ayaase ogaa waxa mustaqbalka dhaca, lkn dhibaatada ka imaad karta sii maqnaashaha dhiiga waxay noqon kartaa mid fudud ama mid xunba taasoo micnaheedu yahay hadii sabatu ahayd wax fudud sida stress iyo wax lamid ah then dhibaatada way fududaaneysaa laakiinse hadii sababtu tahay buro minka kutaal ama cudurkale oo weyn then waxaa laga yaabaa hadii aan waqti hore la ogaaan inay isku bedelaan wax kasii xun sida cancer(ilaah hanaga haayee). helitaanka uurka waxay kuxarantahay sida aan horay usoo sheegay sababta maqneysiinaysa caadada, maxaa yeelay waxaa jira qaar kamida ah kuwaas oo keeni kara inuusan qofka uur qaadin. wareega dhiiga waxaa lagu qeexaa mudada udhaxeysa maalintaa ay caadadu kugu dhacdo ilaa maalinteeda kale oo wareega kale bilaabmayo. sida caadiga ahna mudadaas waa 28maalin, laakiin waxaa dhici karta inuu gaabto sida 21maalin ama dheeraado sida 35 ama 4omaalin taasoo iyadana caadi ah. wixii intaa kadheer ama kagaaban waa wax jiro ah.
Gabagabadii, ilaah haku caafiyo, adigana kudadaal caafimaadkaaga. taxadir dheeraad ah iyo talooyin caafimaadna raadso hada maadaama aad hooyo dooneyso inaa noqoto. dakhaatiirta magaaladana qaar badanoo fiicanaa jiree latasho.

Offline Abumohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Dhiiga xaydku intee inleeg ayuu ka maqnaankaraa dumarka.?
« Reply #2 on: August 23, 2010, 06:10:06 PM »
Waad Mahadsan Tahay Dr. Insha Allah Waxaan Qaadan doonaa Talooyinkaas aad iga soo caawisay.


 

Su'aal: Dhiiga caadada ayaa igusoo laabta bishii dhowr jeeer?

Started by KaltuunBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 10284
Last post May 22, 2016, 07:48:29 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu dareemaa marka dhiiga cas kugu yaryahay?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46618
Last post March 02, 2011, 07:28:00 PM
by Dr. Acromion
Su'aal: Kalyo-xanuun, Macaan, Dhiigkar, Infection-dhiiga iyo Kelestorool?

Started by Mumtaz IsackBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7706
Last post August 08, 2015, 11:07:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Baaritaanka dhiiga malagu ogaan karaa cudur kasta?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9016
Last post October 19, 2016, 07:18:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena dhiiga culus (THICK BLOOD)?

Started by Csamad01Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 9844
Last post June 20, 2011, 01:15:28 PM
by SomaliDoc