Author Topic: Su'aal: balanse socodka oo sax aheen  (Read 15536 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Fooxle

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: balanse socodka oo sax aheen
« on: October 06, 2010, 11:09:06 PM »
A/C salaan ka aad ayaad ugu mahadsan tihin aqoor korosigiina iyo talo bixintiina ajarkeeda allaha idin siiyo intaa ka dib  su asheyda waxe tahay waxaa sanad ka hor caloosheyda dheecaan laga soo qaadayey xanun ama nabar ku dhex yaalay caloosha marka waxa leygu duriya suuxiso  alxamdulilaah waa ka caafimaaday xanunkii  lakiin waxan dareemooyaa in dawadii suuxisada aheed ay raad igu rebtay taas oo ah waxan dareemayaa sida ruux sarqaansan ama socodkeyga ayaa waxan ku jiro in aan mar mar dhan u liicaayo kumana istaagi karo hal lug tusale ahana hadan sarwalka gashanaayo  lug hadan kor u qaado dhanka kale ayana u liicayaa mana qabin cirbadas ka hor  guud ahan ma lee dahay  dawada suuxisada ah  malaga yabaa  insha allaah waxan rajenayaa in aan fahanto hadii aad u bahato fah faahin waa ku soo siin karaa
 wabilaahi towfiiq




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: balanse socodka oo sax aheen
« Reply #1 on: October 26, 2010, 08:06:40 PM »
Walaal cudurka lagugu sheegay muxuu ahaa?
Caloosha dhinacee lagaa qabtay?
Dheecaanka ma mid lagaa soo jiiday mise mid iskiis u soo baxay?
Daawada lagu siiyay maxay aheed magaceeda?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Fooxle

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: balanse socodka oo sax aheen
« Reply #2 on: October 26, 2010, 08:58:43 PM »
Asc
walal adigoo mahadasan waa kuwan dawooyinka magacyadooda hoos ku qoran

Offline Fooxle

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: balanse socodka oo sax aheen
« Reply #3 on: October 26, 2010, 09:19:12 PM »
Walaal cudurka lagugu sheegay muxuu ahaa?
Caloosha dhinacee lagaa qabtay?
Dheecaanka ma mid lagaa soo jiiday mise mid iskiis u soo baxay?
Daawada lagu siiyay maxay aheed magaceeda?

Walal cudurka waxa lagu sheegay TB ama  Qaaxo
Dhanka bidixda dhanka xudunta
Dheecaanka waa leyga soo jiiday
Daawada   Rifampicine 150 marna 300 mg oo capsul, kaniiniyadana kala ah
ISONIAZIDE PCH 200MG Tablet iyo
PYRIDOXINE HCL PCH 200MG Tablet
walal intaa aayan qaatay wixi su'al ahna waa iso weydiin kartaa
wabilaahi towfiiq

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: balanse socodka oo sax aheen
« Reply #4 on: October 26, 2010, 09:40:50 PM »
"Vertigo"  waa balansiga jirka oo luma, baalansiga waxaa laga kontoroolaa qeybta gudaha ee dhegta, taasoo haddii uu dhaawac gaaro keeni karta in qofka miisaanka uu ka lumo, balansigane uu ka qaldamo.

Neerfaha loo yaqaanno "Vestibulocochlear Nerve" oo howshiisu ay tahay laba shaqo oo muhiim ah oo kala ah: maqalka iyo kontoroolidda baalansiga jirka ayaa dhaawac gaari kara.

Waxaana jira daawooyin badan oo keeni kara dhawaaca noocaas ah oo ay ka mid tahay daawada loo qaato qaaxada ee "Streptomycin".

Liicliica iyo wareerka boqolkiiba 30 ayay joogto noqotaa inta kale way ka raystaan.

Daawada cudurkaaga kala xiriir takhtar ku taqasusay ENT-ga (Takhtar Cunaha, Sanka iyo Dhegaha).
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Fooxle

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: balanse socodka oo sax aheen
« Reply #5 on: November 18, 2010, 06:39:14 PM »
Walaal cudurka lagugu sheegay muxuu ahaa?
Caloosha dhinacee lagaa qabtay?
Dheecaanka ma mid lagaa soo jiiday mise mid iskiis u soo baxay?
Daawada lagu siiyay maxay aheed magaceeda?

Walal cudurka waxa lagu sheegay TB ama  Qaaxo
Dhanka bidixda dhanka xudunta
Dheecaanka waa leyga soo jiiday
Daawada   Rifampicine 150 marna 300 mg oo capsul, kaniiniyadana kala ah
ISONIAZIDE PCH 200MG Tablet iyo
PYRIDOXINE HCL PCH 200MG Tablet
walal intaa aayan qaatay wixi su'al ahna waa iso weydiin kartaa
wabilaahi towfiiq


Asc
waxaan aad idinkaga mahadnaqayaa taloyinkiin iyo jawaab celintiina waana qaatay talloyinkiina waxanan la xariiray dhaqtarkeyga wuxuuna ii diray Radiologie MRI   madama  balansiga uu  ku jiro dhagaha MRI ma ku lee dahaya shaqo sida aad mase laga ogaan karaa cilada jirto, waxan dhagaha ka dareemayaa  mid ka mid ah maqalka in uu ku yar yahay mida kale madax xanuun aan la soo kaco subaxdii sida walbo aan early u seexdo  mida kale  marka aan socdo waxan shanqar ka maqla dhagta bidix hoosteeda sida    bal wixii aqoon aad u lee dahay igaga soo jawaab
wabilaahi towfiiq

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: balanse socodka oo sax aheen
« Reply #6 on: November 19, 2010, 11:07:19 AM »
MRI waa baaritaan loo diro bukaannada ka cabanayo warwareerka iyo diidista si loo ogaado inay jiraan cillado kale oo keeni ara dhibaatadaan.

MRI waa raajo casiryeysa oo lagu arki karo waxyaabo badan oo aysan sheegi karin raajada caadiga ah, waxaana laga yaabaa in takhtarkaagu uu fiirinayo in maskaxda wax dhibaato ah aysan ka jirin iyo duleelladaada wejigaaga oo loo yaqaanno "sinuses".
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Fooxle

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: balanse socodka oo sax aheen
« Reply #7 on: January 13, 2011, 03:05:31 PM »
MRI waa baaritaan loo diro bukaannada ka cabanayo warwareerka iyo diidista si loo ogaado inay jiraan cillado kale oo keeni ara dhibaatadaan.

MRI waa raajo casiryeysa oo lagu arki karo waxyaabo badan oo aysan sheegi karin raajada caadiga ah, waxaana laga yaabaa in takhtarkaagu uu fiirinayo in maskaxda wax dhibaato ah aysan ka jirin iyo duleelladaada wejigaaga oo loo yaqaanno "sinuses".


Asc  walal aad ayaad u mahadsan tihin jawabta aad iga soo siisay  lakiin isla wali waxan daba socdaa su alihi ku saabssanaa balansida  waxan soo wada maray MRI  jawaabtana waxa negetive  lakiin wuxu dhaqtarka igu yiri wali jirkaada waxa ku jiro ayaan u maleyneynaa  bacterida   waliba waan kaga shakisanahay  TB   marka wali kuma qanacasni  habka ay ii siinayaan  sababtoo ah 2009 waxay igu dhaheen  bacteriyada  marka ay igu shegayeen  TBda waxey igu dhaheen bacteriyadan wali  ma fahansanid marka  2 sano ka dib ayey hada dhaheen  waxa  kugu jiro  bacteriya waxey dhacan ka qaadee  lafdhabarta iyo dhiig badan  su asha  ma waxa jiro bacteridasa maxey  noqon kartaa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: balanse socodka oo sax aheen
« Reply #8 on: January 18, 2011, 06:58:14 PM »
Qaaxadu waa cudur halis ah lana daaweyn karo.

waxay ku dhici kartaa jirka meelo badan oo ka mid ah sida sanbabada, lafaha, maskaxda, beerka, kilyaha, indhaka iyo xitaa maqaarkaba.
Si lagu ogaado in qofku uu qabo cudurka TBda waxaa lagu sameeyaa baaritaanno kala duwan oo ay ka mid tahay mid candhuufta ah, mid dhiigga ah, mid dheecaanka lafaha, mid maqaarka iyo mid dheecaanka dhuuxdheeraha.

Waxaa kaloo la sameeyaa markii laga shakiyo baaritaannda in la beero dhiigga si loo fiiriyo in bacteeriyada keenta qaaxada ay kugu dambeyso iyo in kale.
Dheecaanka laga qaaday lafdhabartaada waxaa laga fiirinayaa in TBda ay gaartay maskaxda, maxaa yeelay waxyaabaha ay keento TB maskaxeedka waxaa ka mid ah in dhagaha ay beeliso qofka ama ay saameyso shaqada maskaxda.

Haddii aad joogtid meel lagu sameyn akro baaritaannadaas waxaan kugula talinayaa in baaritaannadaas aad sameyso wixii takhaatiirta ay kugula talinayaanne aad yeesho.
Waxaa laga yaabaa in takhtarkaagu uu waxyaabo kale uu kaa baarayo oo xiriir la yeelan karo dhibaatada aad ka cabanayso isagaana xaaladaada la socdo.

Mahadsanid.
Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Lugaha oo i xanuuna qaybta hoose ee socodka

Started by Degan NuurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3606
Last post April 26, 2016, 03:41:56 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Socodka oo badalmo dhib ma keenaa?

Started by Cali AsaaroBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4166
Last post March 30, 2015, 03:55:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hida socodka cudurka SQUINT?

Started by HafidoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3323
Last post September 09, 2015, 01:01:17 PM
by SomaliDoc