Author Topic: Roqor / Honqor (Warts)  (Read 35476 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Roqor / Honqor (Warts)
« on: November 10, 2010, 08:19:25 PM »

Qodoba Muhiim ah
# Roqorta waa infakshan uu keeno fayraska maqaarka gala
# Saddex meelood laba roqorta noocan ahi way iska baaba'aan iyadoo aan wax daawa ah la qaadan laba sano gudahood iyadoo aan wax haar ama astaan ah reebin
# Daawooyinka aan sababin haarta, sida wart paints, ayaa ku fiican in la isticmaalo

Maxay tahay?
Roqorta waxay ku badan yihiin carruurta waxaana keena infakshanka fayraska.
Badanaa kuma dhacaan carruurta aadka u yaryar laakiinse wuxuu ka soo baxaa marka carruurtu soo weynaadaan.
Way adag yihiin, maqaarkana waa ka soo kacsan yihiin waana mid leh qaab qalafsan oo aan sinayn. Inta ay le'eg yihiin wuu kala-duwan yahay kuwa cusubina waxay ka soo baxaan meesha maqaarku ka dhaawacmay.
Waxay ka soo bixi karaan meel kasta oo maqaarka ka mid ah, carruurtase wuxuu uga badan yahay gacmaha iyo ruugaga.
Roqorta calaalaha iyo cagaha cad waxaa loogu yeeraa plantar warts.
Roqortu waxay kaloo ka muuqdaan iyagoo dhibca yaryar oo midab leh ah gacmaha gadaashooda ama wajiga.

Sidee ayaa lagu kala qaadaa?
Roqorta waa infakshin uu fayras keeno fayraskaas oo galaaya maqaarka dushiisa, khaas ahaan meelaha uu horay dhaawac ugu dhacay.
Wuxuu ku faafaa iyada oo si toos ah loo taabto qofkale roqortiisa, waliba haddii uu jirku dhaawac leeyahay. Waxaa kale oo uu ku fidaa si aan toos ahayn.
Fayrasku badanaa wuxuu ku nool yahay meelaha qoyan sida meelaha lagu dabaasho ama dhulka musqulaha qubeyska waxaana la qaadi karaa haddii caga caddaan lagu socdo meelahaan.
Roqortaan ciddiyaha agagaarkooda ayay kaga dhacdaa carruuraha ciddiyahooda qaniina ama bushimaha kuwa farahooda dhuuqa.

Sidee la iskaga ilaalin karaa?
In musqulaha qubeyska la iska nadiifiyo marka la isticmaalo kadib, in aan shukumaanka qof kale lala wadaagin, in aad daboosho roqorta marka aad qubeysanayso ama aad dabaalanayso si aad u yarayso roqorradaas.
Waxaa laga yaabaa haddii aad ku daboosho sharooto inay caruurta ka joojiso inay qaniinaan ama qodqodaan.

Sidee ayaa loo daaweyn karaa?
Saddex meelood marka loo qaybiyo roqorrada ayaa labo meelood oo ka mid ah iska baaba'daa iyada oo aan wax daawo ah lagu sameyn ama aan wax astaan ah reebin.
Sidaas darteed ayeysan muhiim u ahayn in roqor kasta la daaweeyo.
Waxaa fiican in lagu bilaabo daawada la yiraahdo (wart paints) oo farmashiiyaha si caadi ah looga gadan karo,laakiinse waxay u baahan tahay in lagu celceliyo dhowr bilood si ay u baabi'iso roqorta oo gooni goonida ah.
In roqorta lagu qooyo biyo kulul inta aan la marin daawada ka dibna si joogto ah qolofta kore looga fiiqo roqorta ayaa u ogolaanaysa inay daawadu gasho roqorta carjawda.
Haddii ay roqorta carjawda ahi noqoto mid xanuun badan ama welwel keenta, daaweynta dhakhtarka waxaa ku jiri karta in la baabi'iyo ama meesheeda baraf looga dhigo iyada oo la isticmaalayo dareere naytarojin ah.
Si kastaba ha ahaatee tani waa mid xanuun badan kumana haboona carruurta yaryar.
Gubid, goyn, ama in la soo xoqo roqorta ayaan ahayn daaweyn aad loo isticmaalo waxayna keeni kartaa astaan muddo dheer ku oolaataa.

Macluumaadka intaas ka badan waad na weydiin kartaa
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Maanka007

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Roqoq / Honqor (Warts)
« Reply #1 on: February 02, 2016, 06:45:48 PM »
Topical treatment

Topical treatment includes wart paints containing salicylic acid or similar compounds, which work by removing the dead surface skin cells. Podophyllin is a cytotoxic agent used in some products, and must not be used in pregnancy or in women considering pregnancy.

The paint is normally applied once daily. Treatment with wart paint usually makes the wart smaller and less uncomfortable; 70% of warts resolve within twelve weeks of daily applications.


 

Su'aal: Waa maxay xonqorta ama warts?

Started by XikmatulzaidBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6330
Last post June 04, 2017, 01:18:19 PM
by SomaliDoc