Author Topic: Alle barigu waa daawada dareenka murugada  (Read 33323 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Alle barigu waa daawada dareenka murugada
« on: November 10, 2010, 08:59:46 PM »


In la murogoodo ama aan la faraxsanayn waa iska caadi marka ay wax qaldamaan ama uu qof kaa dhinto.
Dareennadaan waxay badanaa la tagaan waqtiga waadna ka soo fiicnaanaysaa.
Haddii dareennadaan ay aad u daran yihiin ama ay saameynayaan nolol maalmeedkaaga in ka badan 2 toddobaad, takhtarkaaga u tag. Daaweyn ayaa ku caawin karta.

Calaamadaha
  • Xiisaha aad u hayso waxyaabaha aad ku raaxaysato oo kaa luma
  • In aad dareento degganaansho la'aan
  • In aad in badan huruddo ama aad hurdi weydo
  • In aad dareento in aad mar walba daallan tahay ama tamar la'aan
  • In aad cayisho ama caatowdo
  • Rabitaanka cuntadu kaa lumo
  • Ay kugu adkaato u kuurgeliddu ama xusuustu
  • Aad dareento rajo la'aan, denbiilennimo, wax laguma-fale ama ciirsi-laawe
  • Uu madaxu ku xanuuno, calooshu ku xanuunto, dhibaato xagga saxarada ah, ama xanuun aan ka soo raynayn marka la daaweeyo
Haddii aad qabtid mid ka mid ah calaamadahaan wax ka badan 2 toddobaad ama aad ka fekereyso inaad naftaada wax yeesho ama kuwo kale, takhtarkaaga u tag. Waxaa laga yaabaa in buufis ama diiqo ku hayso.

Sidee ula tacaali kartaa murugada?
Tallaabada ugu horreysa ee lagu soo bogsoonayo waa in aad alle u carartaa oo aad waydiisataa inuu murugada iyo welwelka uu kaa qaado, waa in aad quraan akhriska badisaa kadibna aad la hadasho qof ku caawin kara. Kaasu waxaa laga yaabaa inuu yahay dhakhtarka ama la taliye. Daryeelkaaga waxaa laga yaabaa in ay ku jiraan daawo iyo la talin.
Halkaan waxaa ah waxyaabo aad sameyn karto oo ku caawin kara:
  • Cun cunto caafimaad leh kana fogow cuntooyinka qashinka ah.
  • Biyo fara badan cab.
  • Ka fogow aalkolo iyo mukhaadaraadka.
  • Isku day inaad hesho 7-8 saacadood oo hurdo ah habeen kasta.
  • Fir-fircoonow, xataa haddii aadan dareensaneyn sidaas.
  • Qorsheyso hawlo maalmeed.
  • Maalin walba bartilmaameed aad sameyn karayso u sameyso, sida hawl yar ama socod gaaban.
  • Ka fogow diiqadda haddii ay suuragal tahay.
  • Ka fogow in aad keligaa noqoto.
  • Ku biir koox taageero oo noqo qof firfircoon.
  • La hadal sheekh ama qof alle ku xasuusiyo.
  • Tuko ama ictikaaf samee.
  • Dareennadaada la qaybso qoyska ama saaxiibbada.
  • Qor fekerkaaga iyo dareenkaaga.
  • Qoyskaaga iyo saaxiibbadaaduba ha ku caawiyaan.
Qoyska iyo saaxiibbaduba way ku caawin karaan.
Ku caawinta qof inuu helo daaweyn waa muhiim. Qofka ku jecel waxaa laga yaabaa inuusan kuu haynin tamar ama rabitaan uu caawino kugu weydiisto.

Daaweynta murugada
Murugada waxay ka dhalataa isbadal ku yimaado dareenka qofka tasoo khalkhal galinaysa dheecaanda maskaxda ay soo dayso oo kontaroolo niyada iyo dareenka farxada ama murugada.
Baaritaano badan oo la sameeyay waxay yaraysay isticmaalka daawooyinka kiimikada ah oo lagu saxo khalkhalka dheecaanadaas ku dhaco qofka bini'aadanka, maxaa yeelay waxaa la arkay in daawadu waxtarkeedu uu ku meel gaar yahay, badanaane ay daawadu waxyeello leedahay.

Sidaas awgeed waxaa soo baxday fikradda ah, haddii qofka lagu caawiyo in si dabiici ah dheecaanadda iyo fariimaha maskaxdu ay u saxmaan in ay xal joogto ah noqon karto, waxyaabaha ugu horeeya oo caawin karane waa inuu qofka helaa awood sare oo uu ku tiirsanaaan karo ama u carari karo markii ay dhibaato soo wajahdo.
Waxaa taa ku sii xigtay in baaritaanu lagu sameeyay maskaxda iyo farqiga u dhaxeeya dadka diinta leh iyo dadka aan diin haysanin, waxaa la arkay in qofka diin heysta waxay rabto ha ahaato inuu si dhakhso ah uga bogsan karo muruqada, diiqada iyo welwelka, ayna aad ugu yar tahay isdilitaanka iyo is waxyeellaynta.
Waxaa halkaa ka dhashay fikrad ah in cilladaha la xiriira niyada in lagu daaweeyo qaab diineed oo kala ah:
1- Faith based management: oo ah macnaheeda in qaab iimaan ama rumayn ahaan in loo daaweeyo sida in qofka lagula taliyo inuu ku xirnaado xarumaha diimaha sida masaajidda, kaniisadaha iyo tambalada.
2- Sprituality - tan oo ah in qofka uu leeyahay jimicsi ama salaad rootiin ah oo uu qofka ruux ku yeesho!, qaar kalane waxay dhahaan "prayer releiving stress" oo ah salaad lagu yaraynayo stress-ka iyo murugada.

Waxa aan taariikhdaa kooban uga sheekaynayo waa in aad dareentaan daciifnimada biniaadanka iyo baahida uu u qabo allihii abuuray inkastoo aanan ku waafaqsanayn qolooyinka fikradahaan soo jeediyay oo ah in diin aan ahayn diinta islaamka in stress lagu daawayn karo! waxaan si dhab ah u rumaysanahay in eebe uu abuuray biniaadanka, uguna talagalay inuu adoon ku xiran u noqdo, haduu qofka uu ka fogaado xarigii alle, way dhib badan tahay in qofkaa uu si sahlan uga bogsado cilladaha saameeya dareenka maskaxda, waana waxyaabo si tijaabo ahaan loo arkay in qofka markuu quraan iyo salaad bilaabo uu si dhakhsi badan uga qaadayo dhibaatooyinkaas oo idil.

Intaa ka dib, waxaan filayaa in aadan u baahanyn qancin dheeraad ah ilaa in aad quraanka isku daaweyso mooyee ama ku daaweyso qofka aad jeceshahay oo ay dhibaatadaan haysato, badso alle bariga oo ku dadaal salaada oo waydiiso eebe inuu murugada kaa qaado.

Siyaabaha aad u caawin kartid qof murugeysan:
  • U bandhigidda qofka aad jeceshahay in uu takhtarka aado. Waad weydiin kartaa su'aalo qoraal baadna ka qori kartaa.
  • Qofka ku martiqaad inuu aado socod ama dibedda u baxo. Niyadda ha ka jebin haddii uu asagu ama ayadu ay yiraahdaan maya. Sii wad inaad weydiiso.
  • Sii taageero dhimir ahaaneed adigoo la hadlaya isla markaana si taxaddar leh u dhegeysanaya. Ha is illowsiin dareennada, laakiin u tilmaan xaqiiqooyinka ugana deeq rajo.
  • Ugu deeq u xaqiijinta in asagu ama ayadu waqti ka dib ay ka soo rayn doonaan.
  • Ha is illowsiin ereyada ama ficillada muujinaya in qofku uu ku fekerayo ineysan noloshu waxba ugu fadhiyin. Ha is illowsiin ereyada ama ficillada ku saabsan dhaawicidda kuwa kale. Isla markiiba caawino ka raadso waaxda gargaarka degdegga ah ee isbitaalka.
La hadal dhakhtarkaaga haddii ay kula tahay in adiga ama qof aad jeceshahay uu qabo dareenka murugada oo soconaya in ka badan 2 toddobaad.

Haddii aad su'aalo qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Daawada Macaanka "Diabates"?

Started by ShucaybBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13396
Last post June 05, 2015, 07:25:34 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawada bidaarta ee "Minoxidil"?

Started by QofcilmijecelBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 12849
Last post September 14, 2017, 05:06:20 PM
by drmire
Su'aal: Daawada lagu cadeysado oo ilkaha lagu nadiifiyo?

Started by Mo DigdigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12152
Last post June 23, 2016, 12:37:12 PM
by SomaliDoc
Daawada "Colgate" iyo Kansarka Mindhicirrada.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 26007
Last post November 20, 2018, 03:32:30 PM
by SomaliDoc
Daawada Artesunate oo Bedesha Quinine Ayaa Sanad Kasta Badbaadin.. (WARBIXIN)

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 34328
Last post April 21, 2011, 08:48:49 AM
by Drkheyre