Author Topic: Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?  (Read 20006 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?
« on: November 10, 2010, 10:43:19 PM »
Asalamu Alaikum,

Waxaan doodaan u furay markaan arkay in wadanka ay ku soo badanayaan jaamacadaha dhigo maadada caafimaadka iyadoo qaar u muuqdaan in loo furtay ganacasi ahaan oo aan safiican looga soo baarandagin.
Taasoo keensanayna in ardaydii ay ku jahwareeraan maadaama warbixin faahfaahsan aysan ka heysan jaamacadahaas, qaar ka mid jaamadacahaas shardi uma ahan in ardayga uu ka soo baxay dugsi sare oo ay aqbalaan haduuba awoodo inuu bixin karo qarashka jaamcadda, ama saacadaha la dhiganayo aysan buuxinayn waqtigii loogu talgalay ee "minimum credit hours".

Jaamcad caafimaad waxay u baahantahay ka fakir badan inta aan laguda galin asaasideeda maadama ay u baahantahay qarash ku filan oo ardaydaas safiican wax loogu baro si hadhowdii aduunka ula saan qaadaan, waxbarashadane ay noqoto mid tayo leh, tababar fiicanne ay u helaan aqoontooda dhakhtareed oo isbitaallo ay ku tababartaan oo jaamcadaas leedahay ama xiriir la leedahay ay jirto maadaama waxa la lala tacaamulayo uu yahay qof biniaadan ah.

Wadanka wuu u baahanyahay takhaatiir inay u soo baxdo oo ka qeyb qaadato daryeelka caafimaad ee bulshada u baahantahay, laakiin taas macnaheedu maahan in dariiq aan laga fakarin lagu tijaabiyo ardayda dooneysa in ay bartaan maadada caafimaadka.

Maadada caafimaadka sanadka ugu horreeyo way sahlantahay wadideeda maadaama wax lagu dhigayo ay yihiin basic science ama basic medical science oo loo heli karo macallimiin dhigi karto laakiin markii loo guda galo sanadaha kale waxaa loo baahanyahay takhaatiir aqoon buuxda u leh maadooyinkaas oo si wanaagsan u bari karo arday ku nool wadan aan xasilneyn qalabkii ku filnaane aan la heysan, waxaa intaa sii dheer waxay u baahantahay jaamcaddaas isbitaal ay ardaydeeda ku tababarato.

Midda kale waxaa la arkay in hal magaalo laga furay 2 jaamacadood oo caafimaad hal bil gudaheeda, taasoo ay dhici karto arday tiro la eg hal jaamcad buuxin kara aysan ka soo bixi karin dugsiyada sare ee magaaladaas oo ah 2 dugsi sare kaliya.

Dhibaatada ay keemsan karto ka fakar la'aanta loo furayo jaamacadaha in ay adkaato wadideeda oo albaabada la isugu dhufto halkaane ay ku lug go'aan ardaydii xamaaseesneed oo dhowrka sano soo waday waxbarashada.

Aduunka markii la furayo jaamcad waxay ubaahantahay in la ansixiyo lana ictiraafo, manhajkeeda oo dhameestiran iyo qarash ay wax ku wadi karto oo ugu yaraan hal loot ay ku soo saari karto ay soo bandhigto kadibne si joogto ahne looga warqabo.

Taladayda waxaan is leeyahay si arday kasta soomaaliyeed oo xiisaynaya maadada caafimaadka u heli lahaa aqoon tayo leh oo wax u tarta mustaqbalkiisa in waxbarashada loogu geeyo gobolkiisa iyadoo jaamcadaha wadanka ka jira oo caafimaadka dhiga sida Banadir iyo Amoud university ay branchs ka furtaan gobollada maamulgoboleedkooda hoos yimaada inta gobol kasto uu magac u raadin lahaa gobolkiisa isagoo asaasa jaamcad magaca gobolka wadato oo laga soo fakarin qaabkii loo sii wadi lahaa oo wax lagu dhisay kaliya lacagaha laga soo aruuriyo ardayda ay aqbali doonto.

Waxaan jeclaan lahaa qofkii ra'yi ka dhiiban kara mawduucaan inuu ku soo dhawaado madasha doodda.

Waxbaro!


Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!


Offline Xukun

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?
« Reply #1 on: November 11, 2010, 12:21:05 AM »
ASsalaamu calaykum.
hadaan ra'yigayga ka dhiibto, waxaan qiyaasaa jaamacadaha caafimaadka ee ku yaala wadanka somalia oo dhan sifiican ayaa lookala yaqaanaa kuwa wax tarka leh iyo kuwa aan tayada badan lahayn. tusaale ahaan jamacada Muqdisho Uni. waxay kaalinta 40-tanaad uga jirtaa jaamacada Afrika oo dhan. qaar kale oo waxaase jira aan wax badan laga baran, lakin qof walba o soo jeedaa wuu dareemi karaa.
anoo kafaaidaysanaayo Fursadaan, dhalinta gudaha wadanka jooga waxan u sheegaa in ay ka faaiidaystaan jaamacadaha kuyaala wadanka oo aysan waxba isku mashquulin kuwa dibadaha ku yaal, sababtoo ah waan aragnay tayada jaamacadaha dibada iyo qaabka loola dhaqmo ardayda soomaaliyeed.
Mahadsanidiin.

Offline Dr.Adnan

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 280
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • “The first wealth is health.”
Re: Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?
« Reply #2 on: November 11, 2010, 01:03:32 PM »
Salamu calaykum

Su'aasha taagani maaha dheef iyo dhib midkee bay leedahay in la badiyo Jaamacadaha lagu barto caafimaadka, su'aashu waxa weeyi, Ma yihiin Jaamacadaha Caafimaadka ee wadanka ka furani iyo kuwa dhawaanta la furayba Qaar dabooli kara tacliinta Caafimaadka? Ma yihiin qaar suurto galinaya tabihii iyo manhajkii qumanaa ee barashada Cilmigan? Ma hayaan Kaadirkii Tacliimiga ahaa ee soo saari lahaa Dhakhaatiir Bari toole dhaxli karta oo dhabarka u ridan karta Baahida ka taagan Dalka hooyo?

Doodan aan u soo laabtee, Sababo dhawr ah ayaan aaminsanahay in ay ka danbeeyaan ama ay hurinayaan tartankan loogu jiro furashada Kulliyad Caafimaad oo ay ka mid yihiin.
  • Iyada oo laga raadinayo Ganacsi, ama manfac dhaqaale.
  • Dadka dhidibada u taaga kulliyadahaas oo intooda badani aan cilmi ama waayo-aragnimo u lahayn qiimaha iyo ujeedada ay xambaarsantahay barashada Caafimaadku
  • Bulshada Soomaaliyeed oo aan lafteedu garanayn halbeegii ay u adeegsan lahaayeen qiimaynta kulliyadahaas tirada badan leh

Iyo Qodobo kale oo badan, Ujeedadaydu waxa ay tahay, Masuuliyada arrintani waa mid wadaag ah oo ka dhaxaysa dhamaan qaybaha bulshada soomaaliyeed ayna tahay in mujtamacu garawsadaan in Qofka dheef ka heli kara ama dhibi ka soo gaadhi karto kulliyadahaasi ay tahay iyaga.

Sida carabtu ku maahmaahdu "Hadii Dabaakhiintu bataan Maraqaa xumaadaa" sidoo kale waxaan aaminsanahay in kulliyadahan Badan laftoodu ay Dhakhatiirtii faro ku tiriska ahayd ee ardayda wax bari lahayd lakala firdhinayo, kuwa cusubna aan la soo wadin.

Hadal badani haan ma buuxsho, Ilaahay baa og sida khayr inoogu jiro, Laakiin Waqti xaadirkan aan joogno xal maaha kulliyada barashada caafimaadka oo la badiyo. Laakiin wax aan xal lama huraan ah u arkaa in la xoojiyo kuwii hore u sii jiray oo iyagu u baahan taageero iyo in lagu garab galo.

Jaamacadaha ay tahay in lagu garab galo hawshooda, run ahaantiina inta karaankooda ah dadaalaya waxa ka mid ah Jaamacada Camuud, Jaamacada Hargeisa iyo Jaamacada Banaadir.
**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**
Hadraawi...

Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Re: Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?
« Reply #3 on: November 11, 2010, 06:31:45 PM »
Caafimaadka halaga daayo ganacsiga!!

Waxaa horay loo aqoon jiray in jaamcadaha wadanka laga furayo lagu bilaabo kuliyadaha ay sahlantahay in la dhigo, laakiin sida uu sheegay walaalkeen "Waxbaro!" waxaa soo baxay jaamacado ka dhigay kuliyadoodii ugu horeysay kuliyad caafimaad.

Mida kale oo qatarta ah oo laga dhawaajiyaya ayaa waxay tahay in jaamcadaha qaar ay qaataan ardayda iyagoo ka soo bixin dugsi sare, anigu waxaan leeyahay kuwaas waa in laga qabtaa bulshada oo waxa ay duminayaan dugsiyadii sare oo aan ognahay muhimmada ay leeyihiin.

Waalidiintuna waa inay ka fakaraan kana taxaddaraan aqoonta ay helayaan caruurtooda.

Mahadsanidiin.
In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer

Offline Abdulrazzak

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 112
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • 1988
Re: Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?
« Reply #4 on: November 11, 2010, 11:44:39 PM »
intii ka danbeysay burburkii dowladii dhexe waxa meesha ka baxay wax walba oo maanta ummada somaliyed u baahan tahay  mida aan maanta ka hadlayno waa  Jaamacado caafimad  runtii somalia dad ayaa u haysta meel aan bina adam ku noolan karin iska daa in uu helo wax barasho jaamcaded .Taas anogoo arkayno ayaa hada waxaa jiro qolo wali ka maarmi wayday in ay lacag ka sameeyaan ummadas dandareysan garbaha u uu hayo dagaal wadayaal iyo kuwa dano gaar leh . Nasiib daradas ayaana ku salaynayaa in aan maanta somaliya ay noqoto mid Jaamacadii caafimad ay ka shaqaystaan qolo xitaa aanan u bilaawnayn  hab dhaqamadka caafimadka Dr. iyo nurse oo wali ka shaqaynayo somalia waxay igu tahay   dhiiri galin wayn oo loo hayo in bal xita la helo meel dhaawaca . tan jaamcaada aad ka hadashay   wax badan kama badalayso mana uu ka jiro wax lagu tilmaamo jaamacad qaabkeda Moqadisho waa un lacag ka samayn dhiiga dadkii ka haray dagaalkii 1991 .
I appreice some somali doctors  who work inside hospital not teaching side ..
Dr. Abdirizak H Mohamed
PharmD KU -PAKISTAN , Msc- KEMU NAIROBI

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Re: Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?
« Reply #5 on: November 17, 2010, 09:35:29 AM »
Sidaan haddii ay ku sucoto sheekada waxay isku badali doontaa jaamcaddii caafimaadka ee reer hebel, maadaama fikradda asaasidda jaamcadahaan ay ka timid badanaa qurbajoogta kuwaasoo doonaya in ay deegaannadooda hormariyaan laakiin hormarinta waxay u baahantahay ka fakar badan.
Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.

Online Dr.Habiib

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 116
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
Re: Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?
« Reply #6 on: December 27, 2010, 08:51:25 PM »
asc
dhamaan bahda caafimaad waa idin wada salaalamay.


marka hore:
waxbarasahada waa asaas nolsaha haddaan wax barasha la helina umada jahli kuma hormarta.
in wax la barta waa waxaan aan wada jecal nahay oo habeen iyo maalin aan ku fikireeyna si wadankanaga uu uduunka kaalintuu ku lahaa aan usoo celina.
taas waa xil na wadaa saaran oo nagu lee yahay waa in wadaa  shaqaynaa si aan u noqana gacma wada jirra.

haddaba markaa aan eeg na wadanka iyo xaaladuu marayaa marna waa murug marna waa( ileys yar oo meel dheer ka soo bidhaamaaya).
mar waa murug wadanki iyo xaalada u maray xataan maanta aan awood loo hayn hooya umilaysa xataa in la badbaadiyo oo asaasiga waa loo yaqaan , ama qof dhiig baxa laga joojiya .
marka in badan waxaa loo bahay in wa barashada la hormariya tayya badan loo yeella .
ma awood maan xataa in aan u hilna 100.000 oo qof oo soomali ah hal takhtar oo degree wata iska dhaaf master.
badbaadin wadan iyo hormarin kaalimaha waxay marayaan meesha ugu hooseeysa.

marka kala waa (ileys yar oo meel dheer ka soo bidhaamaya) oo maan waxaa la hayaa dad wax bartay ha aradaan oo sidaan oo kala dhibaatooyin wadanka ka wada hadlayaa, tani waa tusaala cusub oo ku tusinaysa in ray`gii hore in lag gudbaya oo maanta ay marasa  war maxaaa noo fa`iida in is weydaarsana.
tani waxay ku u qaadaysa wacyiga aqoon yahanada ardaada iyo dhamaan shacabka.

hadda marka aan ku noqda su`aasha dooda:

waxaan ku bilabayaa sida tan.

1.barashada caafimaad waa sidee ( fududeyd ama adayg)?
2.maxaa qabtaa takhtarka ama qofka caafimaadka barta?
3. barasha caafimaadka ma in lacag la hellaa?
 haddii intaan aan ka jawaabna waxaan filaa in aan macna wayn noo siyaaday.
wax barshada caafimaad waa mida jaamacadka ugu waqti dheer oo waxay qadataa illlaa 5 sana ilaa 6 sana hadwalbo system jaamacada ad ka baratid ay ku dhaqan intaa waxaa kuu dheer qarash arday ku baxa waa la jibaar qarash ardayd kalaa. intaaa waxaa kuu dheer waqtiga aan nasayn oo aad u yar waxaa ladaa 24 saax in aad (18saac ilaa 20saac) aad shaqaynayso mara aad jaamacad ku jirta mar aad hospital joogta iyo mara aad aqrin iyo research aad diyaaniaso marka meesha raxa waa ka dhaartahay.

intaa oo dadaaal marka uu galaya ardayga shaqaadiis maxa tahay waa wax ugu wanaagsan oo nafteena ku nasata waa markii aan bad baadina naf dad taas waa hadafka taqtar walbo haddii taas ay jirin ma la samayeen in cudura badan aduunka lag suuliya oo la dabar gooya. niyada taqtarka iyo shaqadiis waa in uu dadka u gargaara oo naftooda badadiyo asoo adeegsanaya cilmiga uu bartay.

haddaba jamacaadkaa cusub maxaa noo keeni karaa:
ani waxay ila tahay waa saraynaa misaaan :
1. haddii loo asaasay aad lacag ku heshid.
  natiijad waxay noqonaysaa murug usoo hooyatay umada soomaliyeed maxaa eelay taqtarka kasoo baxaa ma wata maqayiist caalimaga oo laga raba taqar taa waxaa ka daran meeshii uu naf bad baadin lahaa naf ayuu dilaa sababta jahli ayaa jiro iyo aqooni yari.
qasara kala waxay ku tahay ninkii kanacsi ka dhigtay cilmiga qaybta ugu sarays sababtoo wax walboo hadaf sax aan lagu aasin way dhamaan.

2. haddii loo asaasay in umadda wax loogu qabta:
hadaba wa in wax badan uu tanasulaad la samayaa oo umada si wad siman loogu shaqaaya qof wax la barayaan waa in uu noqdaa qofkii booskaa soo bixaa lahaa uu yahay.
tani waa tan aaan u bahanaya in aan siyaadinaa haddaan nahay bahda wax barata gaar ahaan caafimaada sababtoo wadan aqoonta caafimaadka way ku yartahay. haddii aan dadaalna waxaan filaa in aan wax badan ka badbaadin karna wadanka.
tusaale cudurka malaariyada waa cudur daawa leh lakiin daawada kaliya  wax ma taraysa waxaa loo bahaan yahay in dadka wacyi galiya waqtaya roobabka dhirta in badan ka dheeradaan istixmalaana wax laga gala kaniicada.
waxaa ka mid wax yaabaha wax laga qaban kara oo hadda u badan laaya ( shuban biyoodka).
haddii wax barasha kor loo qaada waxaa laga gud karaa wax badan oo maanta oo loo dhamaanaya.
                      

      waxaan ku soo gabagababayanaya:
              qofwalbo wax barasha ku dadaal meel kasto ay tahay.
  

( illoow dalkoo nabad ah iyo dadkoo caafimaadqaba)
Ethical principles of medical professionalism:
1. Beneficence: to do good to patient.
2. Non maleficence: not to harm the patient.
3. Justice: to be fair to all patients.
4. Respect for autonomy: free decision for the patient

Offline Galad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?
« Reply #7 on: December 30, 2010, 04:01:11 PM »
Asalam calykum wa raxmatula dhamaantiin.

aniga waxaay ila tahay in aysan manfac ulahayn umada soomaaliyeed jamacdo ku sheega ka jira dalkeena hooyo.
waxaan sidaas uleeyahay:

1. marka hore dalka majoogan dhakhaatir khibrad baritaanka caafimaadka (expérience pédagogique et scientifique)?
2. halkee ayeey ka heli karaan dhalinyaradu tababar ama cisbitaalkee ( Formation pratique)?
3. ma leedahay jamacadu dad loogu talagalay inay la socadaan ardaykasta heerka uma maraayo (praticien formateur).
4.qalab tayo leh oo ardayda wax lagu bari karo mahaystaan jaamacadahan. (outils pédagogique)?
5. Etc....( iwm)

waxaan u malaynaa in aan lakoobi karin waxay ay ubaahantay jaamacad caafimaad. Lakin waxaan oran lahaa inta ay dhalinyarta jahwarinayaan waxaa ka haboonayd inay dhahaan waxaan wax barnaa kalkaaliyaal caafimad (assistant de santé). Dadkaa kutaamaya jaamacdahaan waxay yihiin ruunti ( brainwash warlord).

waxaan dhamaantiin idin rajaynayaa sanad wanagsan 2011.
soomaaliya iyo soomalibaa ha noolaadeen. ilaahay nabad ha ina siiyo.

Offline Oorow

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?
« Reply #8 on: January 01, 2011, 02:48:35 PM »
ACW

Wax badan marabo inaan halkaan sheego wixii aan sheegi lahaa waa lasheegay laakiin waxaan idin sheegayaa markii jaamacad caafimaad laga hadlayo waxaa bundhig u ah:

1) Shaybaar ardayga macluumaadka basic ah lagu barayo
2) Isbitaal oo ah kan ugu muhiimsan uu ardayga uu ku baranayo sida medical reports loo qorayo iyo clinical examination-ka( anamnese and objective).

Haddaba xagge maanta somalia Isbital iyo shaybaar at least buuxin kara shuruudahaas ay ka jiraan?
La iskama rabo isbitaal loo bixiyay isbitaal markaan hospital aan ka hadleyno waa inuu qabaa qaybihii muhiimka ahaa ee ardayga uu waxka baran lahaa sida medicine wards, surgery wards, emergency wards, radiology wards etc. isla markaana ay joogaan takhaatiir xirfadahaas taqasus u leh oo ardayga logbook(compentency)  kontroolaya.
Waxaa ila tahay in arrimahaas aan soo sheegay ay aad iyo aad u muhiim tahay haddii laga hadlayo jaamacad caafimaad.

Macsalaama

Offline Kasim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • "Chance Favors Prepared Mind"
Re: Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?
« Reply #9 on: January 09, 2011, 12:56:00 AM »
Anigoon Waqti Badan hayn ayaan intaan uga qaybqaadanayaa doodaan:
1: Waqtixaadirkaan la joogo Waxyar ayaa ka wanaagsan waxla'aan
2: Waxaa Aad u wanaagsanaan lahayd Mu'asisiinta jaamcadahaan oo iswada kaashada kadibna si baahan uga haqabtira bulshada baahida halkuliyad oo qusa sida hadii ay isugu tagaan hal jaamacad oo caafimaadka dhigta waxa ay la imaanlahaayen wax madaxeena ka wayn.
3: Intaan yar ee hada Lahayo waxaa haboon inaan la burburin lana cambaarayn lakiin la isku dayo sidii loo dhoodhoobi lahay oo looga soo saari lahaay Mid ama Labo jaamacadood oo tayo sare leh.
Mahadsanidiin
Kasim
"Chance Favors Prepared Mind"

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Re: Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?
« Reply #10 on: March 06, 2011, 05:46:52 PM »
3: Intaan yar ee hada Lahayo waxaa haboon inaan la burburin lana cambaarayn lakiin la isku dayo sidii loo dhoodhoobi lahay oo looga soo saari lahaay Mid ama Labo jaamacadood oo tayo sare leh.
Mahadsanidiin
Kasim

Brother Kasim, waxay ila tahay badanaa waxaa la isku dhoodhoobi karaa dad ogol in wax la hagaajiyo ama ogba in sida ay wax ku wadaan ay qaldantahay ama ay jirtaba in jid ka fiican midda ay hayaan jirto.
Jaamacad walba oo ka mid ah kuwa laga hadlay oo noocaan ah ma ogola in xitaa jaamacad kale ay midoobaan si waxqabad fiican uga soo baxo, tayaduna wanaagsanaato.
Waxa kaliya oo la isugu keeni karaa waa in qof walba loo balan qaado lacagta uu ka helayo jaamacadiisa mid ka badan inuu helayo maadaama fakarka ka dambeeya furista jaamacadaha ay tahay ganacsi.

Saas ayaan dareensanahay.
Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.