Author Topic: Su'aal: maxaan ku badin karaa biyaheyga shahwada?  (Read 82175 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Ali yare

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: maxaan ku badin karaa biyaheyga shahwada?
« on: November 12, 2010, 06:56:46 PM »
Waxaan waydiin lahaa Takhaatiirta caafimaadka Somalidoc laba
su’aalood oo kala ah: -  

1.   Maxaan ku heli karaa in ay shahwadeydu badato?  yacni marka aan galmo la samaynayo xaaskeyga  in ay iga timaado shahwo fara badan.
2.   Mida labaad qaabkeen ku heli karaa in ay shahwadayda noqoto mid adag oo xaddi leh?

Adinkoo mahadsan ii faahfaahiya labadaasi su’aalood, ma xag dawo ayaa lagu badin karaa shahwada raga ama sidoo kale lagu heli karaa shahwo adag oo xajmi leh, mase xag cunto ama khudaar ayaa lagu heli karaa? labadaasi su’aalood  adinkoo iga raali ah waxaan codsanayaa in aad iga siidaan talo ku aadan kordhinta shahwada iyo in ay noqoto shahwo culus, mana qabo wax caafimaad dato galmo nooca ay doonto ha ahaatee, Alle mahadi.

Thanks

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: maxaan ku badin karaa biyaheyga shahwada?
« Reply #1 on: November 19, 2010, 10:44:12 AM »
Waxaa shahwadaada ku badin kartaa adigoo cabitaanka badsado, galmadaadane kala fogeysid.
waxaa laga yaabaa inaad maqashay inay jiraan daawooyin ama cunno la cuno oo badiso shahwada, taasi wax la hubo maahan.
mida kale shahwo badan kuma xerno tarnakaga oo bato ama islaantaada inay uur horay ka qaado.

Halkii milliliter oo shahwo ah waxaak u jira in ka badan 20 milyan oo xawo (sperm) ah. wuxayna ugxanta u baahantahay kaliya hal sperm inuu bacrimiyo si ay islaanta uur u qaaddo.

Su'aashaada labaad ee adkaashaha shahwada ma ahan calaamad caafimaad, shahwada oo adkaato waxay calaamad u tahay in hormoonka ragnimada ee "testerone" uu yaraaday ama aad u fuuqbaxday.
haddii aad isku aragtid shahwo adag oo aadan isku aqoon jirin la xiriir takhtar.

Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   
Offline Cawil Baashe

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: maxaan ku badin karaa biyaheyga shahwada?
« Reply #2 on: November 29, 2010, 07:30:49 AM »

acwr
salaan kadib aad baan idinkaga celinayaa dadaalkiina.

walaale cabitaanada shahwada badiya maxaa ka mid ah?
 
noocyada cabitaanada ee shahwada badiya ayaan doonayaa in aan ogaado.

mahadsanid

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: maxaan ku badin karaa biyaheyga shahwada?
« Reply #3 on: November 30, 2010, 06:31:26 PM »
Ma jiro cabitaan gooni ah, laakiin waa wixii dareere oo la cabo oo dhan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   
Offline Abdirashid_makaran

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: maxaan ku badin karaa biyaheyga shahwada?
« Reply #4 on: December 24, 2015, 04:47:39 PM »
Asc Hahda somali Dors  Isbuci halmar Ayan sigeysta cafimadkeyga maxey usababi karta waxana raba in an jojiyo lakin wan jojin wayay marmar waxan darema ilowsho iyo warer

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: maxaan ku badin karaa biyaheyga shahwada?
« Reply #5 on: January 11, 2016, 03:41:53 PM »
Fadlan iska jooji siigada uma roona caafimaadka, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan dhibaatooyinka siigeysiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html