Author Topic: Su'aal: maxay ku kala gedisan yihiin Dopamine & Tyrosine?  (Read 5927 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: maxay ku kala gedisan yihiin Dopamine & Tyrosine?
« on: December 15, 2015, 07:38:40 PM »
Marka hore waan salaamayaa diktoorada iyo dhammaan hawl-wadeenadda webka somalidoc.com

Intaa ka bacdi waxaan diktoorada waydiinayaa su'aal ii muhiim ah waana sidan: maxay kala yihiin labada nooc ee kala ah (Dopamine iyo Tyrosine), siday isu saameeyaan shaqadooduse maxay ku kala duwan yihiin, qofkana maxaa ka yarayn kara, ama sidee buu u heli karaa?.
Waad mahadsan tihiin wll.


Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: maxay ku kala gedisan yihiin Dopamine & Tyrosine?
« Reply #1 on: December 18, 2015, 08:34:14 PM »
Dopamine waa walax kiimiko ah oo ka tirsan koox loo yaqaano "catecholamines" oo howl muhiim ah jirka u qabto khaas ahaan maskaxda.
Markii maskaxda la joogo, dopamine-ku wuxuu u shaqeeyaa sidaa farriin-qaade neerfe kaasoo ka kala goosha neerfayaasha isagoo u kala gudbiya dhambaalada kala duwan.
Dopamine-ku markuu jirka ku bato wuxuu keenaa farxad iyo raynrayn iyo raaxo la dareemayo waana sababta badanaa daroogadu ama daawooyinka lagu walfo ay sare ugu qaadaan maadadaan.

Doapmine-ku wuxuu howlo kale oo muhiim ah ka ciyaaraa meelo kale oo jirka ka mid ah sida xididada dhiiga, taasoo keenayso inuu waasiciyo markii uu jirka u baahdo.
Wuxuu kaloo ka howlgalaa kilyaha wuxuu kaadida ku badiyaa maadada cusbada ee Sodium, wuxuu kaloo sare u qaadaa soo saarista hormoonka insulinta isagoo saameeyo Ganaca.
Dopamine-ku wuxuu kordhiyaa dhaqdhaqaaqa mindhicirrada, wuxuuna ilaaliyaa xuubka mindhirka iyo caloosha.
Wuxuu kaloo dopamine-ku ka shaqeeyaa habdhiska difaaca jirka.

Sidaas awgeed dopamine-ku wuxuu aad muhiim ugu yahay jirka bini'aadanka, xanuunada saameeyane waxay keenaa dhibaatooyin badan sida xanuunka 'parkinson's disease' akhriso waxa uu parkinson yahay?: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2393.0.html

Dopamine-ku isagoo daawo ahaan loo siiyo way jirtaa dadka uu ku yaryahay ama u baahan, waana daawo isbitaallada kaliya lagu isticmaalo oo farmashi caadi ah laguma gado.
Warbixinta ku saabsan dopamine-ku ma ahan wax lagu soo koobi karo halkaan, laakiin haddii aadan bahda caafimaadka aadan ka tirsanayn inta ugu muhiimsan oo aan is leeyahay waad u baahan tahay waa intaas.

Tyrosine-ku wuxuu ka mid yahay 22-da waxyaabood ee laga sameeyo protein-ka khaas ahaan proteinada dhambaalada jirka u kala goosha sida hormoonada.
Waana wax cunnada laga helo khaas ahaan digaaga, kalluunka, caanaha, lowska, sisinta, mooska, avocada-ha iyo caano fadhiga.
Tyrosine-ku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha laga sameeyo dopamine-ka iyo wixii la mid ah.
Dadka ay ku yar tahay maadada tyrosine-ka waxay ka sheegtaan caajis badan, diiqada, hargabka iyo hurdo xumida.

Haddii ay jiraan faahfaahin ku saabsan wax aad fahmi waysay ama su'aal la xiriirto jawaabtaan waad na soo waydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Barkhat

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 46
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: maxay ku kala gedisan yihiin Dopamine & Tyrosine?
« Reply #2 on: December 24, 2015, 09:32:39 PM »
Aad iyo aad baad u mahadsan tahay diktoore, si fiican baad iigu sharaxday maadada dopamine-ka, intaa ka dib diktoore

Laba su'aalood oo gaagaaban baan kaa codsanayaa inaad iga caawisid waxayn kala yihiin:

Dopamine-tu haday qofka ku badato dhibaato caafimaad ma keeni kartaa, mar haday yaraansheheedu dhib keeni karto badnaanshaheedana ka waran.

mida kale qofka haday farxadda iyo rayraynta u kordhinayso dopamine-tu maxaa dabiici ahaan ama cunto ahaan la isticmaali karaa si loo helo dopamine badan.

2--Su'aashayda labaadna waxa weeye: Tyrosine-tan laga helayo caanaha, avacados iwm. ma iyadaa dopamine-ta kordhisa oo waa isha dopamine-tu ka korodho oo tyrosine-taas ayaa wixii kordhinaya lagu dedaalayaa marka loo baahdo in dopamine-tu badato si farxadda iyo firfircoonidu u korodho.

Mise shaqadoodu way kala gedisan tahaye anigaa isku qaldaya?.

Waad Mahadasan Tihiin Walaal!
Dhamaan Ummada Soomaaliyeed, Waad Wada Salaamantiin Meelkasta Oo Aad Joogaan.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: maxay ku kala gedisan yihiin Dopamine & Tyrosine?
« Reply #3 on: January 11, 2016, 04:22:52 PM »
Dipamine-tu badanaa ma iska badato illaa inuu qofka ku dhasho iin ama cillad xakamayn lahayd domapine-ka in la waayo mooyee.
Sidaas awgeed wax aad loo arko ma aho, waxyaabaha la filan karo haddii ay sidaa dhacdo waa laba mid:
- In qofka uu firfircooni iyo nashaad uu yeesho oo ah "positive symptoms"
- In qofka uu yeesho aamusnaan iyo ka go'id bulshada oo ah "negative symptoms"

Midda kale qofka inuu dareemo farxad iyo raynrayn ma ahan wax dopamine kaliya ku shaqo leh, arintu intaa way ka wayn tahay.

Su'aasha labaad, sida aan kor ku soo tilmaamay, waxyaabaha dopamine-tu ay ka samaysan tahay ayaa waxaa ka mid ah tyrosine, laakiin macnaheedu ma ahan in ay tahay isha dopmaine-tu oo haddii aad badsatid caanaha iyo avocada-da in aad domapine badan helayso.

Wixii faahfaahin dheeraad ah fadlan dib ugu laabo jawaabtii hore.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66640
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69659
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62591
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46848
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45088
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc