Sanad walba, 24 bisha oktoobar waxaa la xusaa "Maalinta Cudurka Dabeysha". Guddiga Dabagalka Madax bannaan ee Cudurka Dabeysha, ayaa ku kulmay Magaalada London bishaan Oktoobar si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray dabargoynta cudurka dabeysha. Warbixinta guddigaan ayaa la filayaa in la soo daabaco todobaadyada soo socda.
Hadaba, Dunidu waxay hal tallaabo u jirtaa, in la ciribtiro cudurka labaad, ee Aadanaha ku faafa, oo ah cudurka Dabeysha. laga soo billaabo sanadka 1988dii, horumar la taaban karo ayaa laga gaaray, in la ciribtiro cudurka Dabaysha.
Fayruska sababa cudurka Dabeysha, waxuu shaac/gaar ku ahaa 128 dal, balse, hadda waxuu gaar ku yahay saddex waddan, oo kala ah:-Afghanistan, Nigeria iyo Pakistan. Dalka Nigeria ayaa la filayaa, in laga saaro liiska waddammada uu cudurka Dabeysha gaar ku yahay, waayo, 12 bilood ayey xor ka yihiin cudurka, laga soo bilaawo 24 luuliyo 2014.
Cudurka Dabeyshu, waa cudur uu keeno feyrus, ku dhacaa caruurta iyo dadka waweynba, waxaa laga qaadaa afka. Dabayshu waxay dhalin kartaa xanuun yar ama astaamo sahlan, waxay waxyeellaysaa habdhiska neerfayaasha iyo dheefshiidka, kadibne waxay dhalisaa curyaannimo joogta ah.
Sanadkii 1997dii, ollalaha dabargoynta cudurkan ayaa ka bilaabmay Soomaaliya, balse, bishii maarso 2007dii, ayaa Somaaliya waxay awooddey, in ay joojiso faafidda cuddurkaa, waxayne xaqiijisey, in dalku uu ka xoroobay cudurka Dabeysha. Ka dib lix sano, cudurka Dabeysha ayaa Soomaaliya lagu arkey bishii maajo 2013kii, markii ugu horreysey muddo lix sano ah.
Bishan agoosto 11keeda, labo iyo toban bilood ayaa ka soo wareegtey markii ugu dambeysey, ee Soomaaliya lagu arkey qofqaba cudurka dabeysha, haseyeeshee, ma ahan markii ugu horreysay oo soomaaliya laga waayo cudurkan. In kastoo uu warkan wanaagsan yahay, horumar la gaarey ay tahay in cudurkii dabeysha la xakameeyey, laakiin, su'aasha qofwalba isweydiinaayo ayaa ah: maxaa loo baaba'in la yahay cudurka dabeysha?.
Amnidarrada, nidaamyada caafimaadka oo daciif ah, nadaafad-xumada, baahsanaan tatallaalka oo aad u yar iyo tirada dadka hela tallaalka joogtada ah, oo aad u hooseysa. Arrimahan oo dhan ayaa u sabab ah, in la ciribtiri waayo cudurka Dabeysha.
Taxaddar dheeraad ah ayaa lo baahanyahay, maadaama hawshii lagu dabargoynayey cudurkaaan weli la dhammeyn. Arrimahan soo socda, ayaa ah siyaabaha caafimaad ugu habboon oo loo xallinkaro caqabaddaha ah:
- In la xoojiyo tallaalka carruurta ee caadiga ah, gaar ahaan tallaalka dabeysha.
- In la Sameeyo hawlaha tallaalka dheeriga ah, sida: olole ballaaran iyo isbuuca tallaalka, si ay carruurta da'doodu ka yar tahay 5 sano jir u helaan tallaalka.
- In la xoojiyo nidaamyada lagula soconayo cudurka Dabeysha, si aan u cudurka u sii fidin.
Samaynta olole tallaal oo guri-ka-guri ah, gaar ahaan goobaha cudurku ka jiro, si carruur kasta oo ku nool guri kasta ay u helaaan
tallaalka
- In la ilaaliyo nadaafadda shaqsi iyo mid bulsho, waayo, fayadhowrka wanaagsan ayaa ah qaab looga hortegi karo faafiddiisa iyo cudurro kalaba.