Author Topic: Faaqidaada Buuga, Book Review:- Daryeelka Caafimaadka Hooyada iyo dhalaanka  (Read 294083 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dr.Adnan

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 280
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • “The first wealth is health.”
Qoraaga Buuga:-


Professor Maxamed Xaddi Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Gabilay,oo xiligaa hoos iman jirtay mustacmaradii Ingiriska , sanadku markuu ahaa 1944.

Waxa uu ku qaatay wax barashadii Hoose iyo dhexe magaalooyinka Borama iyo Hargaysa .

Sanadku markuu ahaa 1960 waxa uu ku biiray Dugsigi sare ee Nursing ka ee Magaalada Hargaysa ,si kastaba ha ahaatee wuxuu Dr. Xaddi ku biiray Kuliyadii Macalinimada Ingiriiska ee ku Taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ,waxaana ugu danbaystii lagu abaal mariyay (Diploma of Senior Education in Anatomy ,Physiology and Hygiene ).

Waxa uu Dr . Xaddi kasii waday Wax barashadiisii sanadihii 1965-1972 isaga oo aaday wadanka Ruushka halkaas oo ku diyaariyay (M.D Degree of Medicine )

Mar labaad waxa Dr.Xaddi dib ugu laabtay wadanka Ruushka sanadii 1975 si uu isii wado dadaalkii uu ugu jiray inuu helo Master iyo PHD  oo caafimaadka la xidhiidha .

Dr.Xaddi waxa uu noqday caawiye Professor kuliyadii caafimaadka ee magaalada Muqdisho , waxa uu ku takhasusay Dhalmada cudurada la xidhiidha ee cisbitaalka Banaadir .

Intaa ka dib waxa loo diray wadanka Maraykanka Jaamacad ku taal oo la yidhaah John Hopkins ,waxa uuna ka soo qaatay shahaadada Maaraynta lamaanaha is qaba ee aan dhalayn sanadii 1979 .

Dr. Xaddi waxa uu noqday madaxa qaybta cudurada la xidhiidha dhalmada ee cisbitaalkii Banaadir ee magaalada muqdisho.

Intan danbe waxuu uu yahay Professor Booqda jaamacadaha, waxana uu ka soo shaqeeyay wadanka Djibouti April 2004 ilaa August 2005.

Dr.Xaddi  waxa uu hada ku noolyahay cariga ingiriiska isaga oo ka mid ah dhakhaatiirta ugu waawayn ee wadanka Somalia.

Hordhaca buuga

K a dib markii aan arkay isla markaana aan akhriyay buugan uu qoray Dr. Maxamed Xaddi Axmed waxaan arkay inuu waafaqsanyahay siyaasada wasaarada caafimaadka eek or u qaadida aqoonta Umullisooyinka ,kuwa xirfadlayaashaah iyo kuwa dhaqmeedba ,waxaa kale oo uu buugani wax ka tarayaa kor u qaadida aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo guud ahaan tan dadwaynaha .

Sidaa awgeed waxaan u soo jeedinayaa in dhakhaatiirta kalian ay ku daydaan Dr. Xaddi oo ay iyaguna wax ka qoraan lamaanaha kala duwan ee ay takhasuska u leeyihiin ,gaar ahaana kuwa ay tilmaamaha ka bxisay wasaarada caafimaadku , si aqoonta caafimaadka ee shaqaalaha wasaarada iyo dadwaynaha kor loogu qaado .

Buugan Daryeelka Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanku waa buug muhim ah oo gacan ka gaysanaya kor-u qaadida aqoonta guud ee caafimaadka dadwaynaha .gaar ahaan waxa uu buugani kaalin muhim ah ka qaadanayaa daryeelka iyo horumarinta caafimaadka haweenka iyo dhalaanka , Qoraha buugani ,Prof. Maxamed Xaddi Axmed ,waxa uu takhasus sare ,aqoon xeel dheer iyo waayo aragnimo balaadhan oo muddo dheer uu ku kasbaday u leeyahay cuduradda haweenka ,iyo dhalaanka.sidaa awgeed waxaa dad badani oo isugu jira kuwa hawlaha caafimaadka xidhiidh la leh iyo khuburo kaleba kula taliyeen in aqoontiisa dheer ee daryeelka caafimaadka Hooyooyinka iyo dhalaanka uu wax ugu soo gudbiyo dadwaynaha.

Talooyinkaas ka dib ayaa waxa uu markii ugu horaysay uu soo saaray buugan iyo qaar la mid ah ,buugtaasi oo uu si guud wax ugaga soo tabinayo dadwaynaha aqoon guud oo la xiodhiidha daryeelka caafimaadkooda .

Isku soo wada duuboo buugan oo aad ka heli karto meel kasta amaba dukaanada ibiya buugaagta ,waxaana iga talo ah in uu yahay buugani mid xanbaarsan cilmi balaadhan ayna muhim tahay in aad wax ka taqanaa daryeelka caafimaadka ,


**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**
Hadraawi...


Offline Ahmedabdiok12

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Daryeelka Caafimaadka Hooyada iyo dhalaanka
« Reply #1 on: November 02, 2017, 11:13:46 AM »
Sideen buugaan ku heli karaa


 

MAXAA KA OGTAHAY Shaqaalihii Caafimaadka ee lagu dilay Soomaaliya 1991 - 2009?

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 3
Views: 49701
Last post September 10, 2015, 04:45:26 PM
by Mo Digdig
Wasaaradda Caafimaadka oo hubineysa tayada Dawooyinka dalka soo gala

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 19419
Last post May 01, 2011, 08:00:58 PM
by Drkheyre
Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Dawo ah gaarsiisay qaar ka mid ah Cisbitaallada..

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 18679
Last post May 05, 2011, 01:49:29 PM
by Drkheyre
Su'aal: Kiniinka awooda galmada maxuu udhimi karaa caafimaadka?

Started by TimocadeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35997
Last post March 31, 2017, 07:43:12 PM
by SomaliDoc
Sidee buu nidaamka caafimaadka maskaxdu u caawin karaa?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 25731
Last post March 15, 2008, 05:47:54 PM
by SomaliDoc