Author Topic: Su'aal raga quseeyda?  (Read 21973 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cawil Baashe

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal raga quseeyda?
« on: November 11, 2010, 09:49:16 PM »
Assalaamu caleykum W W.

salaan kadib waxaan aad ugu mahad celinayaa bahda caafimaadka Somalidoc.

Ugu horey Magaceygu waa Cawil waxaan jeclaan lahaa in aan Takhaatiirta ama khuburada caafimaadka waydiiyo  su'aal ah:

Waxaan sameeyaa marar badan in aan taa-taabto ama aan jiid-jiido Guskeyga, anoo sidaasi u sameynaya laba arimood, waa tan koowaade anoo ula jeeda bal in ay dheeraato xubinteyda taranka ayaan u jiid diidaa mar kasta. Tan labaadna waa anoo marka aan dareemo dareen kacsi ayaan gacanta ku qabtaa xubinteyda taranka oo aan jiid-jiidaaa, mana sameeyo haba yaraatee waxa loo yaqaan Siigeysi, basle intaan madaxa ama dhexda guskeyga qabto  ayaan aad u jiid-jiidaa xubinteya taranka.

Hadaba, maxaan kala kulmi karaa jiid-jiidistaan aan ku sameeyo xubinteyda taranka, wax caafimaad daro ah ma leedahay arinta jiid jiiditaanka xubinteyda taranka, mase ka helayaa jiid-jiiditaanka natiijada ah in uu soo dheeraado?

waxaan jeclaan lahaa in aad iga siidaan jawaab dhamistiran iyo tafaasiil ku filan arinta ah guska oo la jiid-jiido iyo caafimaad ahaan wax ay keeni karto, mida kale jiid-jiidista ma keenaysaa in uu soo dheeraado guskeyga?

mahadsanidiim




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal raga quseeyda?
« Reply #1 on: November 19, 2010, 10:05:47 AM »
Jiid-jiidiska xubintaada kuma dheeraato wax caafimaad darro ahna ma keento.

Taataabshada ama jiidjiidka xubinta waa dareen fal-naq (Reflex) oo ragga sameeyaan xaalado dhoor ah oo ay ka mid tahay markii ay dareemaan xaalad kacsi ama xaalad diiqo ama caajis.

Taataabshada xubinta waa ay ku kala duwanyihiin ragga, qaar ayaa joogto ka dhigto oo aanan ka warqabin xitaa inay samaynayaan caadadaas oo laga yaabo meel dad joogaan inuu ku sameeyo, badanaa dadka noocaas ah waxay ka soo bilaabataa caruurnimadooda iyadoo caruurtu badanaa iyagoo yaryar ay bilaabaan inay ku ciyaaraan xubnahooda markaana ay saa ku waynaadaan.

Badanaa caruuruta hadii lagu arko caadadaan waxaa lagula taliyaa in aysan dadka hortooda aysan ku sameynin oo ay ceeb tahay, markaa iyagaa ka go'ayo.

Caafimaad ahaan wax dhibaato ah ma keento jeedjeediska iyo taataabashada xubintaada.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Cawil Baashe

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal raga quseeyda?
« Reply #2 on: November 22, 2010, 09:45:14 AM »
Ac wr wb
salaan kadib: aad iyo aad baan idinkaga mahad celinayaa jawaabti aad iga siideen jawaabtii hore.

Takhaatiirta  waxaan mar kale ka codsanayaa faahfaahin su'aal aan hore u soo waydiiyey, islsa su'aashii hore walaale, jiid-jiidista guska caafimaad ahaan wax dhibaato ah ka keeneyso waad ii sheegteen waad ku mahadsan tihiin,

laakiin jiid -jiidista wax jileec ah mau keenaysaa guska ama in jiid-jiidista guska jilciso ma sababi kartaa?

mahadsanidiin

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal raga quseeyda?
« Reply #3 on: November 30, 2010, 06:36:31 PM »
Jiid-jiidista wax jileec ah uma keento xubintaada.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Shaaha cagaaran oon sonkor lagu darin dareenka raga ma kordhiyaa?

Started by Cali AsaaroBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7858
Last post June 05, 2015, 06:39:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa sababa xanuun ku yimaada raga xiliga galmada?

Started by Shamso MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20665
Last post September 16, 2015, 02:20:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xiniinyaha raga miyey kala weynaan karaan si dabiici ah?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18421
Last post January 07, 2012, 02:02:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jirtaa dawada raga ka joojiso inay ilmo dhalaan?

Started by LaabtaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 8267
Last post May 19, 2012, 04:33:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa adkeeya xubinta raga isaga oo aan isticmaalin viyaagaro?

Started by Nuur2022Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47013
Last post March 22, 2016, 04:25:52 PM
by SomaliDoc