Author Topic: Qandho ama Xumad (Fever)  (Read 20519 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Qandho ama Xumad (Fever)
« on: September 28, 2007, 06:57:32 AM »
Hadii cunugaaga korkiisa uu kululyahay, waxaa dhici karta iney heyso waxa takhaatiirtu ay dhahaan "Qandho".
Takhaatiirtu waxey ku cabbiran heer-kul-beeg (thermometer).
Haddii heer-kul-beega uu sheego 100.4F (38c), taas macnaheeda waa cunuga waxaa haya "Qandho", jirkoodana waa ka kululyahay siduu caadiyan ahaan jirey.
Sida badan taas micnaheeda waa in cunuga uu jiran yahay.
Mararka qaar ilmaha waa qandhadaan marka la talaalo kadib.
Mararkalena ilmaha jirkooda waa kululaadaa markey si xog u ciyaaraan ama ay wataan dhar badan mana jiran.
"Qandho" iyada kali ahaanteed dhib ma aha. "Qandho" waxaa dhici karta in ay jirka ka caawineyso inuu la dagaalamo infegshan.

Siduu cunugaaga yahay dhaqdhaqaaqiisa ayaa ka muhimsan heerka ay jogto qandhadiisa. Hadii cunuga ay heyso "Qandho" ah 103F, lakiin uu faraxsan yahay, ciyaarayo una wax cunayo, ilmahaas waxaa dhici karto inuu fiican yahay.
Hadii cunugaaga ay heyso qandho gareyso 101F oo kaliya, lakiin ay dhib ku tahay neefsashada ama aad u hudeysan yahay, isaga ama iyada waxaa dhici karta iney jiran yihiin.

Marka waa inaad caawisaa cunugaag qandhada sidey uga jabi laheed:
  • Dhar fudud u xir. kubertada si fudud ugu duub.
  • Ku day in uu cabbo cunuga cabitaan badan.
  • way fiicantahay inaad saartid shukumaan qabow cunugaaga wajigiisa, Ha isticmaalin biyo qabow, baraf ama alkolo.

Fadlan si deg-deg ah u gaar takhtarkaaga hadii arimaha soo socda aad aragto:
  • Sr adeeg, madax xanuun, ama iskudhex yaac.
  • Qarqaryo ama qabow.
  • Hurdo Saa'id ah.
  • Ohin Saa'id ah.
  • Neefsashada oo dhib ah ama shanqareyso.
  • Firiiric buluug iyo gud-guduud ah.
  • Haddii cunugaaga uu ka yaryahay 3 bilood ayna heyso qandho ka badan 100.4F(38C).
  • Haddii cunugaaga uu qadhan yahay 3 maalmood ka badan.
  • Haddii cunugaaga uu hayo xanuun (xitaa markii uu qaato kaniini qandho jabis ah).
  • Haddii cunugaaga uu kula muuqdo inuu jiran yahay, ama aad ka walwasho.

Ugu dambeyntii, WALIGAA ha siin cunugaaga asbirin, inuu takhtarka ku faro mahee.

Mahadsanidiin
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Deeqcali

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Qandho ama Xumad (Fever)
« Reply #1 on: May 11, 2011, 11:10:59 PM »
Asc bacda salaan waxan idin weydinaa aspariinka muxuu dhibaato leeyahay hadi la siiyo ilmaha waxan maqli jiray in asparaha qofka asago yar lagu bilaabo oo aan lasiin kaniinyada kale sida banadaha wuxuu ka caawiyaa wadna xanuunka oo inta badan kuma dhaco idinkuna waxad dhahden hasin cunugaaga asparo adigon dhaqtarka kala tashan fadlan iga jaahil bixi anigu waxan siyaa hadi qandho qabato asparo

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Qandho ama Xumad (Fever)
« Reply #2 on: May 14, 2011, 10:27:26 PM »
Caruurta da'doodu ka yartahay 12 jir lama siiyo Aspirin maxaa yeelay wuxuu u keenaa cudur halis oo dilaa ah kaasoo asiibo maskaxda iyo beerka oo lagu magacaabo "Ryes Syndrome".

Caruurtaada ha siinin kaniiniga Aspirin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Deeqcali

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Qandho ama Xumad (Fever)
« Reply #3 on: May 15, 2011, 11:14:05 PM »
Waad mahadsan tahay doctor ma siinayo aspirinka hada ka dib


 

Su'aal: Cudurka Dengue fever maxaa soomali lagu yidhaahdaa?

Started by Farhan09Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9271
Last post January 07, 2012, 02:24:29 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Lugo Qallooc Qandho iyo Xanuun Leh?

Started by TowfiiqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 15244
Last post January 13, 2009, 10:21:14 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qandho badan oo ilaa mudo

Started by Osman77Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10994
Last post August 13, 2010, 03:37:22 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhaxan aan i dayneyn iyo qandho lafaha ah?

Started by HannahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7183
Last post November 10, 2012, 12:18:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qoor xanuun iyo Qandho qabow?

Started by KamaalYareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8031
Last post March 05, 2016, 12:31:35 PM
by SomaliDoc