Author Topic: Buruseelka (Brucellosis)  (Read 53742 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Buruseelka (Brucellosis)
« on: September 01, 2009, 02:20:23 PM »


Waa maxay brucellosis?
Brucellosis waxa cudur jeermiska bakteeriya ay keento wuxuuna ku dhacaa noocyo badan oo xoolaha kala duwan, waxaa ku jira Idaha, riyaha, lo'da, deerada, eeylada, doofaarka, iyo eeyaha.
Hase yeeshee, cudurka waxuu ku hici kara dadka asaga oo calaamooyinkiisu u eg-yihiin haragabka.
Dadka qaba brucellosis waxa lagu gartaa qandho, dhidid u badan habeenkii, madax xanuun, dhabar xanuun, iyo tabar yari ku timaada jirka.  Cudurka marka uu xumaado wuxuu gaaraa neerfayaasha iyo xididada wadnaha, markuu neerfaha gaaro waxaa la dareemaa ilawsho badan, wareer iyo jihooyinka oo kaa luma.
Nooc ka mid ah cudurka waxa keeni kara calaamooyin qaata waqti-dheer, waxa ku jiraan qandho kulul, xubno xanuun, iyo daal aad u daran.

Calaamooyinka waxay soo bixi karaan waqti kasta laga bilaabo 5 ilaa 60 maalmood ka dib marka cudurka ku dhaco qofka.
Inkasta oo cudurka brucellosis uu kaa dhigi karo qof aad u xanuunsan. Haddana aad bay u yartahay in uu noqdo cudur dilaa ah.

Sidee dadka u qaadaan cudurka brucellosis?
Dadku waxay bakteeriyada cudurka brucellosis ku qaadi karaan
  • Cunid ama cabid cunto taabatay bakteeriyada sida hilibka ama caanaha xoolaha
  • Ku neefsashada bakteeriyada
  • Meel dhaawac oo bakteeriyadu gaarto
Siyaabaha ugu badan ee caanka ah oo dadka ay ku qaadi karaan cudurka waxa weye cabitaan ama cunid cunto aan laga ilaalinin bakteeriyada, caano ama farmaajo bakteeriyada cudurka gaartay. Waxa kale oo aad ku qaadi karta adiga neefsada bakteeriyada.

Arrintaasna in yar bay dhacdaa, laakiin waxay khatar ku noqon kartaa:
  • Dadka ka shaqeeya shaqooyinka qaarkood oo xoolaha la xiriira.
  • Dadka dibadaha ka yimaado oo dhulalka miyiga u doonta caanaha.
  • Dadka ka shaqeeya sheybaarka ama guryaha xoolaha lagu qalo.
  • Xoolaha qaba dhaawac wata bakteeriyada waxay halis gelin karaan dhakhtarka xoolaha, shaqaalaha ka shaqeeya guriga xoolaha lagu gawraco ama dadka xoolaha ugaarsatada.
  • Dadka xoolaha ugaarsada waxay cudurka ku qaadi karaan ayaga oo cuna cunto si lama filaan ay u taabatay bakteeriyada brucellosis, mudada ay ku hawlan-yihiin nadiifinta xoolaha duur-jooga.
  • Waxa kale oo suuragal ah in dadka si u la kac ah loo qaadssiyo cudurka brucellosis, ayada oo hawada lagu sii deynayo bakteeriyada cudurka ama loogu daro cuntada.

Cudurkan ma laga qaadi kara dadka kale?
Waxa suurgal ah dadka in ay is qaadsiiyaan cudurka brucellosis laakiin aad bay u yar tahay arrintaas. Marmar hooyooyinka naaska nuujiya way u gudbin karaan bakteeriyada ilmahooda.

Maxaa astaamo ah oo lagu gartaa Cudurka?
  • Cunno xumo
  • Dhabar xanuun
  • Dhaxan iyo qarqaryo
  • Caajis iyo tabardarri murqaha
  • Calool xanuun
  • Kalagoysyo xanuun
  • Qandho soo laalaabato iyo dhidid badan habeenkii
  • Madax xanuun oo hadduu joogto noqdo la yimaado hilmaan iyo jahwareer
  • Miisaanka oo lumo
  • Wuxuu kaloo xanuunka u keenaa haweenka inay dilmaan ama dhiciyaan, haddii haweenta lagu arko dilan is xigxiga waa in laga baaraan xanuunkaan, wax ka baro waxyaabaha kale ee keeni karo dilanka isxigxiga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0

Ma la daweyn kara cudurka brucellosis?
Cudurka brucellosis waxa lagu daweyn kara dawada disha jeermiska cudurka ee qallajiyayaasha qaar ka mid ah laakiin waxay qaadan kartaa usbuucyo, daweyntana waxay noqon kartaa mid adag oo in la joogteeyo ay muhiim tahay.
Daweynta waxay ku xiran tahay darnaanta xanuunka ee cudurka iyo marka daaweynta bilaabato waxay qaadan kartaa dhowr isbuuc ilaa bilo yar si looga daawoobo cudurka.

Ma laga hortagi kara cudurka brucellosis?
Ma jiro tallaal loo heli karo cudurka brucellosis. Hase yeeshee, waxa aad hoos u dhigi kara khatarta cudurka haddii aad ka fogaatid cunidda hilibka ama cabidda caanaha aanan safiican loo karkarin, farmaajada iyo jalaatada aan laga dhawrin bakteeriyada.
Dadka xoolaha ugaarta waa in ay gashadaan gacmo geshi.
Fikradaha qaldan ay dadka qaar aaminsan yihiin ayaa ah in aan la cunin hilib ama caano haddii cudurkaan kugu dhaco, taasi sax maahan, sida aan kor ku sheegayba xanuunkaan waxaa laga qaadaa hilibka aan safiican loo karkarin haday xoolaha jiranaayeen ama caanahooda oo la cabo haddii aysan karkarsanayn.

Maxaa cudurka brucellosis ka dhigay mid loo adeegsan karo hubka argagaxiso?
Cudurka brucellosis wuxuu dadka u keeni kara xanuun waqti dheer socda, Inkasta oo aan dilaa hayan, wuxu ka dhigaya dad badan in ay xanuunka qabaan.
Ogaanshaha iyo baadi-goobka habka u dilaaco cudurka brucellosis dhib bay ku noqonaysa waaxda caafimaadka bulshada.

Maxa aan sameeyaa haddii aan u maleeyo in aan qaaday cudurka brucellosis?
Dadka rumaysan in ay qaadeen cudurka brucellosis waa in ay la xiriiraan dhakhtar, buruseelka waxaa laga baaraa dhiiga, haddii lagugu arkane waxaa laguu qori doonaa daawooyin loogu talagalay, sida caadiga ahne daawadu dhowr usbuuc ayaa la qaataa, Awal cirbado ayaa la qaadan jiray, laakiin hadda kaniiniyo ka awood fiican ayaa jira oo meel kasta laga heli karaa.

Haddii aad qabto wax su'aalo ah, ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Samawade180

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Buruseelka (Brucellosis)
« Reply #1 on: May 14, 2011, 10:29:02 PM »
asc walaal waad ku mahadsan tahay sida wacan oo aad uga hadashay walaal waxaan qaba su'aal ah waxaan maqlay cudurkaan in u soo rido ilamaha uurka ku jira maxa jira arintaas? midakel ragga haduu uu ku dhaco sameyn miyuu ku yeelan kara xagga taranka?

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Buruseelka (Brucellosis)
« Reply #2 on: May 14, 2011, 11:26:13 PM »
Cudurka Brucellosis waxuu ku dhacaa xoolaha, dadkane iyagay ka qaadaan, calaamadaha lagu garto in xoolaha ku dhacay waxaa ugu horeeya in ay dhiciyaan.
Laakiin markii dadku ku dhaco calaamado kale ayuu keenaa sida: qandho, dhidid badan, jir xanuun, kalagoysyo xanuun, daal, tabardarri, wareer, diiq, kacsanaan, cunno xumi, miisaan lumis, qufac, feero xanuun, neefsasho dhib ah, calook xanuun, barar beerka iyo iyo beeryaraha ah ayuu keenaa.

Fikradda ah in ilmaha uu ka soo rido haweenka maahan wax la isku waafaqsanyahay laakiin waxaa la yiraahdaa way dhici kartaa inuu rido laakiin waa wax dhif iyo naadir ah, calaamadne uma aha cudurka sida lagu yaqaanno markuu ku dhaco dadka.

Wax saameyn ah kuma yeesho xagga taranka iyo himadaba, laakiin wxuu keeni karaa caabuq xiniinyaha ah marmarka qaar.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: