Health Related Forums > Health News and Events

ISlaan ruush ah oo dhashay gabar 7.5 kiilo ah!

(1/1)

SomaliDoc:
Gabar loo baxshay Nadia, ayaa ku dhalatay wadanka ruushka 17-ka bishaan, gabadhaasi oo aheed 7.7 kiilo laguna qalay hooyadeed ayaa wax la layaabo noqotay.
Sida caadiga ah ilmaha waxa ay ku dhashaan iyagoo 3.5 ilaa 4 kiilo ah.
Naadiya oo la wareystay hooyadeed ayaa tiri "waan la yaabay culeeska gabadhayda, waxaana horay u dhalay 8 gabar iyo 3 wiil oo ku dhasheen 5 kiilo kabadan"
Hooyada oo 43 jir ah ma aysan sheegin cunto gooni ah oo ay cunto.
Cunugii ugu culeeska badnaa oo ku dhasha 10 kiilo waxay aheed 1955-kii wadanka talyaaniga, kaasina waxaa ka dambeeyay cunug ku dhashay wadanka canada oo ahaa 10.8 kiilo kaasoo dhintay 11 saac kadib dhalashadiisa.
mahadsanidiin
SomaliDoc

Navigation

[0] Message Index

Go to full version